Siyaasiyiinta Ururrada oo Walaac ka Muujiyey Shuruud hor leh oo ay la Iman Doonaan Qaadhaan bixiyayaasha Doorashooyinku

Ma Laga Yaabaa in Wax ka Bedelka Xeerka Wakiilladu u Gudbiyeen Guurtida uu Madaxweynaha u Fasaxo in la kala Diro Golayaasha Degaanka.

Hargeysa ( Hubaal ) – Golaha wakiillada Somaliland oo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo shir degdeg ah oo aan caadi ahayn isugu yeedhay si ay wax uga beddelaan xeerka doorashooyinka ee No/20/2012 oo dhigayey in doorashooyinka soo socda ee golayaasha deggaanka lagu galo astaamo.

Xeerkan oo Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey golaha Wakiillada, isagoo ka codsaday in wax ka bedellaan, isla markaana ay halkii astaamo in lagu galo doorashooyinkaasi lagu bedello Lambarro, ay Komishanku sheegeen in qaadhaan bixiyeyaasha doorashooyinka innaga taageeraa shardi ka dhigeen  si loo yareeyo kharashka ku baxaya, suurto galna ay u noqoto inay qabsoomaan doorashooyinka gollaha degaanku.

 

Golaha wakiillada oo sida ay dhigayaan xeer hoosaadkooda ay  ku shaqeeyaan in arrintan oo kale ay xildhibaannadu si ay uga soo baaraan degaan helaan ugu yaraan hal maalin, ayaa shirgudoonka Goluhu hal mar is raaciyeen soo jeedintii Madaxweynaha ee wax ka beddelka iyo codeyntii, waxana aqlabiyaddii Goluhu si duudub ah u ansaxiyeen in doorashooyinka lagu galo lambar.

Inkastoo xubno aan yareyn oo ka tirsan golaha wakiilada oo diiddanaa wax ka beddelkan aan loo joojin ee cod lagu jiidhsiiyey, ayaa iyana waxa jira dad badan oo ka didsan arrintan lambarrada oo u arka mid lagu damacsan yahay in gobollada lagaga soo saaro si wax is daba marin dhinaca codadka ah iyadoo laga faa’iideysanayo dhib yarida lambarrada, gaar ahaana gobollada Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Shuruudahan ay deeq bixiyayaashu khasabka kaga dhigeen Qaranka Somaliland oo aan wax ka weydiinay siyaasiyiinta ururrada qaarkood waxa ay sheegeen in tallaabadani tahay mid gunnimo oo aan qaadanay, shuruudaasina (Lambarrada) ay ahayd mid ku day ah, iyagoo intaa ku dara in xaaladdu gaadhay sida yeedhiska Muqdisho ee uu Isteerinkeeda hayo Augustin Mahiga oo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobnay uga wakiil ah Soomaaliya.

Tallaabadan wax u yeedhiska ah ee deeq bixiyayaasha ayaa sidoo kale waxa ay walaac ka muujiyeen xubno kamid ah siyaasiyiinta oo waqtigan aan diyaar u ahayn in la xuso magacyadooda, in shuruuda kale ooh or leh ay la iman doonaan deeq bixiyayaashu, sida in aanay Muraaqibiinta doorashooyinka u hayn wax kharash ah, sidaa awgeed waxa Madiidin loo noqonayaa oo inagu maamulaya danteena nooc kasta oo ay tahay yeedhiskaas, ayay ku soo xidheen hadalkooda.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s