Xiisad ka dhalatay Xukun Ciidanka Taraafikadu Ka soo Saareen Shil Baabuur oo Gabiley ka dhacay iyo Cuqaal Ganafka ku Dhuftay Go’aankaas

“Noqon mayno dawladd haddii maalinba ninkii dufan leh Ciidanku  soo raacaan oo waxay doonaan yeelaan”

Gabiley (Hubaal)-Khilaaf culus ayaa ka dhashey Go,aanka Natiijada Baadhistii Shilkii Axaddii Toddobaadkan ka dhacay Dulleedka Bari ee Magaalada Gabiley, islamarkaana ay ku geeriyoodeen shan qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa baabuur  u socdey dhinaca Magaalada Tog-Wajaale.

Shilkan ayaa yimid kadib markii Baabuurka ay rakaabku saarnaayeen oo ahaa nooca loo yaqaan TAXI-ga ay  isku dheceen baabuur kuwa jaadka ah oo ay leedahay Shirkadda  Gaafanne, waxaana shilkaasi sababay  Muran ka dhashay go’aanka ciidanka nabadgelyadda waddooyinku kasoo saareen arrintaas kadib markii tuhunno galeen  qaabka loo maamulay kiiskaasi oo laba maalmood lagu gorfaynayay  Caasimada Hargeysa, islamarkaana loo diidey Ciidanka Laanta Nabedgelyada Wadooyinka Gabiley iyadoo dhinac kamid ah dadweynaha Reer Gabiley ay ka deyriyeen wada socodka mulkiilaha Shirkada Gaafane iyo Gudida Baadhista ee ka timid Caasimada Hargeysa waxaana si rasmi ah shalay galinkii  dambe loogu dhawaaqey natiijada kiiskaasi  kadib markii ay Gididda ciidanku ka cabsadeen  buuq iyo qeylo xoogan oo ka taagneyd Gudaha Magaalada Gabiley oo siweyn ugu dhegtaagayay natiijada baadhista Shilkaasi, waxaana Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley kusoo xoomey dadweyne aad u tira badan oo kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Gabiley.

 

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Nabedgelyada   Wadooyinka ee ku dhawaaqey natiijada Go,aankan Baadhistii Shilka Cabdi Xandule ayaa, ku qanciyay in dadka ay ka dhinteen Shantii Marxuum ee ku geeriyooday Shilkaasi ay samir iyo iimaan qaataan halka uu ehellada baabuurkii yaraa ee dadku ku dhinteenna usoo jeediyay in ay aqbalaan oo qaataan xukunka.

Dhinaca kale Cuqaal kasoo jeeda gobolka Gabiley oo kahor intaan lasoo saarin xukunka shilka ka hadlay arrintan ayaa ku eedeeyay Laanta Nabedgelyada Waddooyinka Somaliland  in ay ku dhaqaaqeen tallaabo aan Munaasib aheyn oo caddaaladda ka fog,. Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan iyo Caaqil C/laahi Qalinle Fariid oo isagana fiidkii loo taxaabay Xabsiga, waxana kamid ahaa hadaladoodii.

“Noqon mayno dawladd hadii ay sidan wax usii socdaan sababtoo ah hadii maalinba ninkii dufan leh intey Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinku soo raacaan ay dadkii oo afurka ku maqan waxay doonaan yeelaan.  Miskiinbaa misko la fuulo leh la aqbali maayo, ma,aha markii koowaad boqol jeer ayay tallaabadaasi dhacdey waxaananu leenahey maalinba ninkii dufan leh ayaanu wax u  xukumeynaa la yeeli mayo, waananu kasoo horjeednaa tallaabadaasi xaaraant ah, Xukuumadda Sarre-na waanu gaadhsiin doonaa” sidaa waxa yidhi Caaqil Cabdillaahi Qalinle Farriid oo kamid ah Madax dhaqameedka ka hadlay shir jaraaid oo ay shalay ku qabteen Magaalada Gabiley. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo arrintan ku tilmaamay mid mad-madow ku jiro “ Ciiddanku meel walba iyo Gobol walba wuu joogaa laakiin waxa isweydiin leh marka Shil Baabuur ka dhaco Gobolka Gabiley iyo nawaaxigiisa ee Jaadluhu Geysto sababta ay qaar katirsan Ciidanka Laanta Nabedgelyada Wadooynku intey Hargeysa kayimaadaan, ay faraha ula galyaan arrintii iyagoo, la socda qaadlihii Baabuurkiisu shilka geystey oo ay Hargeysa kasoo raaceen dabeedna Baabuurtii oo aan qiyaas loo eegin ay markiiba  qaadaan halkii wax ka dhaceen iyadoo aan loo marin sifihii sharci ee looga baahnaa goob dambi ka dhacey” sidaa ayuu yidhi Caaqi Maxamed Qawdhan oo isagu sheegay inaanay ka hadhayn kiiskan balse ay u gudbinayaan xukuumadda dhexe.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s