Ciidanka oo keydkoodii Biyaha ka soo Dhurtay Baraagihii Sool-joogto iyo Maygaagle + Cabsida soo food-saartay reer-miyigii weheshanayay Ciidanka

Ciiddamadda Qaranka oo Dib looga soo raray fadhiisimadoodii jiidda hore ee Buuhoodle

 

Hargeysa(Hubaal)- Ciidamada Qaranka JSL ee fadhiisimadoodu kala ahaayeen Sool-Joogto iyo Maygaagle ayaa isla shalay laga soo raray goobahoodii, iyaga oo dib loo soo raray lana dejiayay fadhiisimo cusub oo ku yaala jiida degaanka Qori-lugud, kuwaas oo kala ah Faraslayaasha iyo Hadhla’da, waxana inta hadhsan lasoo rarayaa maanta.
Madaxa Hogaanka Hawl-gelinta ee Ciidanka Qaranka Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo saraakiil kale oo wehinayay ayaa u ambobaxay jiidahaas si ay u soo fuliyaan dib-u-soo-rarista ciidamada Qaranka eek u sugnaa jiidaha hore ee degaanada Buuhoodle, waxaana hawshaa hordhaceedii dhammaaday isla shalay, iyada oo ciidamadu ay Biyihii ay isticmaalayeen kasoo dhurtay goobihii jiida hore ee hore fadhiisimada u ahaa ee biyuhu ugu kaydsanaayeen kuwaas oo ay dib ugu soo dhurteen barkado ku yaala magaalada Qoru-lugud.
Kooxaha nabadiidka ah ee hubaysan ayaa, iyagana la sheegay inay si toos ah ugu soo siqeen goobihii ay banneeyeen ciidamada Qaranku waxaana haatan wararka aanu ka helnay habeenimadii xalay sheegayaan in kooxan qaybahoodii ugu horeeyay fadhiisimo ka dhigteen degaanka Cumar-Aji iyo Shan-gale, waxayna taasi markiiba ku abuurtay Qax iyo cabsi hor-leh, dadkii reer miyiga ahaa ee weheshanayay ciidamada Qaranka ka hor intii aanay ka soo guurin degaanadaasi, kuwaas oo gabood uga ahaa dhinaca amniga iyo baahiyaha Biyood ee dad iyo Xoolaba.
Talaabadani waxay ka dambaysay ka dib markii wefti uu hogaaminayo Saleebaan Xaglo-toosiye iyo xukuumadda Somaliland heshiis ku gaadheen magaalo madaxda JSL ee Hargeysa, kaas oo qodobadiisa ugu muhiimsan ka mid ahaayeen in ciidamada Qaranka ee ku sugan fadhiisimada hore ee aaga Buuhoodle dib looga soo raro goobahooda, qodobkaas oo fulintiisii tahay tan shalay lagaga soo raray ciidamada fadhiisimadoodii hore, iyada oo ay wararka kale ee aanu ka helnay degaankaasi ay sheegayaan in hogaamiye Saleebaan Xaglo-toosiye iyo weftigiisu u kiciti doonaan dhinaca Qori-lugud halkaas oo lagaga jiro aabaulka soo dhawayntiisa iyaga oo dadka soo dhawaynayaa la filayo inay ka kala yimaadaan degaanada Coodanle, Bali-dhiig, Bali-calanle iyo meelo kale oo ka tirsan degaanadaas.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s