Wasiir Geel-jire oo Qalinka ku Duugay Xeer Ka Xannibaya Kalluumaysiga Shirkadaha Wadaniga ah.

Hargeysa- ( Hubaal ) – Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, ayaa baahisay xeer-nidaamiye ku saabsan diiwaangelinta iyo ruqsad siinta Maraakiibta iyo shirkadaha kalluunka. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah xeerkani u dhaqan galay shalay Axadii oo bishu ahayd 05/08/2012, isagoo shirkaddaha kalluumaysiga ka ganacsadana ugu baaqay inay dib isu diiwaangeliyaan, kuwa cusub ee aan ruqsada haysana ay Wasaaradda rusqad uga qataan. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Md.Cabdillaahi Jaamac Geel-jire oo isagu faahfaahin ka bixiyey xeer-nidaamiyahan ayaa xusay uu wax weyn ka tari doono maamulida ganacsiga kalluumaysiga. Md.Cabdillaahi Geel-jire waxa uu shacabka kula dardaarmay inay iska dayaan dhaqanka wastada ku dhisan ee cuqaal iyo salaadiin loo soo kaxaysanaayo maamulada dawladda. WasiirkaKalluumaysiga Md. Geel-jire waxa uu iftiimiyey hayadaha iyo dalalka caawiya,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay arday deeq waxbarasho loogu diri doono dalka Iran. waxaanu xusay inay dhawr hay’adood uga soo socdaan mashaariic kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Baanka Adduunka,Midowga Yurub,UDP iyo FAO iyo dawladdo kale oo daneeya sidii ay inoo caawin lahaayeen Wasaarada Kalluumaysiga. Waxaanu intaas ku daray in caawimadooda soo marin doona oo Midawga Yurub, iyo Denmark waxa uu Wasiirku sheegay in deeqdan waxbarasho ay ka faa’iidaysan doonaan labaatan arday. Waxa kale oo Wasiirka Kalluumaysigu farriin u diray Ciiddammada Ilaalada XeebahaSomaliland, isagoo u soo jeediyey in xeer-nidaamiyahan cusub iyo xeerarkii hore u jiray ay ku ilaaliyaan dadka ku hawlankalluumaysiga oo dedaalkooda laban labaan, isagoo sidoo kalena qaybta garsoorkaee gobollada dalku sii buuxda ugala shaqeeyaan xeerkan marka la horgeeyo,cadaaladana mariyaan dadka la horkeenoee lagu soo eedeeyo inay ku gafeen xeerarka kalluumaysiga iyo shuruucda kale eebadda ku saabsan. Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa isagu shirkadaha iyo ganacsatada kalluumaysiga ku wargeliyey inay dib isagadiiwaangeliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s