“In dhaweyd-ba Golluhu wuu Liin-baxay oo wuxuu Xukuumadda u ahaa Footo koobi, Sharciga aad u dirateenna ma ilaalin karo ee Mushtamacani ha ka tashado”

Xildhibaan Qabille oo Ka Dhiidhiyay wax ka bedelka xeerka Doorashadda ee Golaha Wakiilladu  Shalay Jujuub ku Ansaxiyay

Hargeysa ( Hubaal ) – Gollaha Wakiilladda Somaliland, ayaa Shalay  fadhi aan caadi ahayn ku ansaxiyay in xeerka doorashada deegaanka iyo madaxtooyadda oo uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyay dhawaan.

Fadhigan ayaa lagu ansixiyey Qodobadii ay Golayaashu ku sameeyeen wax ka bedelka iyo kaabista oo ah qodobada 7-aad. 9-aad. 22-aad. iyo 24-aad ee Lifaaqa Shanaad ee Xeerka No 20 oo dhigaya in Musharaxiinta la siiyo Numbero tartamada Doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha Hoose.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo shir gudoominayey fadhigaas waxa uu codaynta ka hor golaha ku wargeliyey Codsigii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in Golaha wakiiladu isugu yimaado fadhi aan caadi ahayn si ay waajibkooda Qaran uga gutaan xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, iyadoo Codsigaa Madaxweynaha uu golaha hortiisa ka akhriyey Xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Intaa ka dib waxa la galay cod u qaadistii habka lagu kala saarayo Musharixiinta xisbiyada iyo ururrada Siyaasadda ee tartanka Doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, gaar ahaan Qodobadii ay Golayaashu ku sameeyeen wax ka bedelka iyo kaabista oo ah qodobada 7-aad. 9-aad. 22-aad. iyo 24-aad ee Lifaaqa Shanaad ee Xeerka No 20 , waxana fadhiga ku sugnaa 53 Mudane oo ka mid ah 82-ka xubnood ee golluhu ka kooban yahay, waxa ogollaaday 37 Mudane, waxaa ka aamusay 12 Xildhibaan, Gudoomiyahuna ma codayn, sidaana waxaa ku ansaxay Lifaaqa Shanaad ee Xeerka No 20 oo dhigaya in Musharaxiinta la siiyo Numbers tartamada Doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha Hoose.

Xildhibaano Naqdiyay Ansaxinta Xeerkan

Guddoomiyaha guddiga Caddaaladda ee golaha Wakiillada Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) iyo Xil.  Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa naqdiyay wax ka bedelka xeerkan iyo in duuduub lagu ansaxiyo. Xildhibaan Qabille oo shalay saxaafadda la hadlay markii laga soo dareeray codaynta, waxa uu  Sharci-darro ku tilmaamay wax ka badelka iyo kaabista ay Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ku sameeyeen Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Madaxtooyadda.

 

Xildhibaan Qabile waxa kale oo uu sheegay in Golaha Wakiiladdu uu gabay Xilkii ay Shacabku u igmadeen, waxaanu tilmaamay in Mudanayaasha aan la siinin wakhti ay ku soo akhrisan lahaayeen wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka Golaha Deeganka. “Mashruucan Shalay buu Madaxweynuhu soo celiyey oo ilaa Dorraad-buu Iclaamku ahaa , Goluhu inuu fasax ahaa weynu ogayn , 78-aad faqradiisa 3-aad waa Distoor jabin uu ku kacay Golaha Wakiiladdu Madaxweynuhu wuu soo celiyey wuxuu u cuskaday-na mey jirin, markaa Distoorkii Qaranka maalin-ba qayb-baa laga gudbayaa” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Qabille, waxanu intaa ku daray “Ajande kasta oo yimaada ama kan qayral caadiga ah  ha noqdo Goluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu 24 Saacadood inuu soo akhriyo, arrinkaasi wuxuu ka soo hor-jeedaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda waana Qodob Distoori ah waanu jaban yahay, in dhaweyd-ba Gollihi wuxuu ku socday muquunis Goluhu-na wuu Liin-baxay, Mushtamaca reer Somaliland guddaha iyo dibad-ba waxaan u sheegayaa Golahan Xilka aad u doorateen wuu gabay, Mushtamaca ka sugaya inuu sii wado Xil-na wey qaldan yihiin, waxaanan soo jeedinayaa in dadweynuhu ka tashadaan Golahan Wakiiladda”.  Waxa kale oo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille Xukuumadda ku eedeeyay in ay golihii jeebka ku ridatay oo xilkii ay bulshada u hayeenba laba dibble uga hayaan “Gollahani in dhaweyd wuxuu Xukuumadda u ahaa Footo koobi, waxaana ka dhigay Xilkii iyo waajibaadkii ay lahaayeen oo ay gabeen, waxaan markaa odhan lahaa macno idinkuma fadhiyo Sharciga aad u dirateen ma ilaalin karo ee Mushtamacani ha ka tashado”.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga caddaaladda ee golaha Wakiillada Cabdiraxamaan Cismaan Caalin ayaa shirgudoonka ku eedeeyay in ay  u dhego nugul yihiin xukuumadda iyagoo iska dhego tira soo jeedimaha xildhibaanada aqalkooda ““Qoladan Shirgudoonka ayaad moodaa sidii wax loo soo faray mooyee aanay si kale iyo xeelad kale aqoonin. Waxay ahayd mashruuca marka la keeno in golayaasha la siiyo 24 saacadood oo ay ku soo akhristaan” ayuu yidhi  Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheerer)

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s