Tress Thomas: Warbixin Daaha Ka Feyday Qaabka Uu Madaxweynaha Soomaaliya Uga Gudbi Karo Imtixaanno Ku Xidhiidhsan Aqoonsigii Maraykanku Siiyey Dawladdiisa

Suurto-galnimada Cilmi-baadhis uu sameeyey Khabiir Ku Xeel Dheer Arrimaha Federalism-ku+Istaraatiijiyadda ay Somalilkand kaga hortegi karto Qorshahan

Hargeysa (Hubaal)-Warbixin dheer oo uu Tress Thomas daraasad baadhitaan ah ku sameeyey nidaamka Federaalisamka ee Somaaliya, isagoo Shahaadadda [PhD] u qaatay inuu ka diyaariyo mawduucan, ayaa waxa uu daaha ka fayday,in suurtagal ay tahay, in Madaxweynaha Somaaliya uu uga faa’iideysto aqoonsigii Mareykanku siiyey sidii uu uga gudbi lahaa Maamul Gobolleedyada oo ay ku jirto Somaliland dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka ee Bulshada Caalamku ugu deeqdo Somaaliya. Waxa ay intaa ku dartay warbixintu, in laga yaabo inay Xukuumadda Muqdisho suurtagal u tahay, in Kaalmooyinka Caalamiga ah ay ka dhigtaan badhi-taageero ay ku sii korodhsadaan, inay dhammaan wixii awoodaha ee la xidhiidha arrintan ay soo geliyaan gacantooda. Haseyeeshee Tress Thomas waxa kale oo uu sheegay, in si kastaba ha ahaatee laga yaabo inay tallaabadaasi dhaliso qarax, iyadoo uu imtixaanka ugu horreeya ee Madaxweynaha Somaliya ay noqon doonto hadba sida uu u Mareeyo sidii uu sida Jubbaland oo kale uga dhigi lahaa Puntland iyo Somaliland oo aanu weli midkoodna booqan. Sidoo kale waxa ay warbixintani iftiimisay,in labaatankii sanno ee u dembeeyeyba ay Somaaliaya ka helaysay bulshada Caalamka fursado taageero ah oo wax badan ka tari lahaa guul-darrooyinkii Xukuumadihii kala dembeeyey oo mid walba marka hore la timaad firfircooni tan Xukuumadda hadda oo kale, balse mid walba marka dembe ay ka fiishto xagga dembe, halkaana ku dhammaato. Sidaa darteed waxa ay xustay warbixintani,inay Somaaliya iyo muwaadiniinteeda ay u taalo sidii aanu aqoonsiga Mareykanku u noqon doonin mid uu dib uga soo duuduubto Muqdisho. Imtixaanka labaad ee hor yaalay Xukuumadda Somaaliya,waxa uu ninka daraasaddan ka diyaariyey ku sheegay inay tahay,go’aanka uu Baarlamanka Somaaliya ka qaato sidii uu qeybin lahaa marka hore dawladda Federaalka ah,awoodaha Gobollada iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin tan dawladda dhexe iyo kuwa kale ee Maamul Goboleedyadu iyo sidii Dastuurka dhexdiisa dib u kaabis loogu sameyn lahaa isla arrimahan. Warbixintu waxay intaa ku sii ladhay, in aqoonsiga uu Mareykanku siiyey Somaaliya ay qeyb ka yihiin hadba sida wax looga qabto, iyadoo Madaxweynahana ay arrimahan yihiin kuwa lagaga qaadayo ee lagu eegi doono siduu u maareeyo. Sida ay sheegtay Warbixinrtu waxa ay Somaliland kaga hot tegi kartaa arrinta Aqoonsiga .waa iyagoo qaata ayey tidhi warbixinta Istaraatijiyad taas lid ku ah oo ay ku sheegtay,inay tahay in iyagu ay halkooda ka sii wataan sidii iskood isku maamuli lahaayeen si xasilooni iyo Maamul wanaag ah ,si markaa ay dalalka kale ee shisheeye u bilaabaan , in Somaliland ay u siiyaan shaciyado hor leh oo Jiritaankooda wax u tara kara.  Arrinta kale ee muhiimka ah ee lagu xusay warbixintan,waxa ay tahay oo ay daboolka ka qaaday,in Mareykanku aanay marna ku xusin bayaannadii uu kasoo saaray aqoonsiga Xukuumadda Somaliya,inuu ka noqday siyaasaddiisii Diblomaasiyadeed ee labada dhinac ahayd ee uu kula kala macaamili jiray Somaaliya iyo Somaliland,waxanu Tress Thomas daboolka ka qaaday in aanay suuroobeyn inuu hadda wax ka beddelo siyaasaddiisii hore,balse uu kula dhaqmi doono siday awalba ahayd ee uu ula macaamili jiray Somaliland iyo Somaaliya,isla markaana ay u taalo Somaalida siday mustaqbalka ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen. Warbixintan oo aad u dheereyd waxanu ka soo xiganay Shabakadda la yidhaa [ Somalidiaspora] qeybteeda afka Ingiriisiga oo la geliyey shalay.

