Isbarbardhigga Waxtarka iyo Waxyeelada Yuusuf Garaad ku Sagootiyey BBC-da.Warbixin Weriye Cali-dheere

 

Hargeysa-(Hubaal)-Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo muddo 13 sanno ah titaftire ka ahaa laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo ah ta ugu dhegaystayaasha badan dhulka Soomaalidu degto, ayaa habeenimadii Salaasadii si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, una dig-rogtay dhinaca siyaasadda.

Mr. Garaad intii u dhaxaysay sannadihii 1999-kii ilaa 2012-ka awoodo uu wax weyn kaga beddelay kalsoonidii bulshada Soomaalidu ku qabeen baahinta laanta afka soomaaliga ee idaacadda BBC-da oo ah ta ugu da’da weyn, uguna caansan dhammaan idaacadaha Afka Soomaaliga ku baxa ee daafaha caalamka, sida oo kalena wax ka qabtay ballaadhinta dhegaysiga idaacadda iyo soo saarista suxufiyiin tiro badan soomaali ah oo uu si caddaaladda ka fog si joogto ah uga xushay muddadaas saddex iyo tobanka sannadood ah gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo oo keliya.

Haddaba, waxaynu halkan ku soo bandhigi doonaa iftiimin kooban oo ku saabsan isbarbardhigga waxtarka iyo waxyeelada uu Yuusuf Garaad Cumar u gaystay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da muddo 13 sannadood ah oo uu madax ka ahaa;

Haddii aynu ku horreyno waxtarka laga dheefay madaxtinimadii Yuusuf Garaad muddada dheer ee uu kelidii gacanta ku haystay maamulka awoodda maamul ee idaacadda waxa ka mid ah:

–  Inuu ku guulaystay ballaadhinta dhegaysiga idaacadda oo uu mowjado FM-yo ah ka hirgeliyey inta badan gobollada iyo degaannada dhulka Soomaalida, sidoo kalena kordhiyey waqtigii baahinta idaacaddaas oo maamulkiisii ka hor ahayd laba waqti oo min nusa-saac ah, halka iminka idaacaddu baxdo maalin kasta afar jeer oo midkood saacad hal saac tahay.

– Mashaariic tababarro tayadoodu fiican tahay ah oo uu intii u dhaxaysay sannadihii 2000 ilaa 2005 gudaha Somaliland iyo Soomaaliya BBC-du u qabatay suxufiyiin tiro badan.

– Fulinta mashaariic bulshada Soomaalida loogu gudbinayey xogo muhiim ah oo ay ka mid yihiin caafimaadka dadka, xoolaha, suugaanta soomaalida iyo barmaamuj ku saabsan taariikhda Soomaalida oo isaga oo aan la dhammaystirin u joogsaday sababo la xidhiidha khilaaf soo kala dhexgalay tifaftire Yuusuf Garaad ee weriyayaashii ruug-cadaaga ahaa ee daadinayey oo uu ka mid yahay soo-saarihii barmaamujkaas Aadan Nuux Dhuulle iyo Axmed Xasan Cowke oo kala qaybqaadanayey dhinaca tebinta.

– Shabakad dhinaca internetka ah oo si toos ah loogala socdo wararka iyo barmaamujyada ka baxa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

– Soo saarista suxufiyiin tiro badan, balse intooda badani ka soo jeedaan gobolka uu u dhashay Yuusuf Garaad e Banaadir iyo degaannada beeshoodu degto ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu badankooda u duuliyey dalka Ingiriiska si ay uga hawlgalaan xarunta BBC-da ee London.

Haseyeeshee, waxtarkaas dhinacyada badan leh ee Yuusuf Garaad ku soo kordhiyey 13 sannadood oo uu madax ka ahaa BBC-da waxa ka culus marka la barbardhigo waxyeellada iyo sumcad-darrada ee laanta afka Soomaaliga ee idaacadaas ka soo gaadhay kalsoonidii, aaminaadii iyo dhexdhexaadnimadii BBC-du ku haysatay dhegaha bulshada Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiin. Guuldarrooyinka idaacaddu ka dhaxashay maamulkiisii waxa ka mid ah;

– Hoos-u-dhac weyn oo ku yimi tayadii iyo kalsoonidii baahineed ee bulshada Soomaalidu ku qabtay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

– Dhexdhexaadnimadii BBC-du caanka ku ahayd muddada dheer ee ay jirtay oo uu meesha ka saaray, kadib markii uu baahinta wararka iyo barmaamujyada si badheedh ah ugu jiheeyey inuu ugu adeego cid gaar ah oo ku dhisan hab qabyaaladeed.

– In ay maamul-xumadiisa darteed shaqada uga dareereen haldoorkii ugu caansanaa ee warbaahinta Soomaalida oo ka hawlgali jiray laanta afka Soomaaliga BBC-da, kadib markii iyaga oo sumcadooda ilaashanaya ay u adkaysan waayeen majara-habowga iyo mushkiladaha qabyaaladeed ee uu Yuusuf Garaad ku burburiyey dhexdhexaadnimadii iyo tayadii idaacadda.

– In shaqaalaha idaacadda lagu qaato hab gobolaysi iyo qabyaalad ku dhisan oo uu isagu aabbo u yahay, taasina qayb ka noqoto kalsooni-darrada laga qaaday.

– Inuu madaxtinimada laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da u adeegsaday sallaan uu ku gaadho mansabka siyaasadeed ee uu hadda u xuub-siibtay, arrintaas oo si cad uga horimanaysa ujeedaddii dawladda Ingiriisku u abuurtay idaacaddaas nus qarni ka hor.

-Ugu dambayn Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo bog cusub oo bar-madow oo taariikhi ah ku sagootiyey hoggaaminta laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da waxa uu ku dhawaaqay inuu u wareegay dhinaca siyaasadda, isagoo ka mid ah xisbi siyaasadeed la baxay HIIL QARAN oo ay ku midoobeen aqoonyahanno qurba-joog soomaali ah oo isu diyaarinaya tartanka madaxnimada dalka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen 21-kii sanno ee la soo dhaafay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s