Suldaanka Beesha Ciise Muuse oo Raali gelin ka bixiyay Dhaliilo Warbaahinta loo Mariyay Suldaanka Guud ee Habar Awal

Gudaha ka Akhri: Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Suld. Cismaan Suld. Cali Kooshin

 

Hargeysa (Hubaal) – Suldaanka guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin ayaa raaligelin ka bixiyey War uu Suldaan ka tirsan salaadiinta beeshaasi uu ku aflagaadeeyey Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, isla markaana ku tilmaamay mid asluubta iyo waaqiciga ka fog.

 

Sidaa waxa uu Suldaanku ku sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo uu xalay  soo gaadhsiiyey wargeyska Hubaal, waxaanu Warsaxafadeedkii oo dhameystiran uu u dhigaa sidan:  “Guud ahaan shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibedda-ba, gaar ahaan Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, haddaan ahay Suldaanka guud ee Beesha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, waxaan raalli-gelin ka bixinayaa War-Saxaafadeed aan asluubaysnayn kana fog waaqiciga dhabta ah oo aan xaqiiqo ku salaysnayn oo ka soo baxay mid ka mid ah Salaaddiinta Beesha Ciise Muuse laguna magacaabo Suldaan Sayid.

 

Markaa, waxaan ka raalli-gelinayaa cid kasta oo ay saamaysay aflagaaddada Suldaankaasi ku kacay oo aannaan dhaqan u lahayn, isla markaana aan ka turjumayn aragtida Beesha Ciise Muuse, kuna kooban shaqsiyaddiisa Suldaanka soo saaray.

 

Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal waxa uu Ciise Muuse ka mudan yahay sharaf iyo tixgelin soo jireen ah, maaddaama oo aannu nahay Beesha deegaannadeeda lagu boqri jiray Saldanadda guud ee Beesha Subeer-Awal, muddo laga joogo laba boqol oo sano, sida Deegaannada Suuqsade, Burco-Sheekh iyo meelo kale oo deegaanka Beesha ka tirsan. Sandaladda guudna aannu kaw ka nahay taariikhda aannu ku suntannahay inaannu doorka koowaad ku leenahay Boqritaanka, ilaalinta iyo qaddarinta Saldanadda guud ee Beesha Subeer-Awal.

 

Aad iyo aad baannu uga xunnahay aflagaaddada uu Suldaan Sayid kula kacay Suldaanka guud, waanannu ka raalli-gelinaynaa. Sida la wada ogyahay shirkii Dubur sidii beeshu ugu sharaftay Suldaanka guud ee Subeer-Awal furitaankii shirka waa wax la wada ogsoon yahay, halkaas oo lagu guddoonsiiyey Hadyado qaali ah oo lagu maamuusay sidii soo jireenka ahayd ee loo maamuusi jiray Saldanadda guud” Ayuu Suldaanka Ciise Muuse ku yidhi warsaxaafadeedkiisa. 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s