Hubaal News Desk

Hargeysa, Somaliland

Hubaal100@gmail.com

Hubaal100@yahoo.com

Hubaal100@hotmail.com

Advertisements

Is Barbar Dhigga Dhaqamo Ay Iska Metelaan Laba Wasiir oo Somaliland & Somaaliya Ka Tirsan. W/Q. Cabdicasiis Bashiir Nuur

 

Meel walba waxa jiira Xirsiyo, bal eega dawladda Soomaliya nin ka mid ah golaha wasiirrada isla markana ka mid ah nimanka sida weyn uu wax uga qaato madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud. Waa kan Mr. Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya oo loo aqoondsaday Shakhsiga ugu awoodda iyo Dhaq-dhaqaaqa Badan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu Hoggaamiyo Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa u shaqeeya qaabab ka duwan Wasiirrada kale ee Xukuumadda isagoo Mararka qaar qabta shaqooyin ay leeyihiin Wasaarado kale. Waxaa aad loo dhaliilay Shirar badan oo uu Wasiirku kaga qeyb galay Dalka Dibadiisa gaar ahaan Booqasho uu ka tagay Qaar kamid ah Dalalka Carabta xili ay joogaan Masuuliyiintii ku shaqada lahaa, Shaqooyinkaasina looga baahnaa qabashadeeda, sida Wasiiradda Arrimaha Dibada iyo Ku xigeennadeeda iyo Wasiiro Dowladaha Arimaha Dibada. Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeyb galay shir ka dhacay Dalka Switzerland oo lagaga Hadlayay Arrimaha Dhaqaalaha xili ay Joogaan Shirkaasina ka qeyb galkiisa Xaq u lahaayeen Wasiirka Maalliyada iyo ku xigeenadiisa balse taa Badalkeena Waxaa shirkaasi Soomaaliya u matalay loona dirsaday Wasiirka Madaxtooyada. Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo aqoonasan yahay mid kamid ah Shakhsiyaadka ugu awooda badan Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga yimaado Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo R/wasaaraha. Haddaba waxa jiira in dawladda Somaliland laga cawdo mid ka mid ah golaha wasiirrada kasoo ah Wasiirka Madaxtooyadda Sh. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo la odhan karo waxa ay isku noocad yihiin wasiiru dawlaha aynu soo sheegnay.

Allaa Mahad Leh

Cabdicasiis Bashiir Nuur

Hargeysa, Somlailand

Email.c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa Somaliland.

