Soomaaliya: Ganacsato reer Somaliland ah iyo Baabuur u Rarnaa oo ku Gedoomay Degmadda Wan-la-weyn

Wan-la-weyn- (Hubaal/Wakaaladaha)-Inta la ogyahay Saddex ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, kadib markii Baabuur Xamuula oo u raran ganacsato reer Somaliland ahi ku geddoomay degmada Wan-la-weyn oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ee dalka soomaaliya.

Baabuurkan oo Khudrad ka soo qaaday degmadda Afgooye una soo jeeday dhinaca Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa shalay ku dhacay deegaan lagu magacaabo  Baladul-amiin oo hoos yimaada degmadda wanlaweyn iyadoo halkaasi uu khasaare xooggani soo gaadhay dadkii iyo duunaydii saarnaa baabuurka.

Sida lagu baahiyay barta internetka ee Hadhwanaagnews,  waxa la xaqiijiyay dhimashada Saddex ruux oo kamid ah ganacsatadii uu baabuurku u rarnaa, halka laba ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan si rasmi ah oo hayn magacyadda dadkaas, haddana qaar kamid ah ganacsatada reer Hargeysa ee iyagu khudradda ka keena wadanka Soomaaliya oo aanu wax ka weydiinay xog ogaalnimadda shilkaas iyo aqoonsiga dadka ku dhintayba waxay noo sheegeen in aanay hadda saxi Karin magacyadda dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah, balse  ay ka war qabaan uun shilkaas oo loo soo sheegay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in goob joogayaal  ku sugan halka shilku ka dhacay ay warbaahinta u sheegeen in ay arkeen maydadka ilaa iyo sadex ruux iyo dhaawaca laba qof oo kale kuwaasi oo loola cararay laguna dawaynayo  Cusbitaalada magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s