“Warbaahintu Markay Arkaan Gidaar la Nuuradaynayo, waxa la leeyahay dhulkii Dawlada ayaa la kala Boobay,Arrintaas waxba kama jiraan ee nala Hubsada”

Wasiir Xaabsade oo Dhul Boobka iskaga Riixay Dawladda Hoose ee Hargeysa

 

Hargeysa ( Hubaal ) – Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa ku Eedeeyay in sifo sharci darro ah ay shakhsiyaad u siiyeen dhulka danta guud ee ag-ku yaalla Shacab Area oo uu sheegay inay xukuumadda dhexe maamusho. Mr. Xaabsade oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta shalay waxa uu sheegay dhul dan guud ah oo dawladda Hoose bixisay, taas oo uu sheegay in warbaahintu marin habaabisay iyaga oo dadweyna u soo bandhiga dhismayaasha dawladda dhexe ee dayactirka lagu samaynayo halkii laga soo bandhigi lahaa boobka danta guud “Dhibaato badan ayaa jirta oo Magaaladu iyada oo aan xog-hayn ee Warbaahinta kala duwan markay ku arkaan gidaar-yar oo la nuuradaynaayo, waxa la leeyahay dhulkii Dawlada ayaa la bixiyey oo la kala qaatay oo la kala boobay, waxaanu leenahay arrintaas waxba kama jiraan ee horta nala hubsada.” Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxyaabo badan ayaanu ognahay oo ah Dad iska jeexanaaya dhulkii Dawlada, waxayna bilabayaan habeenka Jimcaha, marka la seexdo ama arroorta hore jeexanaya jimcaha ee la hurdo oo aanu dhawr jeer soo qabanay, waxaana ka mid ahaa Istaad-hawska (State-House-ka) eeryadeediisa oo aanu ka joojinay.” Wasiirku wuxuu sheegay inay arkeen dad sifo sharci darro ah dhul dawladeed iskaga jeexanaya oo dhukumenti ka sita dawladda Hoose ee Hargeysa “Waxana la lahaa waraaqo ayey ka sitaan dawlada Hoose. Shacabka waxaanu u sheegaynaa in Eeriyadaas Dawladda Hoose ay wax shaqo ah ku lahayn oo aanay cid siin karin. Shaqadu way kala qaybsan tahay oo wixii dawlada dhexe ay leedahay iyada ayaa leh wixii Dawlada hoose ay leedahayna iyada ayaa leh oo ku shaqo leh”. “Dawlada Hoose waxay leedahay wixii Magaalo ah inay bixiyaan, marka ay helaan nashqada guud ee Dalka oo aanu immika rabno inaanu samayno oo hore aan waxba uga jirin.”Ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdi Xaabsade. Wasiir Ku xigeenka wasaarada hawlaha guud Md. Cali Cabdi Saa’iq oo isna shirkaa jaraaid ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumaddu siyaasad cad ka leedahay xakamaynta dhulka danta guud, waxanu tilmaamay inay sharciga la tiig-san doonaan cidii lagu qabto iyadoo boobaysa dhulka danta guud. Wasiir Ku xigeenku wuxuu intaasi ku daray inay abuureen sharci ku wajahan la dagaalanka boobka dhulka danta guud iyo ilaalinta guryaha dawladdaba.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s