“Kama hor Dhacayo Qoddobadaas, laakiin war jiraaba cakaaruu iman”- Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Sababta uu Keligii u Raacay Weftigii Xaglo-toosiye soo Dhaweeyay oo Mucaarid kale aanu Wehelin

 

 

Hargeysa ( Hubaal ) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa faahfaahin ka bixiyey Su’aalo ra’yul caamka bulshadu iska weydiinayay sababta uu Keligii xukuumadda ugu wehelinayey weftigii soo dhaweeyey hoggaamiyihii Jabhadda SSC, halka uu xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UDUB uu ka maqnaa, waxanu sheegay in xisbigiisa UCID uu lahaa fikradda wada hadalkan oo muddo laba sanno ah uu kasoo shaqaynayay sidii nabad looga islaaxin lahaa deegaankaas.

 

Faysal Cali Waraabe  oo xalay Wargeyska Hubaal wax ka weydiiyay waxyaabaha heshiiskaa lagu kala saxeexday iyo doorka ay xisbi ahaan ku  lahaayeen waxa uu yidhi “Annagu UCID ahaan baan kuu sheegayaa halkaanu ka soo galnay, arrintan muddo laba sanno ah baan wadnay, annagu xidhiidh dheer baanu lahayn Saleebaan Xaglo toosiye”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Su’aal nuxurkeedu ahaa nuxurka qoddobadda heshiiska ay wada gaadheen labada dhinac iyo waxa ay ahaayeen, ayaa guddoomiyuhu ka gaabsaday inuu faahfaahin  ka bixiyo, isagoo si taxadir leh ugu koobay inay ahaayeen kuwo dan u ah bulshada “Kama hor dhacayo qoddobadaas laakiin wixii aanu la soo qaadanay, haddaanu nahay ergadii Somaliland, waxan u aragnaa inay tahay mid dan u ah umadda, haddanu nahay xisbiga Mucaaridka ahna waa mid aanu ku taageerayno oo aanu horena ugala soo shaqaynay isla markaana dan qaran ah, markaa Berri (Maanta) ayay labada dhinac bixin doonaan shir jaraa’id  ay ummadda ugu soo bandhigi doonaan heshiiskaas” sidaa ayuu yidhi Gudoomiyuhu hase yeeshee su’aal kale oo la xidhiidha  jiritaanka warar sheegaya in heshiiskaa ay ku jireen qoddobo taabanay ciiddamada qaranka in laga soo raro jiidda hore ee Sool joogto iyo sidoo kale in Somaliland Xorriyadoodii u soo celiso maxaabiis dagaal oo ku jira xabsiyadda, waxa Faysal ka gaabsaday inuu sharraxo “anigu kama hor dhacayo qoddobadaas ayaan ku  idhi, laakiin  war jiraaba cakaaruu iman”.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s