Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo Xamilli waayay Dhaliilihii Gaboose u Xambaariyay Madaxweynaha

“Ninka KULMIYE Aamini waayey ee Xisbi ka Furtayoow maanta ha ka Calaacalin Weli Laguma Gaadhine”-Muuse Biixi

Hargeysa ( Hubaal ) – Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Bixii Cabdi Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ka difaaay Eedo musuq-maasuq iyo caddaalad-darro oo loo soo jeediyay , waxanu sheegay in dawladda ku abtirsata Xisbiga KULMIYE ay xaqsoor ku hoggaamiso dalka. Guddoomiyaha ururka Ummadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa Dorraad Dhaliilo is barkan u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu lugta jiidayo habsami u socodka doorashada deegaanka, Eedahaas ayaa u muuqda kuwo ay xamilli waayeen masuuliyiinta xukuumadda iyo saraakiisha ku abtirsadda Xisbigeeda KULMIYE ayaa guddoomiye Muuse Biixi oo shalay u jawaabay Dr. Gaboose waxa uu iska foggeeyay in aan maamulkoodu shaqo ku lahayn faro-gelin lagu sameeyo amuuraha doorashada “Walaalayaal KULMIYE waad doorateen, xilbaad u dhiibteen”. Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlay munaasibad KULMIYE kusoo bandhigay Murashax Cusub oo kamid ah murrashaxiinta Xisbigooda uga tartami doona doorashada dawladdaha hoose ee la quuda-raynayo inay qabsoonto, waxana uu intaa ku daray “hawshii aad u dhiibteena sidii buu ugu fooggan yahay, haddii aynu xaqiiqo u qiyaasno dawlad aan dhaqaalaheeda ciddi taageerin oo tamarteeda aynu og-nahay, Halkii KULMIYE uu ka bilaabay oo aan nin-na dembi ka raacayn in intii loogu talo galay in ka badan muddadaa ay qabatay xukuumadda KULMIYE”. Dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay eedaha loo soo jeediyay madaxtooyadda ee ku saabsan doorashadda, waxana uu farta ku fiiqay madaxda ururada siyaasadda, gaar ahaan Dr. Gaboose isaga oo la hadlaya “Doorashada maanta joogta Ragii Xisbiyada hala furo ku qasbayey, Lama gaadhin Ollolihii iyo waqtigii lawada hadli lahaa, sidaa darteed ka hor dhicimaayo”. Ayuu yidhi Muuse Biixi, waxana isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray “Waxaanse leeyahay waa bilow’e goormaad durba qaylinaysaan, waa tii xisbiyo laydiinka taag la’aaye adaygeeda lahaada, tartankana waa la gelayaa markaa yaan la sii qaylin ayaan leeyahay”. Muuse isaga oo duur xul ah ugu jawaabay Dr. Gaboose isla markaana ku eedaynaya in Xisbiga KULMIYE oo uu ka tirsanaa ka door biday urur siyaasadeed uu ku dhawaaqay “Ninka KULMIYE aamini waayey ee xisbi ka furtayoow ardaaga aad wadataa yuu kula yaraanin maanta oo ha ka calaacalin wali laguma gaadhine”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s