Wasiirkii Hore ee Daakhiliga oo ka Hadlay Heshiiska Nabadaynta, iyo Mustqablkiisa siyaasadeed

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo aan xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa ka bixiyey jawaabo arrimaha nabadaynta ee xukuumaddu la gashay Saleebaan Xagle-toosiye, xil wasiirnimo oo la sheegay in loo magacaabayo, mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo kaalintii uu ku lahaa xisbigii UDUB oo laba garab u kala jabay waxa uu ka yeelayo iyo arrimo kaleba.
Mudane Cabdillaahi Cirro isagoo ka jawaabay xil wasiirnimo oo la sheegay in loo magacaabayo iyo inkale, waxa uu daboolka ka qaaday in hawshaa uu leeyahay Madaxweynuhu isagana weli aan cid kala hadashay jirin. Mar kale isagoo ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd inuu ka noqday xilkii uu garabka Daahir Rayaale u magacaabay, waxa uu sheegay in Mudane Cirro in markii hore aan cidi ka talogelin, sidaa darteedna uu ka baxay xubnimadii xisbiga UDUB, isla markaana aanu ku biireyn xisbi kale iyo urur kale toona, waxanu intaa raaciyey inuu door-biday inuu xor ka ahaado siyaasadaha ka taagan haatan dalka, isagoo yidhi; “Diyaar uma ahi inaan ku dhex batalqeysto siyaasadaha ka socda iminka dalka.”
Mar uu ka jawaabayey Mudane Cabdillaahi Cirro arrimaha nabadeynta ee ay kala saxeexdeen kooxda Saleebaan Xagle-toosiye iyo xukuumadda Axmed Siilaanyo waxa uu xusay in cid kasta oo wixii nabad lagu helayo ku hawlan ay tahay in la taageero oo gacan lagu siiyo cidii wada, isagoo intaa ku daray in xukuumadda haatan gacanta ku haysa dhiraandhirinta nabadda barigana loo daayo laguna taageero, “sideedaba aniga markii ugu horreysay shaqadaydu waxay ahayd arrimaha nabad-gelyadda qaranka, nabadgelyadduna waa waajib muwaadin kasta oo reer Somaliland ah saaran, wax kastaana nabadda ayay ku soo ururtaa oo adduunka iyadaa aasaas u ah, si kasta haloo maree in haddba ciddii xilka saarani nabadgelyadda illaaliso waa waajib saaran, markaa ama shakhsi ha loo maro ama kooxe dadka xilka saarani dalka siday ku xasilin lahaayeen waa waajibaad saaran, waanan ku boorrinayaa in lala xaajoodo Xaglo-toosiye haddii ay isaga wax ka go’aan ama uu cid ku xidhan yahay.” sidaa, ayuu yidhi Cabdillaahi Cirro.
Su’aal kale oo ahayd, bal isaga talo ahaan waxa uu ka dhiiban lahaa dilalkan kasoo laba kacleeyey magaalada Laascaanood oo isagu waaya-aragnimo badan u leeyahay, maadaama uu muddo dheer ku sugnaa Laascaanood waqtigii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa si wax looga qabto dilalka oo waagaa ka bilaabmay, waxa uu si kooban isagoo ka jawaabay arrintan uu yidhi; “Talada aan ka bixinayaa ma noqoneyso mid aan marinayo warbaahinta, balse cidda haysa xilku hadday i weydiiyaan waan siinayaa, waayo arrin ku habbooneyn in lagu baahiyo saxaafadda maaha.”
Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) waxa uu kasoo qabtay Dawladdii Rayaale laba xil oo ka hore ahaa Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, kii ugu dambeeyeyna waxa uu ahaa Wasiirka Daakhiliga tan iyo intii doorashada lagaga kadaaday xisbiga UDUB.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s