Fadeexadii Madaxweyne Siilaanyo kala Kulmay London Waxa Masuul ka Ahaa Wiilka Xididka La Ah Madaxtooyadda & Xubno Kale

 

Habeen Hore oo Bishu ahayd 12/2/2013 waxaa ka dhacay kulan Madaxweynaha iyo weftigiisu ay kula kulmeen Koox dhalinyaro ah oo ay saaxiibo yihiin inanka odaygu Sodoga u yahay ee Baashe Omar iyo Khadar cali gaas iyo Dr. Beenaalaha arimaha Dibeda Sheraton Syline Hotel Hayes London Hayes London. Kulankan oo loogu yeedhay kulanka madaxweynaha iyo jaaliyada balse aan jaaliyadaha Somaliland ee Cariga Ingiriisku waxba ka ogayn sida aad saxaafada ka aragteena uu Gudomiyihii qurbajoogu isku casilay sababaha maamul xumo iyo shirqoolka madaxweynaha lala damacsanyahay oo aan waxba lagala socodsiin darteed ayaa ku soo gabagaboobay fadeexad la dhexfadhiisiyey madaxweynihii qaranka.

Ujeedad kulankan lala dhuuntay ayaa ahayd in lagu lunsado hanti qaran oo la yidhaahdo waxaa kulmay madaxweynaha iyo jaaliyadaha, balse waxaa goobta yimi kooxdaas ay wada shaqaystaan Inanka odaygu Sodoga u yahay iyo Khadar cali gaas oo iyagu ah kuwa loo adeegdaso dhacdooyinka noocan oo kale ah,, waxaa foolxumo weyn ah in Madaxweynaha Somaliland aanu kaba war hayn hadba meesha loo wado iyo shirqoolada ay u maleegayaan kooxdan qawlaysatada ah ee isku bahaystay boobka hantida umada.

Goobta kulanku ka dhacay oo aan Habeen Hore anigu indhahayga ku soo arkay waxaan is weydiiyey sababta ay arintanu u dhacday waxaase ii soo baxday in madaxweynaha iyo shacabka soo doortay ee uu madaxweynaha u yahay lagu kala gudban yahay oo kooxi meesha ku shaqaysato kana ilaaliso shakhsiyaadk qaranka iyo jiritaanka Somaliland daacada u ah.

Waxaan ilaa saaka xogwaran ka ururinayey jaaliyada Somaliland ee Uk gaar ahaan reer London oo aan lahaa maxaa sababay in madaxweynaha Qaranka ay 8wiil meel ku xidhaan isna ka yeelo oo dhex fadhiisto iyo sabata jaaliyada London oo ay ku jiraan muwaadiniin hadh iyo habeen u taagan qadiyada Somaliland ay goobta uga soo xaadiri waayeen.

Waxaa xogtii ku soo ururtay in kulankani ahaa mid qarsoodiya hantina lagu lunsanayey madaxweynaha loogu sheegay in jaaliyada lala kulomayo gudoomiyihii qurbajooga oo isagu ahaa kan ka masuulka isku xidhka jaaliyada iyo madaxweynuhuna uu xilkii iska casilay markuu arkay sida wax u socdaan taasina ay sababtay in dhamaan jaaliyadihii ka muquurtaan goobta madaxweynaha lagu bah dilayo si ceebta iyo fadeexada halkaa ka dhacday aan loola qaybsan kooxda hawsha wadatay.

Ugu danbayn waxaa guul daro u soo hoyatay shacabka reer Somalilan madaxweyne Siilaanyona hadii aanu iska fogayn kooxda isu bahaysatay boobka xoolaha unada isagana marba meel aan shacabkii doortay joogin soo fadhiisinayaa, wuxuuna madaxweyne Siilaanyo ku war heli doonaa isagoo gegi cidla ah fadhiya dalkiina gacantiisa ku burburay.

