Xaruntii Dhexe ee KULMIYE ku lahaa Gobolka Saaxil oo Hoggaan la’aan u Xidhmaysa iyo Faro-gelin la soo Weriyay in Guddoomiye Ramaax ku Baabi’inayo

 

Berbera (Hubaal ) – Guddida Fulinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, ayaa ka digay faro gelin ay sheegeen in maamulka gobolkaasi ku hayo xafiiskooda iyo buuxinta jaggooyin ay banneeyeen Guddoomiyihii iyo Xoghayihii xisbiga oo haatan xilal ka haya dawladda. Qaar ka mid ah Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo bayaan ka soo saaray maanta magaalada Berbera, ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Xubnaha Golaha dhexe ee Gobolkaas, oo muddooyinkii u danbeeyay fadhiid noqday, ka dib markii Guddoomiyihii Gobolka ee Xisbigaas Shiina Cabdi Barkhadle loo magacaabay Maareeyaha Haamaha Shiidaalka iyo Xoghayahii oo noqday Xoghayaha dawladda Hoose ee Berbera, ka dib markii xukuummada Madaxweyne Silaanyo talada qabatay. Bayaanka ka soo baxay Golaha dhexe waxay ku shaaciyeen inay si dhakhso ah u dooran doonaan Guddoomiyaha iyo Xogyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, si loo dardargeliyo hawlaha xisbiga. Waxaanay digniin u direen maamulka Gobolka oo ay sheegeen inay farogelin ku hayaan. Bayaankaas oo dhammaystirana waxa uu dhignaa sidan;.”Haddii aanu nahay gudiga fulinta xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil, markii aanu aragney baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha xisbiga ee gobolka,isla markana isku qanciney in masuuliyiintii xafiiska ee xisbiga haatan ka mid yihiin hawlwadeenada xilalka shaqo ee xukumada,gaar ahaan Gudoomiyihii Gobolka Cismaan Cabdi Barkhadle “Shiine” Maareyaha Haamaha Shidaal iyo Xoghayihii Xisbiga Cali Maxamed Cilmi Xoghayaha dawlada Hoose degmada Berbera. Markaanu eegney baahida taagan ee hawlihii xafiiska ee ku waajahan hawlagalada doorashada fooda inagu soo haysa,oo u baahan sidii caadada u ahayd xafiiskan xisbiga ee gobolka in laga diyaargarowbo,korna loo qaado shirarkii gudiga iyo xidhiidhkii dhinaca wada socodka. Markaanu aragney siday gudigii xafiiska isugu duuban tahay, isla markaana ay diyaar tahay gudashada hawlihii xisbiga ee gudigu ka hayey dhinaca gobolka Saaxil. Markaanu ka fikirey halista iyo faragelin kaga iman karta guddiga iyo xafiiskii gobolka ee xisbiga hogaamin la’aanta jirta, madamada masuuliyiintii hore hawlaha qaranka ay kaalin kale kaga aadan yihiin. Waxaa Guddigu ugu Baaqayaan kuna wargelinaya in shir deg-deg ah isugu yimaadan dhamaan xubinihii fulinta oo ay ka mid yihiin labada masuul ee ugu sareyey,isla markana aan wareejin xilalkii,hawlaha shaqada ee ay hada ku sugan yihiina u saami karin iney hogaamintii xafiiska sii wadaan,shirkaas oo gudiga fulinta ee heer gobol ay sida uu dhigayo sharciga xisbiga,laga wada tashado sidii gudigu u doora lahaa hogaankii sare ee gudiga “Guddoomiye iyo Xoghaye”. Guddigu waxaa bayaankiisan wargelinta u sheegaya maamulka gobolka oo ah midaan arag meesha uu ku yaallo xafiiska xisbiga, inaanu ku sameyn fara-gelin sababta inuu gacanta maamulka gobolka ku burburo xisbigu,iyadoo ay muuqato in maamulka gobolku wado talaabo ku dhisan nin jeclaysi iyo faragelin hawlaha xisbiga ee gobolka Saaxil ah. Waxaannu mar labaad la socod siineyna in sharciga xisbiga uu awood u siinayo gudiga iney doortaan,buuxiyaana kolba jagada ka banaanaata dhexdiisa, oo aaney cid kale u gacan dhaafi Karin. Maaha xisbiga Kulmiye urur hada la aasaasayo, waxa uu leeyahay shuruuc kala xadeyneysa, hab-dhaqanka shaqada xisbiga, waxaana xaaraan ah in maamulka ka dhexeeya ummadda iyo xisbiyada u gacan la galo, isagoo aan ka ahayn xubin la ogyahay, waxaana aanu mar kale ugu celineyna inuu maamulka gobolka ka digtoonaado faragelinta hawlaha gudiga iyo xafiiska

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s