Mo Farah oo ku Guulaystay Biladdii 2aad ee Dabab ah & Qoyskiisa o Caalamka uga Mahad Celiyay Taageerada ay u Muujiyeen


Hargeysa (Hubaal)- Halyayga weyn ee reer Somaliland ee orodka dheer ee haysta jinsiyadda Britain Mo Farah, ayaa xalay  ku guulaystay tartanka orodka 5000m ee tartanka ciyaaraha Olompic-ga ee ka socda magaalada London, waxaanay noqonaysaa biladii labaad ee dahab ah ee uu ku guulaysto ka dib markii uu dhawaan ku guulaystay tartankii 10000m ee isla tartankan.

Biladdan labaad ee dahabka ah ee uu ku guulaystay Mo Farah waxay ka dhigaysaa biladaha dalka Ingiriisku ku guulaystay tartankan Olympic-ga tii 27-aad ee dahab ah, waxaanay guushiisu noqonaysaa mid la yaable ka dib markii uu isku darsaday biladihii tartamada Orodka 5000m iyo 10.000m.

Mo Farah waxa uu ku orday 13 daqiiqo iyo 41 Ilbidhiqsi, waxa kaalinta labaad ee tartanka orodka 5000m ku guulaystay Dejen Gebremeskel oo u dhashay dalka Itoobiya halka Kaalinta sadexaadna uu galay, Thomas Longosiwa oo u dhashay dalka Kenya.

Dadweynaha Ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa xalay mar kale u riyaaqay guusha labaad ee taariikhiga ah ee Halyga weyn ee Mo Farah ka soo hooyay tartanka ciyaaraha Olombiga ee ka socda dalka Ingiriiska. Dhinaca kale Qoyska Mo Faarax ee Degan Somaliland ayaa ka mahad celiyay taageerada loo sameeyay Mo Faarax. Qoraal xalay uu na soo gaadhsiiyey Faysal Cumar Madar oo ku hadlayay afka qoyska Mo Faarax ayaa u dhignaa sidan: “Bulshada Caalamka, Dalalka Muslimka ah, Boqortooyada Ingiriiska, Jaamacada Carabta, Dalalka Bariga Afrika, Bulshada Af-soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Ummadda Reer Somaliland, anigoo ku hadlaya magaca Qoyska Maxamed Faarax (Mo Farah), waxaan uga mahad-celinayaa sida Xamaasada iyo qiirada leh ee ay taageerada ula garab-taagneeyeen Orodyahankaasi ku cararayay magaca Boqortooyada ingiriiska asal ahaan u dhashay Somaliland, kaasi oo magac iyo milgoba u soo jiiday Dalka uu magaciisa huwan yahay iyo Qaranka Somaliland ee uu Calankooda iyo sharaftoodaba tusay Bulshada Caalamka.

Ordyahan Mo Farah maaha taageerada reer Bulshada Reer Somaliland u hayso mid ku timid asalnimadiisa uu ka soo jeedo Somaliland ee waa mid ku timid wadaniyada uu u hayo dalkiisa ee ka muujiyay huwadayna Calanka Somaliland.

Waxa Xusid mudan Marwada qaaliga ah ee Marwo Edna Aadan oo Bulshada Caalamka u qeexday asal ahaan halka uu ka soo jeedo Mo Farah ee Somaliland iyo sida Oradyahankani ugu tartamo Ciyaaraha Caalamiga ah magaca Boqotooyada Ingiriiska.

Mo Farah wuxuu iftiimiyay rajada iyo mustaqbalka Dhalinyarta Somaliland oo uu tusay haddii ay helaan dhiiri gelin iyo in la garab qabto Dhalinyarta mowhibada u leh Orodka oo kaalmo hore ka geli lahaayeen tartamada Caalamiga ah.

Waxa kale oo iyana xusid mudan sida ay Xukuumada Somaliland xilka iskaga saartay sidii ay ugu dhaadan lahaayeen magaciisa gaar ahaan Wasiirka Dhalinyarada, Dhaqanka iyo Ciyaaraha ee hadda oo isla markii uu ku guulastay Bilada Dahabka ah ee  10,000 Mitir ee Ciyaaraha Olombikada London 2012 warbaahinta Caalamiga ah uga hambalyeeyay Orodyahan Mo Farah xusayna in aanu Boqortooyada Ingiriiska oo qudha magac u soo jiidin ee uu kor u qaaday Magaca Somaliland, iyo Wasiirkii hore ee isaga  ka horeeyay ee Cabdi Siciid Faahiye oo xil wayn iska saaray soo dhawaynta booqashadiisii uu sanadkii hore ku yimid Somaliland.

Haddaba, Waxa aanu Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa in ay qorshe cad oo wax-qabad oo ay kula shaqeeyaan Orodyahankaasi reer Somaliland ee Caalamiga oo leh Haayado Caalami ah oo wax-qabad sida (Mo Farah Foundation) iyo siddii ay Xidhiidhada Caalamiga ah ee Cayaaraha kala duwan uu ugu xidhi lahaa iyadoo la adeegsanayo magaciisa, hubaal ay tahayna in ay Xidhiidhadaasi wax-qabado iyo taakulayn dhinaca Cayaarah ah ka gaysan lahaayeen Somaliland, sidaasi darted waxaanu mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqaynaa Xukuumadda in aanay fududaysan arrintaasi muhiimadeeda leh.

Ugu dambayntii waxa mahad oo dhan iska leh Allaha wayn ee u suurta-geliyay Mo Farah isagoo Sooman inuu mar kale ku Guulaysto Xalay Bilada Dahabka ee Orodka 5,000 ee Mitir.

Wa Billaahi Towfiiq

Faysal Cumar Madar

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s