Eng. Xusen Ali Jibril

London UK

“Waxay ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto”

 “Ninkii Hudheelku Shahaadooyinkii ayuu naga ururiyey oo Wuxuu nagu yidhi Iga Bixi maysaan illaa aad Lacagtayda I siisaan”

 

“Waxay  ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto”

 

Muqdisho- (Hubaal)- Toddoba Arday oo kamid ah 17 Arday oo  qayb ka ahaa ku dhawaad 50 Arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho u joogay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa ku xaniban halkaasi, iyadoo Madax furasho loogu haysto Kharash ku dhaw Labaatan kun oo Dollar ($20,000) oo uu sheegtay Hudheelkii ay Muqdisho ka degenaayeen.

Ardaydan oo ahayd dufcadii labaad ee ka tagtay Somaliland oo bishii October ee Kal hore  ku guulaystay Imtixaan Tukrigu ka qaaday si loo siiyo  deeq waxbarasho oo dawladda dalkaasi u qoondaysay guud ahaan ardayda Soomaalida ayaa magaalada Muqdisho ku xaniban muddo sagaal Bilood ah, Sida ay baahisay dhinaca internetka laga dhegeysto ee Radio Hirad, waxanay  ardaydu werwer ka muujiyeen in muddada intaa le’eg  ay ku qaadato in ay sugaan deeqda waxbarasho ee la sheegay in Turkiga loogu qaadayo, taasoo aakhirkii  dhicisowday kadib markii lagu wargeliyay in ay internetka ku codsadaan mar kale waxbarashadaas si ciddii ku guulaysata loo qaado.

 

Ardaydan oo koox-koox ugu soo noqday Somaliland ayaa 17-kii arday ee ugu dambeeyay loo diiday inay ka baxaan Hotel-kii ay  Muqdisho ka degenaayeen,  iyadoo loo qabsaday Kharashka lagu yeeshay muddo lix bilood ah oo ay Hotelkaasi ku jiraan oo Jiif iyo cuntaba isugu jiray.

 

Lacagta ardaydan loo qabsaday oo gaadhaysa in ka badan Toddoba iyo Toban kun oo Dollar ($17000) ayaa xaqlaha hudheelku sheegay in dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya uu ku dallacay maadaama oo markii hore ay iyadu ardayda soo dejisay Hotelka.  Qaar kamid ah ardayda kasoo noqotay Muqdisho oo haatan Hargeysa Jooga ka warramay arrintan, “Markii hore ee aanu tagnay dawladda ayaa na qaabishay  oo tidhi jiifkiina iyo cuntadiinaba annaga ayaa qabna ee hudheelkaa degga, bilihii hore kharashka waa ay naga bixisay  laakii intii dambe wax lacag ah nagamay bixin”. Sidaa ayuu  yidhi Xamse Carab oo ka mid ahaa Ardayda madax furashada loo qabsaday balse aakhirkii damiin ahaan kaga soo baqoolay Muqdisho, waa kan mar kale isaga oo faahfaahinaya sida xaalku noqday “markii aanu damacnay inaanu soo baxno  Ninkii Hudheelku wuxuu yidhi iga bixi maysaan illaa lacagtaydii aad I siisaan, taas bedelkeeda Shahaadooyinkii ayuu naga ururiyey, qaarkoodna waxa lagu soo daayay Damiin, qaarna way ku hadheen”.

Axmed Ibraahin Cismaan oo isaguna kamid ah ardayda toddobada ah ee ku hadhay Hotel-ka Muqdisho ku yaalla ayaa dhiniciisa sheegay in wasaaradda waxbarashada ee dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya  ay ahayd cidda ballan qaadyada ugu badan siisay nolosha ardaydaasi.

Hase yeeshee Wasiirka Waxbarashada ee TFG Axmed Caydiid Ibraahin  la weydiiyay sababta ay u fulin waayeen ballanqaadyada ardaydaasi ayaa ku tiiqtiiqsaday masuuliyadda ka saran, isaga oo ku dooday in duruufaha jira ku khasbayaan ardayda inay xanibnaadaan ilaa wax loo helayo “xataa haddii ay annaga nala joogaan  waxay ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta oo duruufta lagu jiro  ayuun bay marayaan, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Kooxda Khaatumo oo 4 Qof o ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ka Afduubay Deegaanka Sool-joogto & Shuruuda ay Soo Dayntooda ku xidheen

Buuhoodle- (Hubaal)- Koox Maleeshiyo Reer Buuhoodle ah ayaa shalay galab ka Afduubay  deegaanka Sool-joogto ee kulaalaya Buuhoodle  5 Nin oo u dhashay beesha bariga Burco, kuwaas oo ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee deganaa agagaarka fadhiisimida Ciidamadda Qaranka Somaliland laga soo raray todobaadkan.

