Bogga Ciyaaraha HUBAAL: Ciyaartoy kubbadda Kollayga ah oo Raali-gelin ka bixiyay khaladaad uu ka galay Garoonka Tima-cadde

Hargeysa (Hubaal)-Xamse Guuleed oo ka tirsan kooxda kubadda kollayga ee Dalladda NAGAAD, ayaa  Raali-gelin ka bixiyay uu khalad uu ka galay ciyaar dhawaan garoonka kubadda Cagta ee Timo-cade ku dhex martay Kooxaha Nagaad iyo Nasiye.

Ciyaartoygu wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay na soo gaadhsiiyay oo u dhignaa sidan:-

Aniga oo ah Xamsi Guuleed Xuseen, kana tirsan kooxda kubadda kollayga ee Nagaad waxa aan tixraacayaa maqaalkii kasoo baxay shalay jamhuuriyada Medi Group, waxaan doonayaa in aan ka jawaabo ganaaxii ay soo rogeen xidhiidhka kubadda kollaygu oo aan qaatay khalad in aan galay, laakiin waxa isweydiin leh maxaa keenay in aan sameeyo gacan ka hadal.

Waxa taa sababay in aqoon darada haysata garsoorka iyo xidhiidhka oo sababay in ay waxba ka qaban waayaan arrinkaasi oo iskana dhagatiry, xidhiidhka oo samayn waayay in marka laba kooxood oo adagi ciyaarayaan in lagu qabto saddex garsoore oo sharciga caalamigu qeexaayo.

Intaa kabacdi waxaan raali galin ka bixinayaa falkii dhacay khaasatan xidhidhka kooxdayda iyo dhammaan taageerayaasha kooxda Nagaad.”

 

Dhinaca kalena  Guddida Anshaxa Xidhiidhka Kubbadda Kolleyga Somaliland (SLBF), ayaa go’aan anshax-marin ah ka gaadhay fal uu ku kacay ciyaaryahan magaciisa la yidhaa Xamse Guuleed intii lagu gudo-jiray ciyaar dhawaan garoonka kubbada kolayga  Tima-cadde ee magaalada Hargaysa ku dhexmartay labada kooxood ee Nagaad iyo Nasiye.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal Xidhiidhka Kubbadda Kolleyga Somaliland ka soo saaray habeen hore xaruntooda magaalada Hargeysa.

Go’aanka anshax-marinta ah ee Guddiga Anshaxa Xidhiidhka Kubbadda Kolleygu ku ridday ciyaaryahan Xamse Guuleed iyo asbaabaha loo cuskaday oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay wargeyska Dawan  waxa uu u dhignaa sidan:

“Guddida Anshaxa Xidhiidhka Kubbadda Kolleyga Somaliland (SLBF) waxay ganaax anshax-marin ah ka gaadheen falkii uu ku kacay laacibka Xamse Guuleed ciyaartii dhexmartay kooxaha Nagaad iyo Nasiye, waxayna guddiga anshaxu isla qaateen qodobaddan hoos ku qoran:

Sababaha loo ganaaxay ciyaaryahankan waxa ka mid ah inuu si ula kaca u laaday laacib kale iyo inuu miiska juuriga ee ciyaarta laga maamulayey si ula kac ah u jabiyey.

Sidaa awgeed, waxa guddigu soo saareen go’aankan anshax-marinta ah. Waxa laga ganaaxay laacibka Xamse Guuleed in aannu safan laba ciyaarood oo xidhiidh ah.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s