Midawga Afrika oo ballan-qaaday in ay Al-shabaab ka sifayn doonaan Soomaaliya iyo Boolis ka socda oo howlgalo ka bilaabay saldhigyada Muqdisho

Hargeysa(HubaalW/W)- Waxaa saldhigyada magaalada Muqdisho ka bilowday inay ka howlgalaan Ciidamo Boolis ah oo ka socda Midowga Afrika, Ciidamadan Booliska ah ayaa iyagu ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka doorashada la filayo in bishan dhamaadkeeda ka dhacdo magaalada Muqdisho. Booliskaan cusub ee AMISOM ayaa si weyn loo filayaa inay u adkeeyaan xiliga doorashada wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo halka ay ka dhacayso Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud uu sheegay in Ciidamadan Booliska ahi ay soo gaadheen magaalada Muqdisho kana qeyb qaadan doonaan xoojinta ammaanka Caasimada Muqdisho. Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Ciidamadaan Booliska ah ay ka socdaan dalka Uganda, wuxuuna sheegay Afhayeenku isagoo la hadlaayay Idaacada BBC-da in Ciidamadan ay hordhac u yihiin Ciidamo kale oo Boolis ah oo ka imanaya dalalka Nigeria, Sierra Leone iyo Jabuuti. “Ciidamadan Booliska ah waa kuwo la shaqeynaya Booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadanayaan sidii loo adkayn lahaa ammaanka Muqdisho” ayuu yidhi Afhayeenka AMISOM oo sheegay in howsha ugu horeysaa tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka shacabka, isagoo caddeeyay inay ka howl galayaan Saldhigyada Booliska. Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in Ciidamo Boolis ah ay u soo dirayaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka Muqdisho, kadib markii Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii hore. Waa markii ugu horeysay oo ay howlgal ka bilaabaan Ciidamo Boolis ah oo ka socda Midowga Afrika Magaalada Muqdisho, kadib markii lagu arkay wadooyinka Kolonyo cusub oo ku buufsan Calaamada AU Police oo ka duwan kuwii lagu yaqiinay Ciidamadii AMISOM ee Milateriga ahaa ee lagu arki jiray Wadooyinka Muqdisho. Dhinaca kale war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta ururka Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa, ayaa lagu sheegay in ay ka goántahay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan gobolada ay kaga sii hadhsanyihiin dalka Soomaaliya. Mr. Boubacar Diarra oo ka tirsan guddiga midowga Africa una qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo war-saxaafadeedkan war-baahinta ugu akhriyay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ururka midowga Africa uu horumar ka sameeyay howl-galladii uu ka waday dalka Saomaaliya, Al-shabaabna ay ka xoreeyeen magaalooyin baddan oo ay kamid yihiin muqdisho, baydhabo, beledweyne. Waxaana Mr.Boubacar Diarra uu tibaaxay in ay tahay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay wakhtigii Al-shabaab ay ka saareen muqdisho, sannadka xigana ay ka wada xorayn doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya. “Soomaaliya hadda waxa ay isku diyaarineysaa inay ka baxdo Xiligii ku-meel-gaadhka ahaa, isla markaana ay heli lahayd Dowlad dhexe, waxaa jira kooxo diidan dowladnimada Soomaaliya oo Al-shabaab ay ka mid tahay, midowga Africana waxa uu ballanqaadayaa inuu sii wadi doono taageeridda shacabka soomaaliyeed ” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay ururka midowga Africa. Xarakada al shabab oo ka soo horjeedda siyaasadaha dowladda KMG iyo kuwa kale ee ku wajahan Soomaaliya ayaa bishii August ee sanadkii hore shaaciyay inay ka baxeen deegaanadii Muqdisho oo ay ka talinayeen , iyagoo ka bixitaankoodana ku tilmaamay xeelad dagaal iyo mid farsamo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s