Mid kamid ah Beellaha Darafyadda Somaliland oo Ka Hadlay Muranka soo Laba Kacleeyay ee Wershadda Sibidhka Berbera iyo Qaabka wax loo Qaybsaday

 

“Waxaan Idinn Weydiiyay: Waddaadoow Alif wax Maleh Iyo Wax Buu Leeyahay Labaddaba Adigaa Lagaa Hayaa, ee Isaaqoow Midkee baad ku Saxan Tihiin?,”-Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil

Hargeysa (Hubaal) – Mid kamid ah Madax dhaqameedka Beelaha Darafka Bari ee Somaliland ayaa saluug ka muujiyay qaabka ay Beelaha dhexe (Isaaq), keligood isugu koobeen Qaybsiga khayraadka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhex u ah beelaha dhammaan beelaha Somaliland.

Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaacil oo kamid ah madaxda dhaqanka, kanasoo jeeda beesha Warsangeli  ayaa ka hadlay Muranka soo laba kacleeyay ee ka aloosan qaddiyadda Wershadda sibidhka ee Berbera, taas oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta si weyn uga dhex muuqatay.

Garaad Cabdirashiid oo Qoraal kooban oo uu ka soo saaray magaalada Hargeysa kaga hadlay khilaafka u dhexeeya salaadiinta iyo waxgaradka beelaha Subeer awal ee ku wajahan murankaasi ayaa ku tilmaamay mid ka hor imanaysa Axdigii wax wada lahaanshaha ahaa ee beelaha Somaliland isla qaateen 1991-kii. Qoraalka Garaad Cabdirashiid oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska Hubaal waxa uu ku bilaabay “Waxaa beryahan dambe hadalkeedu soo noq-noqonayay Wershada sibidhka Berbera, taasoo muddo dheer muran ka taagnaa, oo  ay ka hadlayeen qabaa’il ka mid ah beelaha degan Somaliland ee Isaaq oo qudha, taasi waxay u egtahay in cid waliba meel wax laga weydiiyo oo ay ku gor-gortanto Deggaankeeda,  Waxan ay taasi ka  hor imanaysaa axdi qarameedkii beellaha Somaliland ku heshiiyeen 1991 Burco. waxaan idiin cadaynayaa  Anigoo ah Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil iyo salaadiin kale oo  kasoo jeedda  beellaha Harti, waxaanu Joognay Hargaysa  Waqtigii hore ee laysku qabsaday   Wershadda Sibidhka, Haddeer oo  ay Salaadiin iyo Isimo Isaaq ahi dhexdooda ka  hadlayaan-na waanu aragnaa. Haddaanu nahay Beelaha Harti arrintaas iyo luuqadda lagu hadlayo mid qalaad bay nagu tahay, waxaanan soo jeedinayaa oo aan leeyahay arrintaas luuqadda lagaga hadlayaa ma ah mid sax ah ee arrinka ku soo celiya halkiisii uu ku habboonaa, kana daaya sida Isaaqaysan ee aad immika uga arriminaysaan, ee idinku kooban. Waxaan idin weydiiyay: Waddaadoow Alif wax maleh iyo wax buu leeyahay labaddaba adigaa lagaa hayaa. Labadaasna Idinkaa laydinka hayaaye Isaaqoow midkee baad ku saxan tihiin?, Ma wxbaa la wada leeyahay, mise waxbaa la kala leeyahay, midkeese run sheegaysaan?. Ayuu ku soo gebogabeeyay qoraalkiisa  Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaacil oo kamid ah Garaadada beelaha Harti ee darafka Bari ee Somaliland.

Haddaba arrinta uu Garaadku saluuga ka muujiyay ayaa waxa ay ahayd kadib markii toddobaadyadan ku soo baxeen warbaahinta Bayaano is burinaya oo ku saabsan qaddiyada qaybsiga wershada ee Berbera, kuwaasi oo ay ugu dambaysay Odaal kasoo jeeda gobolka Saaxil iyo kuwo kasoo jeeda galbeedka gobolka Hargeysa oo qolaba qolada kale ku beeninayso hadalladii warbaahinta ay u isu mariyeen ee la xidhiidhay hannaan qaybsiga iyo ka garnaq la xidhiidha qaybsiga wershadda sibidhka Berbera, taasoo kamid ah arrimaha uu Garaad Cabdirashiid saluuga ka muujiyay kuna tilmaamay mid ku kooban qayb kamid ah beelaha Dhexe,  iyada oo sida uu sheegayna ay shacabka Somaliland min Bari ilaa Galbeed u siman yihiin khayraadka dabiiciga ah ee dalka, isagoo u daliishaday sida ku qeexnayd axdi qarameedkii beelaha Somaliland wada saxeexdeen ee dhismaha qaranimadda Somaliland.

Advertisements

One thought on “Mid kamid ah Beellaha Darafyadda Somaliland oo Ka Hadlay Muranka soo Laba Kacleeyay ee Wershadda Sibidhka Berbera iyo Qaabka wax loo Qaybsaday

  1. Runtii hadaalka Garaadku yidhi mid gar ah weeyaan oo la gar waaqsado kuna haboon in si sinaansho leh in reer Somalilaand u qaybsadaan oo qabiil ka meesha laga saaro iyo in wadanka khayraadkiisu afar ganacsato ah oo kaliya laga fuur yeelo ee ganacsatada kale een ka ahayn inteynu naqaano uun aaney noqon qaar wax walba iyagu wax ku yeesha sidaana wadanku uu ku noqdo meel afar qof kooto ugu xidhan oo aan qabo anuu shaqsiyan in ganacsatada kale la kabo oo iyaga wax yabihii maal gashi ah laga qayb galiyo.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s