Ganacsatada Xoolaha ka Dhoofisa Berbera oo ka Welwelsan khidmadda lagu Kordhiyay, lana Filayo in inay u wareegaan dekadaha Deriska

Berbera ( Hubaal ) – Ganacstada xoolaha ka dhoofisa dekadda magaalada Berbera ayaa maalmihii u danbeeyay cabasho ka muujiyay caqabado ka soo wajahay khidmadii xukuumaddu ka qaadan jirtay Maxjaradda xoolaha oo la kordhiyay.

Tobankii casho ee u danbeeyay waxa hoganayay xeryaha adhiilaha magaalada Berbera  xoolo lagu qiyaasay  75000 neef oo adhi ah, waxaana lagu guda jiraa xiliga xoolaha u badan ay dhoofaan dekada berbera.

waqtigaas oo inta badan ganacsatada xoolaha dhoofisaa ku mashquulsanyihiin dhoofinta xoolaha ayaa hadaba todobaadkan u daneeyay waxa soo foodsaartay caqabad, waxaana dhacday in xukuumadu kordhisay khidmadii ay qaadan jireen maxjarada Berbera ku yaala.

Arrintan ayaa sababtay in hawshii rarida xooluhu istaagto ilaa hadana aan xal laga gaadhin. waxaana todobaadkan gudihiisa dalka soo gaadhay waiilka shirkada aljaabiri Xasan All Xasaani oo dalka u yimid sidii isbadalka xukuumada ku dhacay wixii ay hore ugu heshiiyeen uga wada hadli lahaayeen ilaa imikana wax isbedelay ma jiraan xoolihiina waxay hoganayaan xeryo adhiilaha Berbera.

Ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaa aad uga welwelsan caqbadahan lagu soo beegay xiligii xoolaha ugu badan Somalilad laga dhoofin jiray lacagta adagna dalka ka soo gali jirtay.

waxaanay qaarkood leeyihiin oo ay ka digayaan hadii aan xukuumadu ka noqon lacagta ay ku kordhisay maxjarada oo iyaguna dusha ka sii fuulayaan in xoolahooda ay kula wareegi doonaan dekadaha dariska ah, hadii sidan xukuumadu ku adaysato.waxaanay doodooda ku sababeeyeen ganacsatadu culays intaasi ka badan aanay qaadi karin. waxaanay sheegeen in mudadan wax ka badan aanay xooluhu u adkaysan karin kulaylka magaalada Berbera.

culayskaa ayaanay ganacsatada xooluhu ku tilmaameen caqabad hor leh, waxana u sii dheer xili xagaa ah oo aad u kulul oo aanay xooluhu u adaysan karin.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s