Kulan aan la Ogayn Ujeeddadiisa oo Balli-dhiig ku Dhex maraya Wasiirrada Madaxtooyadda, Daakhiliga iyo Saleebaan Xaglo-toosiye

 

Ajendayaasha Kulankaasi ma Dhaqaalaa, Ma Ciiddamo Raris baa mise waa Ix xogwareysi ku lug leh Nabada?

 

Hargeysa (Hubaal)- Wafti ay horkacayaan Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa xalay socdaal hawleed oo aan si rasmi ah loo sheegin ujeeddadiisa ku tagay Gobolka Togdheer, waxana xalay ay gaadheen magaalada Burco, halkaasoo oo ay uga sii gudbi doonaan Degmada Balli-dhiig oo la filayo inay ku kulmaan Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) oo ah hoggaamiyaha kooxda nabad-diidka ee Khaatumo-seeg.

 

Labada wafti eek ala ah Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Gudaha iyo waftiga kale ee uu horkacayo Saleebaan Xaglo-toosiye oo kasoo kicitimay dhanka Buuhoodle, ayaa wararka naga soo gaadhay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco sheegayaan in labada dhinac kulan ku wada yeelanayaan Degmada Balli-dhiigle, halkaasoo ay ku gorfeyn doonaan mashruuca nabadda ee uu Xaglo-toosiye go’aansaday inuu ku qanciyo kooxda uu hoggaamiyaha u yahay ee Khaatumo-seeg iyo bulshada taageerta ee ku nool Buuhoodle.

 

Ilaa hadda lama hayo warar sugan oo daaha ka roga ajendayaasha dhabta ah ee labada dhinaca kaga wada hadli doonaan kulankooda inay yihiin kuwa dhaqaale oo nabadda wax lagaga qabanayo, kuwa ciidan oo ah sidii ciidammada Qaranka looga soo rari lahaa jiidaha hore ay ka fadhiyaan Gobolka Sool iyo Buuhoodle iyo inuu yaha lays ku dhaafsanayo xog dhabbaha nabadda ee dadaalka loogu jiro sidii looga midho-dhallin lahaa.

 

Xogo aanu ka helnay dhinaca Buuhoodle, ayaa tibaaxaya in furaha nabadda ay shuruud uga dhigeen duqeyda Degaankaasi siday horeba marar dhawr ah uga dhawaajiyeen tan iyo waqtigii xukuumaddii Rayaale, in horta lagu dul raro dhammaan ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisanada ku leh magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, marka xigtana la sii daayo dhammaan wixii maxaabiis ah ee lagu qabqabtay weerarradii kala duwanaa ee Malliishiyooyinka nabad-diidku ee degaannadaasi kusoo qaadeen ciidammada Qaranka.

 

Waxa ay intaa ku darayaan in hoggaamiye Xaglo-toosiye ay ka horyimaaddeen Odayaal kasoo horjeeda Qaranimada Somaliland oo haatan badankoodu ku sugan yihiin Muqdisho xujo kaga dhigeen Saleebaan Xaglo-toosiye ka rarista ciidammada Qaranka goobaha ay ka deggan yihiin Degaannadooda, taasoo ay horeba uga diiday xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale, balse haatan kow ka tahay ajendayaasha ay u soo dhiibeen Saleebaan Xaglo-toosiye ee uu wato, isla markaana hordhigi doono waftigan Wasiirrada ah ee shalay ka ambabaxay caasimadda.

 

Hawlaha nabad-ka-anlaaxinta Buuhoodle iyo Laascaanood ee uu hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Saleebaan Xaglo-toosiye kala soo laabtay magaalada Dubay, kadib markay halkaa si rasmi ah uga soo kulmeen Madaxweyne Siilaanyo. Geesta kale sida wararka qaar sheegayaan uu Saleebaan Xaglo-toosiye soo maray Maamul-gobolkeedka Puntland o uu la kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka maamulkaasi. Dhinaca kelane cagta soo mariyey Muqdisho ay wei wax badani qarsoon yihiin, haddana sida ka muuqata dadaallada xukuumadda Somaliland way ka go’an tahay wax kastoo nabad ku wada noolaansho lagu gaadhayo oo aan dhaawaceen milgaha iyo karaamada Qaranka oo ay ka mid tahay inlaga soo raro ciidamada Qaranka degaano ka mid ah kuwa ku tirsan xuduudaha la yaqaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s