Heshiiska ay Wada Gaadheen Xukuumadda Somaliland iyo Xaglo-toosiye oo La Sheegay inuu Saamaynayo Ciiddanka Qaranka ee Jiidda Hore

Saleebaan-Xagla-toosiye iyo Weftigiisii oo Xalay Guure ku yimi Hargeysa+Waxgaradka Buuhoodle oo ka hadlay Aragtooda la Xidhiidha wada hadalladan

“Mar Haddii Faysal la hadlayo Walla-weyntii, Ma Jirto wax Anigana iska kay Hor Taagaya Inaan Somaliland La Hadlo ”

Burco-( Hubaal ) – Kulankii ku dhex maray magaalada Caynabo wasiirrada madaxtooyadda, maalliyadda, arrimaha gudaha  oo uu weheliyo guddoomiyaha xisbiga UCID  iyo wefti uu hoggaaminayay Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka socda dhinaca Buuhoodle ayaa la sheegay in kala saxeexdeen heshiis hor dhac ah oo  nuxurkiisu yahay in ciiddamada qaranka Somaliland laga raro fadhiisinaddooda  jiidda hore ee Maygaagle iyo Sool-joogto, waxaanay weftigani xalay soo gaadheen Caasimadda Hargeysa iyagoo iyagoo soo maray magaalada Burco oo ay ku hakadeen.l

Weftiga uu hor kacayo Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye) ayaa ku sababeeyay rarista Ciiddamadda qaranka sidii dadka deggaanadaas loogu banayn lahaa goobaha biyaha, kuwaas oo uu sheegay in hadda ay ku sugan yihiin ciiddamadda qaranka, hase yeeshee illaa haatan xukuumadda Somaliland war rasmi ah kama ay soo saarin heshiiskan hor dhaca ah ee la sheegay in lagu gaadhay Caynabo iyo arrimaha kale ee ay labada dhinac ka wada hadleen.

Haddaba, ka hor intii aanay  Wufuudu kasoo ambobixin magaalada caynabo waxa  kulan casho ah oo habeen hore lagu soo dhaweynayey xubnaha Buuhoodle, ka hadal ka jeediyay Saleebaan Xaglo-toosiye oo sheegay in  go’aankoodu salka ku hayo nabad waarta oo ka dhalata deegaankooda “Waxanu u soconaa nabad, waxanu hore u wada hadalnay madaxweynaha Imaaraadka annaga oo joogno, waxanu isla afgaranay nabad in lagu wada shaqeeyo immikana waxanu u nimid wada hadalka halkaas ka dhacay (Dubai) dhamaystirkiisii.” Sidaa waxa xafladda loo sameeyay soo dhawayntiisa ka yidhi Saleebaan Ciise Xagla-toosiye.  waxa uu intaas ku daray in xaaladdan oo kale ay daruuri tahay in go’aan dhiirrasho leh lagu waajaho waxanu yidhi “Nabaddu inay u baahan tahay dhiirrasho iyo in lays garabsado, waa midda  aanu diyaarka u nahay in xal nabaddeed aanu ku doono dhibaatooyinka jira, xabbad dambena aanay dhicin qof dambena aanu ku dhiman deggaanadaas…Illaahay waxan ka baryayaa inuu guul ku dhammaado, nabadna wax ka wanaagsani ma jiraan,nabad la’aani waa nolol la’aan.”. waxa kale oo Mr. Xaglo-toosiye isagoo ku hal qabsanaya guddoomiyaha UCID su’aal ku dhex tuuray masuuliyiinta madasha fadhiday isaga oo  cuskanaya sababta uu wada hadalkan u qaatay “Maxaa hadda keenay (wada hadalka)?. Ayuu yidhi, haddana isaga ayaa ka jawaabay “Isbedelka ayaa keenay, mar haddii Faysal la hadlayo Walla-weyntii uu sheegayay, wax anigana iska kay hor taagaya inaan la hadlo  Somaliland ma jirto.” Ayuu yidhi Saleebaan Ciise Axmed  (Xagla-toosiye).

Geesta kale, Wasiirka  arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraae (Duur), oo isaguna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in kulankoodan ay labada dhinacba ka gaadheen guul weyn iyo is afgarad buuxa inta hadhayna ay ku dhamayn doonana wadahadalo sidan oo kale u sii socon doona wakhtiyada foodda innagu soo haya.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee labada dhinaca ayaa iyaguna halkaasi hadalo koob-kooban ka jeediyay  waxaanay  sheegeen in ay soo dhawaynayaan una han weyn yihiin nabad gelyo ka dhalata deegaanadda bariga dalka gaar ahaan Buuhoodle.

Weftiga ayaa shalay ka soo ambo baxay magaalada Caynabo iyaga oo maray magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo lagu soo dhaweeyay, waxaanay uga soo gudbeeen dhinaca Caasimadda Hargeysa oo ay Xalay guuro galeen.

Dhinaca kale qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo dadka deegaanka Buuhoodle ayaa ka hadlay aragtidooda ku wajahan wada hadalka Xaglo Toosiye la yeelanayo Xukuumadda Somaliland, waxaanay si adag  u deedifeeyeen in aanu metelin, isla markaana ay ka soo horjeedaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s