“Waxaan aaminsanahay inaan ahay ninka keliya ee mideyn Somaliland iyo Koonfur”-Ismaaciil Buubaa oo shaaca ka qaaday inuu isu Sharrayo doorashadA Madaxweynenimada ee Soomaaliya

Muqdisho  (Hubaal/Wakaadaha) – Ismaaciil Maxamuud Huure Buubaa oo ah siyaasi  ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka ayaa shaaca ka qaaday in uu si rasmi ah ugu sharraxan yahay  tartanka doorashada madaxweyne nimada Soomaaliya.

Xaflado Mr Buubaa  uu kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa ayaa  siyaabo kala duwan loogu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo xafladdii ka dhacday magaalada Muqdisho uu uga qeyb qaatay khadka Telefoonka isagoo ku sugan Nairobi, wuxuuna sheegay in markii uu arkay xaaladda cakiran ee Soomaaliya Marayso uu isku soo taagay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya si buu yidhi uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed  uga samatabixiyo dhibaatada haysata “Waxaan aaminsanahay inaan ahay ninka keliya ee mideyn kara goob kali ahna isugu keeni kara gobolada Waqooyi (Somaliland) iyo kuwa Koonfurta ee Soomaaliya, dhib badan ayey dadku kala tabanayaan, sida aad la socotaan dalka Soomaaliya waxaa dilay hogaan xumo, nin kasta oo la soo doorto waxa ugu horeeya ee uu diiradda saaraa sidii uu lacag u kasban lahaa iyo inuu u dhego nuglaado hadalada ka soo yeeraya beesha caalamka ee uma nego-nuglaadaan hadalada dadka Soomaaliyeed uga imaanaya, aniga waxaan idiin balanqaadayaa haddii aan ku guuleysto xilka Madaxweynenimada Soomaaliya inaan ku shaqeeyo rabitaanka dadka” ayuu yidhi Ismaaciil Maxamuud Hurre {Buubaa}.

Ismaaciil Maxamuud Huure Buubaa waa Siyaasiga kaliya ee ka soo jeeda SOmaLilaNd ee isu soo sharraxay xilka Madaxtimimada dalka, mana dhici jirin 21-kii sano ee la soo dhaafay in siyaasi ka soo jeeda  Somaliland uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna Mr. Buubaa uu qeyb ka noqonayaa murashixiinta faraha badan ee u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya oo haatan olole kala duwan ka wada gudaha dalka

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s