“Aamina Muuse Weheliye ayaa Tidhi Assey baan sidayaa inta Soomaaliya is Haysato, Annaguna Assay Baanu Sidanaa illaa…….”

 

KULMIYE oo soo Bandhigay Murrashax reer Gabiley ah oo Hargeysa uga Tartami doona Doorashada Deegaanka

Hargeysa( Hubaal ) – Xaflad lagu soo bandhigay Murrashax Xisbiga KULMIYE uga tartamaya doorashada golaha deegaanka ee gobolka Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibaddan waxa ka qayb galay Hoggaanka xisbiga KULMIYE, xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada, taageerayaasha murrashax Ismaaciil Aw Xasan X. Aadan iyo marti sharaf kale. Caaqil Cabdi Cumar Warsame iyo Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo kamid ahaa dadkii madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay murashax Ismaaciil Aw Xasan iyagoo sheegay in ay taageeradooda la garab taagan yihiin. Guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Beesha Musharaxani ka soo jeedo (Jibriil Yoonis) dhoolatuska ay sameeyeen ka turjumayo cududooda codkii doorashadii gollaha wakiillada ay siiyeen Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo ka tirsan wakiilladu, kaasi oo aan soo bixin balse uu sheegay in la musuqay “Beesha Yoonis jibriil halkan dhoolatus weyn bay ka muujisay maxaa yeelay codkii golaha wakiilada ee barigii ka khasaaray inaanu Cabdillaahi-Balaaki waayin ee uu meel kale maray ayaa maanta halkan ka muuqata” Ayuu yidhi Maxamuud Jaamac Warfaa.

Halkan ka Daawo Sawirrada Munaasibadda lagu soo dhaweeyay Murashaxa Cusub

Marwo Canab muxumed oo kamid ah Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo madashaasi ka hadashay Ayaa Faahfaahisay sida ay uga go’an tahay taageerada murrashaxni, iyada oo ku hal-qabsatay Suxufiyadda Soomaaliyeed ee Aamina Muuse Weheliya oo ka tirsan Telefishanka Universal “Aamina Muuse Weheliye ayaa Beri tidhi Assay baan sidayaa inta Soomaaliya is haysato, annaguna haddaanu nahay haweenka Xisbiga KULMIYE ku Abtirsada Asay baanu sidanaa illaa uu soo baxayo Xildhibaan Ismaaciil. oo aanu codkayaga u huri doono annagoo illaahay kaashanayna, awoodayadana muujinayna, waxanu hiil iyo hoo la garab taaganahay Ismaaciil Aw xasan X. aadan” ayay tidhi Canab muxumed. Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta Dr.Axmed Xaashi Oday, Gudoomiyihii hore Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan , Xildhibaan ibraahim axmed haybe iyo Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay iyaga oo soo dhaweeyay murrashaxan kuna tilmaamay inuu ka turjumayo doorka beesha deegaanka Gabiley kaga jiraan Xisbiga KULMIYE. Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULIYE Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa gobolka Gabiley ku tilmaamay meelihii xisbiga KULMIYE taageerada ballaadhan ka helay isaga oo sheegay in abaalka ay u hayaan dadka deegaanka Gabiley ay ugu bedellayaan murrashaxiin ka tartama xisbiga KULMIYE dhexdiisa “Haddaanaan qadarinaynin intaasoo musharraxa annaguba markii hore kumaanaan sii talaabsaneen, arrintani markaa waa dhab xilligii ugu horeeyay ayaa ree Gabiley Murrashaxiintooda magaalada Hageysa laga soo sharaxayaa waxa markaa loo baahanyahay inaad muujisan awoodiinna”.Murrashaxa xafladda loo sameeyay Ismaaciil Aw Xasan X. Aadan oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahadnaqay taageerayaashiisa iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee kasoo qayb galay soo dhawayntiisa. Waxaana uu ballanqaaday in haddii uu soo baxo daacadnimo ku shaqayn doono “Runtii arrintani waxay kor u qaadaysaa shucuurtaydii, run ahaantiina siday dadkaygii ii taageereen, waxay igusii riday inaan meel aan gaadhay iskala garan waayo, taasina waa wax aniga ii sharafa, waxan halkan idiinka ballan qaadayaa iyadoo masuulliyadu tahay wax adag, hadii Illaahay yidhaa oo aynu xilka ku guulaysano inaan ahaado mid daacadnimo iyo hufnaan ku shaqeeya”. ayuu yidhi Murrashax Ismaaciil Aw xasan X. aadan. Guddoomiyaha Xisbiga talada Haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isagu soo gebo-gabeeyay munaasibaddaas, waxaanu u mahadnaqay taageerayaasha Murrashaxa soo gelbiyay oo uu sheegay in ay abaal ku leeyihiin xisbiga KULMIYE “Waxan hubaa inta Ismaaciil wadda iyo inta dooran doontaba codkoodu inuu hore KULMIYE u ahaa, mudanayaal iyo marwooyin Kulmiye waa Gabiley, Gabiley-na waa Kulmiye, horena waynu isu mahadinay, mid waxaan ka odhan kulmiye” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s