“Inan yar oo dagaal ooge ah ayay raxan wasiirro ahi ka Dhigeen in Nabaddii Ku jirto.”-La taliyihii Siyaasadda ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

 

Burco ( Hubaal ) – La taliyihii hore ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland u qaabilsanaa arrimaha Siyaasadda Cismaan Siciid Jaamac ayaa naqdiyay tallaabada ay xukuumaddu heshiiska kula gaadhay  Hoggaamiyihii Jabhadda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Cismaan Siciid oo isaga, Baadhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje iyo Agaasimihii guud ee Dib u dejinta Axmed Cilmi Barre Xukuumaddu ku Xidhay Eedo Siyaasadeed, isla markaana  Maxakmadda gobolka Hargeysi xukunnada kala duwan, balse isagu iibsaday xadhigaas ayaa sheegay in dawladdu  garab martay dariiqii haboonaa ee lagu xallin karayay dhibaatooyinka colaadeed ee ka oogan bariga Somaliland. Cismaan Siciid Caabi oo xalay waraysi siiyay wargeyska Hubaal isaga oo  ku sugan Magaalada Burco waxa uu ka warramay shirar hore ay u wada gaadheen beelaha Qoru-lugud iyo Buuhoodle oo uu  sheegay in xukuumaddu suul daartay “Taariikhdu waxay ku fiicantahay in la xuso, markaa tan iyo bishii lixaad ee sannadkan lixdeedii markii ay Beelaha Qorlilugud wada dagaa shir ka yeesheen sidii loo soo celin lahaa nabadgalyadii ay ku wada noolaayeen, naf iyo maalna ay is bixiyaan, xilligaa intii ka dambaysay beelaha reer Qorilugud waxay ku wada noolaayeen nabad, labada dhinacna aad u soo dhaweeyeen nabada, runtiina hawl baddan iyo adduun badana wuu ku baxay.” Ayuu yidhi Mr. Cismaan, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ydhi; “Laakiin nasiib darro siyaasad xumada xukuumadda hadda jirta haysataa waxay beddeleen qaabkii nabadu u socotay, waxaanay u beddeleen qaab shakhsi, oo inan yar oo dagaal ooge ah oo kow ka ah wixii dhibaato iyo colaad degaankaa ka dhacay ay raxan wasiiro ah u soo dirto xukuumaddu, nabadiina ay ka dhigtay in ay ku jirto gacmaha Xaglo-toosiye.”

Cismaan waxa kale oo uu ka hadlay in xukuumadda hadda jirtaa ka leexatay qaabkii aynu ku soo caano maalnay ee dhaqanka inoo ahayd ee Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Odayaashu gunta uga soo toli jireen nabada.

“Ahmiyadu waxay ahayd in la siiyo Salaadiinta iyo Odoyaasha labada dhinac, waayo caawaba (Xalay) waxa Xaglo-toosiye ka daba hadlay Odayaal beeninaya arrimaha socda, waana nasiib darro. Waxa kale oo nasiib darro ah in Suldaankii ugu weynaa beelaha reer Buuhoodle ee Suldaan ina Cali Shire, uu ku maqan yahay saluug uu ka qabo sida wax loo waddo.” Ayuu yidhi Cismaan siciid Jaamac.

Mar aanu wax ka weydiinay Mr. Cismaan shir la sheegay in albaabadu u xidhnaa oo lagu galay magaalada Caynaba waxa uu kala socdo iyo xogaha uu ka helay, isaga oo arrintaa si taxadar leh uga jawaabaya waxa uu yidhi; “Walaalo waxa igu maqaalaa in qodobada heshiiska ee la kala saxeexday uu ka mid yahay qodob odhanaya in ciidamada Qaranka laga raro goobaha ay hadda deganyihiin, isla markaana dib loo soo raro, markaa haddii taasi rumowdo oo ciidamada dib loo soo raro, dib-u-dhac weyn ayay ku tahay Somaliland, waayo ciidamadan naf iyo maalba way galeen.”

Ugu dambayn cismaan wuxuu bulshada reer Somaliland u soo jeediyay in aan la buun-buunin nin dagaal ooge ah, balse arrinka nabada laga qayb galiyo cid kasta oo reer Somaliland ah, nabadana aan lagala hadlin inan yar oo qori sita, haddii kale maalinba inan yar ayaa qori qaadan doona si uu magac iyo dhaqaale ugu raadsado.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s