Wargeyska HUBAAL, waxa uu Wasaaradda Warfaafinta ka Dalbanayaa inay ka Xaal Mariso Ceebta ay kula Dul Kuftay

Wargeyska “Hubaal” waa wargeys leh wixii sharciyad ah ee looga baahan yahay Wargeys kasta ama warbaahin kasta oo ka hawl galaysa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee waxa hubsiimo la’aan iyo Waayo-aragnimo la’aan Maamul ku suntan tahay Warqadda Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta kasoo baxday ee uu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in wargeyska Hubaal aanu lahayn wax Sharci ah.

Agaasimaha guud Mr. Cabdirshiid Jibriil Yuusuf  oo ku cusub wasaaradda iyo maamulka dawladdnimoba waxaanu qabnaa, in kuwa nacamlayaasha ah ee wasaaraddu ay iyagoo ujeeddo kale leh hoos dhigeen Agaasimaha Warqadda, balse isna aanu marin dariiqa looga baahan yahay mas’uul kastoo wax saxeexaya oo laga doonayo inuu wax kasta hubsado kahor intaanu qalinka ku duugin,  taasoo ay kaga filneyd agaasimaha guud arrintani kaliya in uu u yeedho mas’uulka wargeyska Hubaal oo uu su’aalo sharciga wargeyskiisa, si uu u xaqiijiyo in waxa loo sheegay run tahay iyo inay been tahay.

Takale ee ceebta ah ee muujinaysa hubsiimo la’aanta waxa kamid ah in warqadda war saxaafadeedka ah ee kasoo baxday wasaaradda warfaafinta ay ku taariikheysan tahay 7dii January, 2012-ka oo ka dhigan waqtiga uu soo baxay warku.

cid kastoo ay khusayso iyo dhammaan bulshada reer Somaliland gudo iyo dibedba waxanu u caddeynaynaa sharciyadda wargeyska Hubaal oo ka kooban saddex warqadood oo kala ah Warfaafinta, xeer ilaalinta iyo tii lagu cashuuray hantida raasamaal ee uu haysto wargeysku, annagoo u aragna arrintan mid bilow u ah cabsi gelin iyo caga juglayn ku jihaysan Wargeyska Hubaal si aanu u gudan Waajibaadkiisa, waana tan hoos ku sawirran sharciyaddii Wargeysku:

Warsaxaafadeedka Wasaaradda warfaafinta ee xataa ay sixi kari waayeen warqadda kasoo baxday taariikhdeeda, iyana sawirkeedii si aad uga bogataan waa tan halkan ku sawirran.

Haddaba, sida sharcigu yahay waxanu uga fadhinaa Wasaaradda warfaainta inay ka xaalmariyaan Wargeyska Hubaal ceebtii ay ula badheedheen oo ay beeniyaan mar haddaanu kusoo bandhignay warbaahinta shaciyaddayadii ay iyagu ka il duufeen inay na weydiiyaan, kagamana hadhi doono haddaanay beenin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s