Dhoolatuskii cali xoor xoor damanaantii badhasaabka iyo dhoola ka qosolkii cabdale

 Asaalma calaykum w/w dhamaan dadwaynaha Jamuriyada Somaliland gaar ahaan shacabka gobolka saaxil waxaa maqaalkaygan jeclaaday inaan ku iftiimiyo dhacdadii ama xaflada  habeen dhawayd ka dhacday magaaalada Berbera ee xarnta gobolka Saxil lagana soo daayey T.v yada taas oo macneheedu u dhacaysay  sidaan ciwaanka maqaaalka ugu magacdaray .

Hadaba shacab waynayahaw reer Berbera hadaan in yar dib idiin wada xasuusiyo waxaad aad ogtihiin ama aad goob jog u ahaydeen inuu  maareeye Cali Xoor Xoor uu hadba xukuumada joogta uu ula shaqeeeyo si qayrul caadiya ama ay guul wada nimo ku dheehantahay ,taasoo uu isagu uu arko haduu sidaa samayn waayo in isaga lagu soo maqanyahay ,hadaba taasi waxaynu ku macanayn karnaa inuu Cali Xoor` Xoor fariin iyo dhoola tus u diraayey xukuumada sare ,isla markaana macneheedu u dhacayso aniga iyo jufadaan kasoo jeedo imikaba waxaad igu ogaataan xusbi xaakimka (Kulmiye) iyada oo reerkoodiina iyo musharaxa ay soo doorteena ku samarsiinaya xafladan ujeedooyinka badan ee uu sameeyey .

Dhanka kale hadaynu in yar is dul istaagno magaalada Berbera waxaa ka sharaxan ama iska sharaxaaya musharaxiin badan oo iska sharaxaya maxaa loo waayey inuu Cali Xoor Xoor kuwaa uu ka qayb galo ama ugu yaraan ka bixiyo kharashkaa uu musharaxa jufadiisa ka bixiyey oo kale ,meenay  u muuqan inuu cali bilaabay ku tagri falkii  hantida dadwaynaha inuu sidii looga bartay kulmiyan ka qaylin jiray markuu talada dibada ka joogay .

Hadaan hadana usoo noqda qaabka ay xafladaa musharaxa loo qabtay waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxdii gobolka Saaxil iyo kii degmada Berbera ba, waxaa meesha ka muuqday kana hadlay badhasaabka oo ay kamid ahaaeyeen hadaladiisii waan soo dhawaynaynaa musharaxa  runtii isaga oo dhalin yara ah waxna ka tari doona Berbera hadalkaasoo aan odhan karo inaanu  badhasaabka ka tahay garasha la’aan uu xaflad jacayl awgeed inuu isaga yimi iyo inuu isna fariin sawir guud uu la galaayey musharax Mustafe oo ka tirsan gudida Dan iyo Duco ,isla markaana ay ula muuqato inuu  leeyihiin waan furfurnay  odayaashii dan iyo duco .

Hase ahaatee aan odhan karo way riyoonayaan labada masuulba maadama ay ilaa had ku mashquulsanyihiin waxaaan ahayn shaqooyinkii loo igmaday, oo aad odhankarto waxbay u xuub siibteen  sidii ay Odayaasha Dan iyo Duco ay u wax yeeli lahaayeen .

Waxaa kaloo isna goobtaa ka hadlay maayer Cabdale oo isaga ay dhoola cadayn u ahayd ,isla markaana uu isna doonayo inuu dhawaaan iska sharaxo kulmiye ,isla markaan uu qof waliba uu qiyaasi karo inanay maskaxda bina aadamka aanay kusoo dhici Karin inaad goob lagu caleema saarayo ninkii ku badali lahaa inaad ka hadasho aanad ka tidhaahdo  waan soo dhawaynaynaa ,dhanka kale waxaa uu qosolkan Cabdale uu kusoo fadhiisanayaa inuu  la dhacsanyahay in hadii musharaxiinta sanadkan sharaxan ay sida  musharaxan oo kale ay  yihiin dad aan khibrad iyo aqoon ay Cabdale hadhaw kugula tar tami karaan duqa Berbera aanay jirinba taasna waa  u guul hadaanay reerihuu sharixin shakhsiyaad aqoon iyo waayaaragnima ay ku tuhmayaan aanaay gaynin

Hadaba waxaan masuuliyiintan aan kula talin lahaa inay aayadan quraankaa aad u dhuuxaankuna dhaqmaan          

                            )ومن يتق الله يجعل له مخرجا  وَيَرْزُقْهُ مِنْحَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ(الطلاق)

 

Aayadda:Qofka Alle ka baqa ee ka cabsada waxa Alle u furaa dariiqyada,oo waxa uu ka irsaaqaa meelo aanu ka flaynin,kii Alla talosaartana Alle Isagaa ku filan oo kafaalo qaadanayo.

 

 

 

 

Waxaan maqaaalkan kusoo gab gabaynaa  hadaanu nahnay qurba jooga reer berbera inaan fariin codsiya aan udirno madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland  oo aan leenahay mudane madaxwayne G/saaxil ka gaadh sedexdan masuul ee shaqadoodii ka talaabsaday ee isku badlay Campaineriska Xisbiga kulmiye

Iyagana waxaan leeyhay ilaahay ka cabsada oo xilkan aad haysaan waa la idin waydiin doonaaye khayrka iyo wax umada wax taraaya ka shaqeeya  .

 

Prepard :A/qadir  Yool

                                                                                                Free journalisam Sweden

 

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s