“Buuhoodle, laascaanood baa ka ciidan badnayd, maxaabiistii shalay, waa kuwii aanu Soo Qabanay iyadoon waxba nalaga weydiin baa rag kale lagu sharfay”

“Haddii Buuhoodle Ciiddamada laga soo qaaday, adeer annagana hanalaga soo qaado, haddii Kale  taasi waa caddaalad darro,”.

 “Buuhoodle, laascaanood baa ka ciidan badnayd, maxaabiistii shalay, waa kuwii aanu Soo Qabanay iyadoon waxba nalaga weydiin baa rag kale lagu sharfay”

“Laascaanood Laamida Jig-jiga yar ayay le’egtahaye, ee ciidamadu hanaga soo baxaan”

Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan  C/qaadir Maxamed Xasan (Indhoindho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si kulul u  naqdiyay heshiiska Madaxweynaha Somaliland iyo Saleebaan xaglo toosiye dhex maray ee ku wajahan wada hadalada nabadeed ee Buuhoodle.

Waxana Xildhibaanku ka soo horjeedsaday go;aanka Madaxweynuhu ku sii daayay maxaabiista ka xidhnaa fallaagadda SSC iyo hawl galka  ciidamada qaranka dib looga soo qaadayo jiiddihii ay ka fadhiyeen aagga Buuhoodle.

Cabdiqaadir Indho Indhoudane Indho-indho oo shalay u warramay wargeyska Hubaal waxa uu sheegay inuu mabda’ ahaan  taageersanyahay in reer Buuhoodle nabad lagala xaalo balse aanay aqbalayn in ilaa gobolka Sool iyo Sanaag bari ay ka taliyaan reer buuhoodle  “wixii buuhoodle ka socda cidda wadda madaxweynaha iyo kuwa ka yimiba waanu taageersanahay balse arrimaha laascaanood iyo ceerigaabo ka jira inay buuhoodle ka taliso madaxweynahana ka yeelimayno wiil yar oo imika yimina ka yeelimaynee taa ogaada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho, waxanu intaa ku daray oo uu  dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isagoo ku tilmaamay mid abaal laawe ah “Buuhoodle, laascaanood baa ka ciidan badnayd, maxaabiistii saaka (shalay) 70 ka mid ahi waa kuwii aanu laascaanood ku soo qabanay ee aanu isku qoyska ahayn, saakana iyada oo aan wax talo ah nalaga weydiin baa lasii daayey oo rag kale lagu sharfay.”- ayuu yidhi.

Waxa kale oo Xildhibaan Cabdiqaadir Indho ka dalbaday  xukuumadda in ay ciidamada qaranka dib uga soo qaado fadhiisimadda gobolka Sool, sida ay aaga Buuhoodleba uga soo qaaday, “Haddii buuhoodle ciidamada laga soo qaaday, dee adeer anagana hanalaga soo qaado,codsigaa codsigiisaanu wadnaa waliba anagu kuwii geeyaanu nahay isaguse waa kuwii naga soo horjeeday, markaa tixgelinteedaanu leenahay inuu madaxwenuhu aqbalo codsigayaga. haddii aan dadkii loo wada daynyan ciidankii oo qaarna loo daynayo qaarna laga qaadayo dee adeer taasi waa caddaalad darro,”.

Ugu dambayntii xildhibaan Cabdiqaadir Axmed Xasan,  waxa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inaanay waxtar la taaban karo gaadhsiin magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood oo ay ciidan tiro badan oo aanay wax siyaasad ahina dabasocon dul dhoobeen isla markaana ay ciidamada ku guul daraysteen inay gacanta ku dhigaan dadka geysanaya dilalka tirada badan ee sida isdaba joogga ah uga dhaca magaalada Laascaanood iyaga oo doorbidaya inay ciidamadu ka baxaan si ay iyagu usoo qabqabtaan gacanku dhiiglayaasha waaggii beryaba qudha ka jaraya madaxda iyo masuuliyiinta gobolka Sool, waxana uu yidhi “Haddii aanu ciidanku qof, qof dila qabanayn, laascaanood-da aad maqasheen labadaa laami ee jigjiga yar mara ayey le’egtahaye muxuu noo dhex fadhiyaa, sodon(30)nin oo kuwii dadka ugu mudnaa iyo mas’uuliyiintii dawladda Somaliland baa lagu laayey shan kun (5000) oo askarina way nala joogaan anagaa iska soo qabanaynee ciidamadu hanaga soo baxaan,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s