 

Kooxda malleeshiyada Afduubka u kaxaystay raggaa, ayaa wararka ka imanaya deegaanku sheegayaan inay wateen gaadiid dhawr ah oo ahaa nooca gaashaaman ee loo yaqaan Tignikada, waxayna raggaa u kaxaysteen dhinaca Buuhoodle.

 

Ma jiraan wax war ah oo si cad sheegaya sababta ay kooxdaa malayshiyada ahi u afduubeen raggaa, iyadoo xaalad colaadeed oo muddo ka taagnayd deegaankaas la filayay in lasoo afjaro, Kadib markii ay xukuumadda Somaliland dhowaan heshiis la gashay hoggaamiyihii kooxda SSC ee dagaalka ka waday halkaa iyo Odayaal deegaanka ah, kuwaas oo dalbaday in loo sii daayo maxaabiis dagaalo hore lagaga qabtay, isla markaana fadhiisimo ciidanka qaranku ku lahaa dib looga soo qaaday. Kadib markii ay hogaamiyaha kooxda SSC iyo Odayaasha la socday ku doodeen in ceelashii biyaha ay ciidamada qaranku ka dhigteen fadhiisimo. Sidaana lagaga soo qaaday aagagii ay ciidamadu ka fadhiyeen oo dib loogu soo raray dhinaca Qorilugud oo aan ka fogayn Buuhoodle.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya inay Dablayda Afduubka samaysay raggaa la tageen magaalada Buuhoodle oo ay ku hayaan, iyagoo ku doodaya in loo sii daayo Nin lagu magcaabo Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac-Kuutiye) oo ahaa hogaamiyihii koox falal argagixiso hore uga fuliyay Somaliland oo sanadkii 2002 – 2003, balse sanadkii  2004, lagu qabtay magaalada Doqoshey isaga iyo kooxdii uu watay. Kadib markii ay duleedka Hargeysa ee Tuulada Dhubato ka sameeyeen falal dilal iyo Afduub ay u geysteen shaqaale Ajanibi ah oo ka socday hay’adda jarmal ah oo lagu magcaabo GTZ. Jaamac Kuutiye balse markii ay maxkamadi ku heshay falalkaa aragagixiso lagu riday xabsiga, isla markaana uu fashilmay qorshe ay koox ka tirsan Al-shabaab 2005, ku doonayaan inay xabsiga hargeysa kala baxaan Jaamac Kuutiye iyo kooxdiisa.

 

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin arrinta Afduubka muwaadiniintaa oo ay wararka qaar sheegayaan in lagu hayo guri ku yaal Koonfurta magaalada Buuhoodle ee dhinaca Ethiopia raacsan, balse wararka qaar ayaa sheegay inuu xukuumadda Somaliland kala soo xidhiidhay arrintaa Saleebaan Xalo-toosiye oo uu sheegay in lasoo deynayo raggaa oo arrinta isaga loo daayo, isagoo la kaashanaya Odayaasha dhaqanka ee deegaanka, iyagoo ku dooday inaanay arrintaasi saamayn ku yeelanayn  dedaalka nabadeed ee laga waday deegaankaa. Sidaa awgeed iyaga laga sugo jawaab.

