Xiisaha Wargeyska: Dhakhtarad Dadka Qosol ku Dawaysa

Gabadh dhakhtarada oo u dhalatay dalka Urdun ayaa kuguulaysatey inay ka daawayso werwerka iyo cadaadiska haysta dadka qaba xanuunka kansarka iyadoo isticmaalaysa ciyaaro iyo qosol, waxaanay natiijadii ka soo baxday noqotay mid aad u heer saraysa oo aad u dhintey werwerkii iyo xanuunkii dadkaasi hayay.

 

Gabadhan dhakhtarada ah oo la yidhaahdo Najwa Sahar ayaa mar ay u waramaysay Channel ka Al Jaziira waxay tidhi “Anigu wax mucjiso ma samayn hase yeeshee waxaan u sameeyey wakhti ay farxaan.”

 

Waxaanay Najwa sheegtay in daraasad la sameeyay iftiiminayso in qosolku sababo in maskadu soo dayso maado hoos u dhigta xanuunka qofka haya iyo werwerka.

 

Najwa ayaa ka dhawaajisay inay markii ugu horaysay ee ay damacday inay barnaamijkan fuliso ay dadku u qaateen gabadh waalan, hase ahaatee markii uu ka hawlgalay barnaamijkeedaasi oo loogu magac daray kaalaya aan qosolnee, dhakhtar ku yaalla dalka Urdun ay dadkii xanuusanaayay ilaaween xanuunkii hayay iyo werwerkii waxaanu barnaamijkaasi noqday mid loo riyaaqayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s