Maraykanka oo Taageero Hore leh u Muujiyey Murrashax Nus Qarni ku Jiray Siyaasadda u Tartamaya Madaxtinnimada Soomaaliya

 

Nairobi (Hubaal/wakaaladaha)-Sarkaal ka tirsan Safaaradda Maraykanku ku leeyahay wadanka Kiiniya ayaa aragtida dawladiisu ka qabto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in guul laga gaadhay xasilinta amniga iyadoo meesha laga saaray awoodii ururka Alshabaab ku lahaa dalka Soomaaliya.
Mr. Isiah Parnell, oo waraysi dheer siiyay Wargeyska The Daily Nation oo ka soo baxa magaalada Nairobi, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey dagaalka lagula jiro argagixisada geeska Afrika “”Dawladda Maraykanku waxay ku bixisay wax kasta oo awoodeeda ah sidii looga gacan sarayn lahaa kooxaha argagaxisada ah, waxayna taageero milatari, mid dhaqaale iyo mid dhiirigelineedba siisay xooggaga ciiddamada AMISOM iyo kuwa Dawladda taagta daran ee Soomaaliya” sidaa ayuu yidhi Mr. Isiah Parnell, waxanu intaa ku daray in maamuladii gacan ku rimiska ahaa ee caalamku u soo dhisay Soomaaliya ay ku dhex milmeen musuqmaas dadkadii dawladda ka tirsanaa, wuxuuna xusay in beesha caalamku ay waqtigan isbedel cusub iyo hoggaan ay taageersan yihiin ay Soomaaliya samaysato, “Dawladda Mareykanku waxay si buuxda u taageeraysaa Dr. Cabdillaahi Caddow oo muddo ka badan 40 Sanno ku jiray siyaasadda Soomaaliya, waxana aanu siinaynaa dhiirigelin iyo taageero haddii uu na weydiisto.” ayuu Sarkaalkankani ku yidhi waraysiga uu siiyay wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa caasimadda wadanka Kiiniya ee Nairobi.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s