Khubaro Sheegay in Maraykanku Gocanayo Jabkii Askartooda lagu Dhulka lagu Jiiday Muqdisho 1993.

Khubaro Sheegay in Maraykanku Gocanayo Jabkii Askartooda lagu Dhulka lagu Jiiday Muqdisho 1993.

 

Los Angeles (Wakaaladaha)– Wargeyska The Los Angeles Times oo ka mid ah wargeysyada ka soo baxa wadanka Maraykanka ayaa dawladda wadankaasi ku eedeeyay inay si weyn ugu lug leedahay dagaalada muddada dheer ka socda wadanka Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganayay kubaro iyo siyaasiyiin ka faallooda arrimaha ammaanka gaar ahaan kan geeska Afrika waxaa lagu sheegay in marka la eego xaaladdaha jira ay muujinayso in dawladda Maraykanku ay si muuqata ugu lug leedahay dagaalada Soomaaliya.

Warbixinta uu qoray wargeyska waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay mar walba taageero dhinaca ciidamada u badan siiso dhinacyada u muuqda inay sii hurinayaan colaadaha Soomaaliya.
Dawlada Maraykanku hadda waxay taageero tii hore ka badan siiyaan ciidamada AMISOM oo dawlada KMG ee Soomaaliya ku taageera dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab.
Wargesyku warbixintan uu qoray waxa uu ka warramay in Maraykanku uu si buuxda u qalabeeyo ciidamada AMISOM taasoo ka badan taageerada uu siin jiray 2 sano ka hor.
Dawlada Maraykanku waxay sidoo kale taagaaro badan u siisay ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2006,da inkastoo ay ciidamada Ethiopia ay welli Soomaaliya meel ka mid ah ku sugan yihiin walaw ay welli taageero maraykanka ka helaan.
Siyaasiin Maraykanka ah ayaa qaba in dawladdihii soo maray Maraykanka tan iyo markii ciidamo si gaar ah u tababaran oo Maraykan ah lagu dilay Muqdisho sanadkii 1993 in dawlada Maraykanka marnaba ka shaqeyn nabadaynta Soomaaliya
Soomaaliya oo aan wax dawlad ah lahayn muddo 20 sano ka badan waxaa ka jiray dagaalo hadba wejiyo kala duwan marayay

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s