Qarax lala Beegsaday Aqalka Maayarka Laascaanood oo Bil wax ka yar Xilka Hayay

 

Hargeysa (Hubaal) – Koox aan la garnaynin ayaa Xalay abbaaro 9:00 habeenimo bamboo-gacmeed ku weeraray Guriga Maayarka cusub ee magaalada Laascaanood Faarax Cabdi Yare,

Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxaas, waxaanu sheegay in hal askari ku dhintay khasaare kalese aanu gaysan “Caawa  (xalay) abbaaro 9:00 habeennimo ayaa koox aan la aqoonsani bambo-gacmeed ku tureen Guriga maayarka cusub ee magaalada Laas-caanood. Wax khasaare ah oo balaadhanina kama uu dhicin ee nin askari ah oo ilaalada Maayarka ka mid ah ayaa filidh yari galay oo dhaawac fududi ka soo gaadhay.” Sidaa ayuu yidhi Baadhasaabka gobolka Sool Mr. Jeeni yare,waxaanu intaa ku daray in aan wali cid loo qaban weerarkan, balse ay ciidanku baadhis xooggan wadaan  “Wali cid looma qaban baadhis xoog leh ayay ciidanka Booliska iyo maamulka gobolku wadaan waxaanan filaynaa inaanu gacanta ku soo dhigi doonto. Cidii weerarkan geysatay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyare).

Dhinaca kale waxa xalay magaalada laascaanood la adkeeyay ammaankeeda kadib  qaraxa ka dhacay,  waxaana ciidamaddu ay gaaf-wareegayeen xaafadaha iyo jidadka halbowlaha ah ee magaalada Laascaanood.

Maayarka cusub ee Laascaanood ee gurigiisa la weeraray ayaa xilka hayay labaatameeyo maalmood oo qudha

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s