Golaha Guurtida oo Tubtii Wakiillada ku Ansaxiyay Xeerka Doorashada iyo Mudanayaal Dhegaha kaga Buuqay Guddoomiye Saleebaan

Muxuu Yahay Lifaaqa Xasarada Abuuray ee Xeer 20/2001 iyo Qoddobadda Wax ka Bedelka lagu sameeyay ama kuwa la Nasakhay?.

“Guddoomiye ma adigaan  kugu macsuunaa, Haddaad tidhaahdo maanta Igu Raali geliya  kolley anigu waan yeelayaa….”

 

Hargeysa(Hubaal)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi aan caadi ahayn oo shalay ay isugu yimaadeen ku meel mariyay lifaaqa shanaad ee xeerka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyadda xeer NO:20. Fadhigan oo uu shirguddoominayay, Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), waxa ka soo xaadiray 58 mudane oo kamid ah 82-ka goluhu ka kooban yahay, waxana ay  cod aqlabiyad ah  ku ansixiyeen wax ka bedel kooban oo lagu sameeyay xeerkan doorashooyinka oo ah qaabkii Komishanka doorashooyinku hore u dalbadeen in  Murashaxiinta u tartamaysa Goleyaasha deegaanka loo sameeyo Sumad Astaan u noqon doonta.

Jawigii uu ku fumaray Fadhigu

“Illaahay haynoo fududeeyo wixii hawl ah ee aynu qaranka u hayno iyo teenaba, anigu waanigii muddo dheer idinka maqnaa, iska maqnayn ee koley xanuuno ayaan ku maqnaa, goluhuna iguma dhibin waanu ku mahadsan yahay.”-weedhahaas waxa ku tiraabay Guddoomiye Saleebaan-Gaal oo furitaankii fadhiga hadal kooban ka jeediyay, waxana hadalkiisan oo u muuqday mid uu kaga meer-meerayo buuq kaga yimaada xildhibaano shucuurtoodu kacsanayd oo ka soo horjeeday,  xeerkan uu ku tilmaamay inay hore wax ka bedel iyo kaabis ugu sameeyeen illaa shan jeer oo hore. Waxana uu yidhi “Waxaynu saaka (shalay) isugu nimi oo aynu furanaynaa waa kala fadhi-qayral caadi ah, duruuf uun baa keentay sharcigan lagu sameeyay, iyadoo wax laga bedelay buu innagu soo noqday, oo waxa laga badin waayay duruufta maanta jirta ee dhaqaale awgeed waxa ay u baahan tahay in la soo koobo, in laysku celceliyo oo muranku batana ma fiicna, golihii guurtidana waynu nahay, waxaanan jeclahay waxa laga bedelayba waa laba qoddob iyo farqad lagu siyaadiyay, waana laydiin qaybinayaa, waana  la idiin akhriyayaa.” Ayuu yidhi gudoomiyuhu, isaga oo ku xigeenkiisa labaad siciid Jaamac Cali ka dalbaday in uu Mudanaayasha u akhriyo xeerka, hase yeeshee, waxa hadalka ka boobay Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) iyo Xildhibaan  Maxamuud maxamed Yaasiin (Dheeg)  oo iyagu kamid ahaa xubnaha ka soo horjeeday. Xil.  Gacan oo hadalka ku horreeyay ayaa ku tiraabay “Guddoomiye ma adigaanku kugu macsuunaa, in badan baad naga maqnayde  bahalku  (xeerku) sharci maahee, haddaad leedahay odaygiinii  baan ahay waa marxalad, laakiin uma aragno  inuu sharci umadda raali galinaya yahay, laakiin haddaad tidhaahdo maanta ii dulqaata oo igu dhaafa, kolley anigu waan yeelayaa….” ayuu yidhi Xildhibaan Gacan, hase yeeshee gudoomiyuhu intaanu u jawaaban waxa hadalka ka daba qaatay Xildhibaan Dheeg, oo xeerkan ku tilmaamay mid sumcaddii golaha iyo wakiillnimadii ay dadka u ahaayeenba dhaawacaysa ““Guddoomiye, haddaan laba soo akhriyayn oon laga soo baaraan degayn maxaa laga soo maxaa laga qaybinayaa, duuduub kali ahi nama anfacayo ee guddoomiye waa in maanta lasoo akhriyaa”. Ayuu yidih Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg.

Maxay yihiin Qoddobada Laga Qayliyay iyo kuwa la nasakhay?.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, oo madasha ka hor akhriyay qoddobada xeerka ee wax laga bedelay iyo kuwa lagu kordhiyay ayaa ku bilaabay sidan, iyada oo farqadaha qaarkood marka uu marayo laga hor keenayay diidmo iyo in laga saaro, waxanu yidhi : “Waxa ina hor yaalla lifaaqii Shanaad ee Xeer Lambar 20/2001, xeerkii  doorashadda deegaanka iyo madaxtooyadda, sida ay caadadu tahayna lifaaqa waxa inoo soo gudbiyay Golaha Wakillada. Waxa wax laga soo bedelay waxa weeye  laba qoddob iyo qoddob farqado lagu soo kordhiyey, Wax ka beddelka iyo kaabista xeerka lifaaqa u ah xeerka doorashadda madaxtooyadda iyo golayaasha deegaanka (xeer L20/2001), lifaaqa 5aad. Wax ka bedelka xeerka doorashada ama kaabista doorashada madaxtooyadda iyo deegaanku waxa uu saamayn ku yeelanayaa:

  1. Qoddobka 7aad, farqadiisa 1aad ee lifaaqa 3aad ee xeerka.
  2. Qoddobka 9aad ee Xeer Lambar 20/2001, iyo Qoddobadda 22aad iyo 24aad ee lifaaqa labaad ee xeerka.
  3. Qoddobka 7aad: Shaqaalaha Dawladda iyo Hay’addaha Dawliga ah, Qoddobka 7aad ee lifaaqa 2aad ee xeerka oo waajibinaya in muddada uu shaqada ka tegeyo qofka shaqaalaha dawladda ah ee isu sharraxaya doorashooyinka deegaanka iyo madaxtooyaddu ay tahay 60 maalmood ka hor taariikhda qabashada doorashadda,  Qoddobku markii hore sidaas buu u dhignaa laakiin waa la bedelay oo wax ka bedelna waa lagu sameeyay oo waxa  laga dhigay  90 Maalmood ka hor taariikhda qabashada doorashada.
  4.  Qoddobka 9aad-Goobaha Codbixinta: Qoddobka 9aad ee xeer Lambar 20/2001 waxa lagu kordhiyay faqrad 4aad, 5aad iyo 6aad oo u dhigan sidan:  (a) – haddii deegaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo culus ama xaalado aanu saamaxayn inay dooasho ka qabsoono, waxa soo qiimaynaya komishanka doorashooyinka dalka iyaga oo kala tashanaya  xukuumadda, Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda.
  5.  Goobaha Codbixinta ee doorashadu ka qabsoomi weyday tirada kuraasida  loo qoondeeyay goobahaas waxa xisbiyadda ama ururradu u kala qaadanayaan saami u  dhigma siday u kala helaan siday u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee degmadda.
  6. Hadii ay doorashadu ka qabsoomi weydo deegaano dhan waxa ay axsaabta ama ururradu kuraasida deggaanadaas  kala qaadanayaan saami u dhigma siday u kala helaan siday u kala helaan wadat  guud ee gobolka waxaana loo raacayaa siday ugu kala horeeyaan liiska magacyadda, (Qoddobkan waa lagu kordhiyay, waana ka ay mudanayaasha diidan qaarkood ka biyo diideen ansaxintisa).
  7. Qoddobka 22aad ee lifaaqa 4ad ee xeerka doorashadda oo dhignaa xisbi/urur kasta oo doonaya  inuu ka qayb galo doorashada golayaasha deegaan waa inuu komishanka  qaranka u gudbiyaa liiska murrashaxiinta oo degmaysan taasoo ku salaysan tirada kuraasida demo kasta loo xaddiyday una qoran si taxane ah, waana in komishanku siiyo murrashax kasta astaan u gaar ah. Qoddobkaas waxa loo bedelay– xisbi/urur kasta oo doonaya inuu ka qayb galo doorashada deegaanka waa inuu komishanka  qaranka u gudbiyaa liiska murrashaxiinta oo degmaysan taasoo ku salaysan tirada kuraasida demo kasta loo xaddiyday una qoran si taxane ah oo ku sallaysan habka liistada furan, waxa komishanka doorashadooyinku siin doonaa murrashax kasta  lambar u gaar ah oo noqon doona Summad.
  8. Qoddobka 24aad-Astaanta liistooyinka Murrashaxiinta, waxa loo beddelay qoddobka 24aad farqadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad ee lifaaqa 4aad ee xeerka oo dhigaya, astaamaha liisaska murrashaxiinta ee uu ururrada/xisbiyadda ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo bandhigayo, xisbi/urur waa in aanu isticmaalin astaan uu urur/xisbi kale hore ugu isticmaalin doorasho hore, astaantu waa inay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa summadda aqoonsiga hase yeeshee waa inaanay kamuuqan astaan dawladeed, qabyaaladeed  ama dariiqo.  waa sidii uu u qornaa Markii hare-Waxa loo bedelay- lambarrada murrashaxiintu waa inay kala duwanaadaan iyada oo la raacayo habka komishanku u  soo dhigay.
  9. Qoddobka 6aad-Adeegsiga iyo dhaqan galka kaabista xeerka– wax ka bedelka xeer 20, iyo lifaaqyadiisa 3aad iyo afraad waxa ay dhaqan galayaan marka ay golayaasha sharci dejintu ansaxiyaan ee madaxweynuhu ansaxiyo.”. ayuu gudomiye ku xigeenka goluhu ku ku yidhi qoraalka uu ka hor akhriyay fadhiga.

Intaa kadib, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa cod bixintii xeerkan ka hor hadal kooban oo uu u jeediyay Mudaneyaasha, waxa uu sheegay in xeerkan baahi weyn loo qabo xilligan oo loo diyaar-garoobayo doorashadii Goleyaasha deegaanka, waxaanu Xildhibaanada ka dalbaday inay u ansixiyaan xeerkan sida ay komishanku ka soo dalbadeen. Waxa madasha fadhigan ka soo xaadiray 58 Xildhibaan, waxa ogolaaday in murashaxiinta doorashada deegaanka loo sameeyo numbero 50 Mudane, waxa diiday 6 Xildhibaan, 1 Mudane ayaa ka aamusay. Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayuu ku ansaxay lifaaqa shanaad ee xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo madaxtooyaddu. Golaha Wakiiladda ayaa iyagu xeerkan sidan oo kale u ansixiyay todobaadkii hore, ka dib markii Komishanku ay sheegeen inaanay suurto-gal ahayn inay doorashada goleyaasha deegaanku dalka ka qabsoonto, haddii aan la bedelin qodobka ku saabsan in astaamaha murashaxiinta doorashada deegaanka oo aan lagu bedelin lambaro.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s