Isra’il oo ku Duulaysa Iran iyo Jawaabta Dalkaasi ka Bixiyay

 

Tehran-(Hubaal-W/wararka)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Israa’iil Mr Benjamin Netanjahu iyo wasiirkiisa difaaca Ehud Barak ayaa ku hanjabay in dagaal aan waqtigiisu dheerayn ay ku qaadi doonaan xarumaha lagu tayeeyo hubka Nukliyeerka ee dalka Iiraan, inkastoo ay Maraykanka iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Israaiil ay ka soo horjeedaan in xilligan dagaal lagu qaado dalka Iiraan.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa isla markiiba  jawaab adag ka bixisay hanjabaadaasi.  Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibeda  ee  Ramin Mehman parast ayaa shalay saxaafadda u sheegay in hanjabaada Israaiil tahay mid afka baarkiisa ah oo aan gundhig lahayn.

Waxay ahayd toddobaad ka hor markii madaxda sare ee Isreal ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka bixin doonan dhawaan tayaynta barnamijka kobcinta nuclear Wadanka Iran, Isreal ayaa waxay ku doodaa in ay xaq u leedahay in ay iska difacdo wax alle wixii halis galin kara jiritaankeeda.

Wasiirka difaca ee Iran General Ahmed Vahidi ayaa u sheegay wakalada waraka ee ISNA in hadalka Raysal wasaraha Isreal iyo Wasiirkiisa gaashandhiga MR Ehud Barak ay yihiin hadalo daciifnimo ah oo laga xishooda,

Maaha markii ugu horeysay ee Isreal hanjabad noocan oo kale ah ay hawada usoo mariso jamahuuriyada Islaamiga ah ee Iran

Reer Buuhoodle oo soo faqay Meydad ay ku Carqaladaynayaan Nabadii Somaliland u Darbanayd

 

Buuhoodle (Hubaal)-  Maamulka Khaatumo iyo dadweyne ka soo hor jeeda Heshiiskii Saleebaan Xagla toosiye  iyo Xukuumadda Somaliland wada galeen ayaa shalay soo foqay Meydad ku duugnaa Deegaankii ay Ciidamadda Somaliland ka soo guureen ee Meygaagle.

Kooxahan oo hurinaya Fidmo hor leh oo raxan raxan isku watay ayaa qaylo dhaan kula dhex dhacay dadka Reer Buuhoodle, kuwaasoo ujeedadoodu tahay sidii ay u xagal daacin lahaayeen dariiqa Nabada ee ay Somaliland mar walba Tanaasulka ugu samaynayso dadkeeda.

Dabka ay kooxahaasi hurinayaan iyo fidmada ay aloosayaan ee ay mar marinayaan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa u muuqda kuwo looga dan leeyahay oo kaliya in mar kale la abaabulo Durbaan Colaadeed oo ay dad kale ku baxaan, halkay ka ahayd in Tallooyinkii Nabadoonadii Somaliland ay wax isla meekl dhigeen ay qaataan.

Ma cada wali Kooxahaasi fidmada ay wadaan halka ay gaadhsiisan tahay hase yeeshee wararka  aanu ka helayno aaggaasi  ayaa sheegaya inay Deegaanka oo dhan gaadhsiiyeen Durbaan Colaadeed oo loogu aargudo Meydadkaasi ay dib u soo faqeen ee ay wax ma garatada ku Beer laxawsanayaan, Hase yeeshee waxa muuqata inay is ilow siinayaan khasaare mar kale Curtaa inaanay Dani ugu jirin Dadka deegaankaasi oo ay Colaada ka fiican tahay dariiqa la hayo ee Nabadu.

Haddii ay sida ay soo bandhigeen dhab ka tahay oo ay Meydadkaasi heleen iyada oo aan la Aasin waxa ay arrintaasi noqonaysaa mid ku xun Diinta iyo Dadnimada oo dul taala Ciidankii ka soo guuray Deegaankaasi, haddiise ay tahay ku xumee Nabada waxay noqon doontaa mid ay masuuliyadeeda qaadi doonto cidii Maleegtay Fool xumadaasi.