“Garsoor aan lacag qaadan ayaa la leeyahay maxay wax u qaldeen”-Wasiirka Caddaalada

 

Hargeysa(Hubaa)-Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay shir albaabadu u xidhanaayeen oo ay shalay fooda isku dareen laba guddi oo Madaxweyne Siilaanyo u xil saaray ka talo bixinta cabashooyin ka dhan ah waaxda Caddaaladda iyo Garsoorka ee Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseeen Axmed Caydiid oo shirkaasi ka dib saxaafaddu wax ka weydiisay qoddobada ay ku tilmaamay mid lagu faaqiday qoddobo la xidhiidha  sidii loo ogaan lahaa cabashooyinka ka dhanka ah caddaalada ee dadweynaha ka yimaada “Kulan ay yeesheen guddidan ee madaxweynuhu u xil saaray cadaaladda iyo garsoorka waxa lagaga hadlayey sidii loogu kuurgeli lahaa cabashooyin ka soo yeedha dadweynaha oo la xidhiidha cadaaladda iyo garsoorka taas oo aanu eegaynay waxyaabaha caqabadda ku ah tayeynta maxakamadaha iyo cadaaladda.” Ayuu yidhi wasiirku,  waxanu inta ku daray “Garsoor aan lacag qaadan meel madhan laga yab-yabay oo dhawaan la sameeyey ayaa la leeyahay maxay wax u qaldeen, arrinkani waa mid laga wada tashan doono , marka meel la gaadhana waxaa muhiim ah in la isqiimeeyo.“. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay sanadkan yeesheen guddida Cadaaladdu.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s