Adeegga ZAAD Service iyo Siduu noo Hoday

Muxuu Qalinku Sheekiyo, Hadba Qiso Layaabliyo, Ma Hadhooyin Qorayaa

Waa maalin xusuus muddan oo agtayda xusuus baddan ku leh waxayn ahayd maalin aanu ku gudo jirnay hawl shaqo oo aan ugu carawnay gobalada bari, gaar ahaan tuulo ka tirsan gobalka Togdheer, qiyaastii waxaan ku dhow nahay toban qof, runtii qisadani waa arin aan ugub ku hayn gayiga Somaliland, ee waa mid inta badan joogta ah oo caan ka noqotay wadanka.

Inta badan waxaa dhaqan iyo caado u ahayd Soomaalida in la sooryeeyo martida kugu soo dul dagta illaa 3 caano maal, inkastoo uu fikirkaasi ka dabar go’ay magaalada, haddana waxaa niyadayda ku jirtay miyigu waa meel wali ku xeel dheer oo xafiday dhaqankii soamaalida ee marti sooryaynta balse waxay noqotay mid waa hore laga tagay.

Haadda saacadu waa 6:00pm maqrinimo waxaan cagta saaray tuuladii aan u socday oo masaafadeedu dheerayd islamarkiiba kooxdii dhulka u daadagtay oo waysayste tukayan salaadii maqrib iyadoo safarku sidaa u dheree haddan midkaayo muu sidan wax sahay cunta ah oo aan ka ahay woxoogaa buskuda oo ay gabdhi sidatay, inta badana waxaa inagu qariiba in la qaato cunto markaad safar u baxaysid si loo isticmaalo hadday dhib kula soo gudboonaato laakiinse shaqadeena maaha taasi.waxaana xisaabta noogu jirtay meel aad wax ka iibsataan baad helaysaan, oo waayo dee, lacagbaad sidataa, jaba waa ka danbeeyee!!!!!

Taloba haday caddaan doontaayee waxaa noo yimid odayadii tuulada oo na xog waraystay iyo ujeeddada socodkayaga markiiba waxaan u sheegnay inaan hawl shaqo u socono oo aan marti u nahay caawa tuuladan barina hawl maal-meedkayagii shaqo ee aanu u soconay bilaabi doona, markaasay judhii horeba odayadii yidhaahdeen oo la soo boodeen “Adeer horta idinma sooryayn karayno oo dhulku waa abaaro oo wakhtiydan martigalintu waa iska xaal aduune way adagtahay, dee markaa haddaad wax haysaan keena si wax la idiinku kariyo. Cajab cajab!!!!!! Anigu horana waan u sheegay oo waxaa niyadaydu sawiranaysaa in caawa marti galin iyo hasaawe miigan aan caawa ku balaysimayo oo aan ku cawayn doono, balse, halkaan shaxda ka ciyaarayo iyo halkay ree miyigu ka ciyaarayaan waa kaaf iyo kala dheeri.

Haddaba taladay soo jeediyeen odayadu mabay xumeyene, laakin sartu waxay ka qudhuntay halkee laga keeni lacag? Kooxdayadii la iswada eeg oo mid dhulka hoos u eeg oo foorarsay si aan waxba loo waydiin iyo mid yaaba ayaanu noqonay, markaasaa la yidhi waaryaadaheen arrin waad arkaysaan ee maxaad haysaan dee? Qof qudhi jawaab muu bixin ee waa la wada aamusay ilayn waa la yaab oo waa amakaag qof dhan oo safar ku jira oo aan lacag haysaniye, markaasaa haddana mar labaad lagu celiyay oo lagu yidhi kooxdii waar imika dee maxaan samaynaa bal isku soo dara uun waxaad haysaan.

Jawaabtii ugu danbaysay ee mid mid uga soo baxday waxay ahayd “Lacagtii ZAAD service bay noogu jirtaa” bal akhriste qadar daqiiqado ah iska soo qaad inaad halkaa taagan tahay oo lagu yidhi la idinma marti galin karayo ee keena lacag wax la idiinku kariyo oo aanad waxba gacanta ku hayn maxaad samayn lahayd oo sideed wax ugu sheegi lahayd dad aan isticmaalin ZAAD service, garanaynsa in lacag lagu shubto mobile????

Waa malintii aan ka xanaaqay adeega ZAAD, cidladuu na dhigay iyo waliba siduu lacag la’aanta nooga dhigay, laakiinse haddana marar baddan ayaad mahadinaysaa adeegan casriga ah oo ku wanaagsan magaalooyinka waawayn inaad ku adeegsato.

Isku soo wada duboo arin waxay ku soo uruurtay in hawshii loo baahnaa in la sameeyo magaalada ugu horaysa ee adeegan laga isticmaalo in lacagtii laga soo siiyo.

 

Mustafe Muxumed Cadde, Hargeisa, Somaliland mustafemx@hotmail.com

Faallo u dhaaf