Golaha Guurtida oo Saaka la Horkeenayo Xeerkii Xaasaasiyada Abuuray ee Doorashada iyo Mudaneyaal ka soo Horjeeda oo HUBAAL waraysi siiyay

“Guddoomiyahayaga waxa laga yaabaa inuu Doonayo Xeerkaas in la Ansaxiyo, X. Cabdi oo kale-na halka uu maro Aad bay wax noo yeeli kartaa”-Waraysi Khaasa Xil. Axmed Muuse Obsiiye Gacan

Hargeysa(Hubaal)-Xil. Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Guurtida Somaliland ayaa ka digay cidhib xumada ka dhalan karta in duuduub lagu ansaxiyo xeerka doorashooyinka ee Xeer Lambar 20/2012, oo dhigaya in Lambaro lagu galo doorashada deegaanka, balse ay guurtidu hore u diiday iyaga oo dib ugu celiyay wakiillada si wax ka beddel iyo kaabis ugu soo sameeyaan.
Xil. Axmed Muuse Obsiiye oo ka tirsan guddida nabadgelyadda ee Golaha Guurtida waxa uu faahfaahin ka bixiyay qorshaha uga meel yaalla xeerkan oo saaka goluhu u ballansan yahay fadhi aan caadi ahayn oo lagu hor keenayo Xeerkaas, oo la sheegay in Xukuumadda iyo Komishanka doorashooyinku dabada ka riixayaan. waxanu sheegay in xubno tiro yar oo uu kamid yahay ka soo horjeedaan in lagu degdego ansixinta xeerkan, hase ahaatee aanay saadaalin karin jawiga lagu gudo galayo iyo sida loo wajahayoba.
Xil. Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo Xalay la hadlay Wargeyska Hubaal, waxa uu ka warbixiyay qoddobo uu sheegay in ay dan u yihiin dalka iyo dadka kuwaas oo dawo u ah xumadda xeerkan “Horta laba xaalo ayaa jira, marka u horreysa Golaha Guurtidu fikrado badan buu immika qabaa.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray “Inta waayo-araga ah ee hore wax u soo aragtay waxay leedahay Bahalkaasi (Xeerka Doorashada), Mashaakil badan buu leeyahay ee ummaddii yeynaan ku sii dhex daynine, aynu ka qabano. In Xagga xagga xukuumadda ku xidhan ama dhalinyaro qoladii dambe ahi-ba (xubnaha dhaxalka ku yimi) waxa ay leeyihiin, haddii xeerka la sii daayay ururraduba waxay leeyihiin hala iska sii daayo.”.
Md. Obsiiye, waxa uu sheegay inaanu cabiri karin saadaasha maanta laga filayo xeerkan doorashada, maadaama aan loo aabo yeelayn sida uu yidhi qawaaniintii iyo shuruucdii dalka. “Fikradda aan qabo aniga iyo inta ila jaalka ahiba, siima saadaalin karno Aroorta (Saaka) sida ay u dhici doonto, laakiin laba xaaladood baanu aad uga fekerraynaa, in xeerkan dood laga galo waa kow, in la celiyaana waa laba. ” ayuu yidhi Xildhibaanku, waxana isaga oo sii faahfaahinaya hadalkiisa uu tilmaamay in haddii ay mar labaad goluhu diido xeerkan uu tirtirmayo “Celiska leftiisaa doonaya in cod aqlabiyad (Majority) ah loo qaado, waayo distoorkaa hoggaamiya dalka inkastoo maanta inta la duuduubay gees layska dhigay, distoorkuna waxa uu leeyahay marka Guurtidu 50 mudane iyo wax ka badani soo celiyaan, xeerkaasi wuu kansal-garoobayaa, wakiilladuna aanay mar labaad ku noqonayn, laakiin taas looma jeedo sida saadaashu tahay oo haddaanu celinana waxa laga yaabaa in xagga madaxweynaha laga wareejiyo, haddii aanaan celina waxa laga yaabaa in sida la doonayo ay noqoto.”.
Xildhibaan Axmed Gacan mar uu ka jawaabayay Su’aal nuxurkeedu yahay saamaynta Xeer No. 20 ku yeelanayo Murrashaxiinta ururrada Siyaasadd oo Dhalinyaro u badan, waxa uu yidhi ” Mid baa jirta oo dadka murrashaxiinta ah ee ururrada u taagani maanta waa dhalinyaro, dhalinyaradana waa tii la yidhi siyaasadda ha loo oggolaado, ninkan dhalinyarada ahina waayo-arag uma aha doorashooyinkii hore u soo dhacay, anigu doorashooyinkii February 1960 illaa immikadaa aan taagnahay waan soo arkayey doorashada, khadkeeda, sida loo galayo, ta xumaanta keenaysa iyo ta samaanta keenaysaba. markaa Lambarkan inanka Dhalinyarada ah ee tartamaya sawirkiisa ciddi garan-mayso in yar oo ay isku magaalo yihiin mooyee, Laba kun oo qof markuu soo urursado, markaynu aad uga fekerno Laba boqol oo kamida ayaa wax fahmi kara, Muraaqib buu qabsanayaa kaas laftiisuna waa dhalin yar aan laftiisu waayo-arag ahayn, halkaana waxa ka muuqanaya khasaare ballaadhanoo in wax lagu kala shubto ah, markaa Xasan (Weriyaha) taasi Nabadgelyadda iyo taariikhda dambe ee dalkanba uma laha wanaag, curdinkaa is kellifay ee siyaasadda is yidhi soo galana uma laha wanaag, dadkuna maanta maba hadlayaba oo waxaad moodaa inay hoosta ka raacsan yihiin, laakiin aniga iyo dhawr mudane oo kale waxanu ku dedaalaynaa oon isku ognahay in laba mid uun la yeelo, in la celiyo iyo in dood la geliyo.”.
Su’aal kale oo la xidhiidha Saamaynta Xukuumadda dhexe ku leedahay Golahooda iyo in Doorka Hoggaamineed ee shirgudoonkoodu ku leeyahay kala-fadhigan waxa uu yidhi “Xukuumadda dad ay aad isugu furfuran yihiina ma nihin, xukuumaddi haddii ay jirto iyo haddii aanay jiriniba waxa aanu ka fikirnaa dalkan iyo aayihiisa, Guddoomiyahayaga oo muddo dheer dalka ka maqnaa oo hadda yimi door weyn buu golaha ku leeyahay waxa laga yaabaa inuu doonayo xeerka in la ansaxiyo, kuwa ka hooseeya ee shir gudoonkuna waxa laga yaabaa inaanay golahaba iman, waxa kale oo jira xubno muhiiom ah Xaaji Cabdi ka mid yahay, guddoomiyaha guddiga joogtada ah Muxumed Aw Axmed ka mid yahay, waxa laga yaabaa Xaaji Cabdi oo kale halka guddoomiyuhu maro inuu isaguna maro, taasina aad bay wax noo yeeli kartaa, maanta goluhu kiisii hore ma aha, wuu isku duubnaan jiray, gole isku xidhan buu ahaan jiray, maanta tashigii ma jiro, laakiin in firfircoon oo aanu haysano inaanu dedaalno waanu ku talo jirnaa.” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo Xalay Khadka Telefoonka ugu Warramay wargeyska Hubaal.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s