Ganacsato reer Somaliland ah oo ka Cawday Ganacsato reer Soomaaliya ah oo Dul degay

 

Ceerigaabo(Hubaal)-Qaar kamid ah ganacsatada wadaniga ah ee magaalada ceerigaabo ayaa cabasho ka muujiyay ganacsato reer Soomaaliya ah oo kala wareegay macaamiishii magaaladda.

Meheraddaha ganacsiga Bagaashka loo yaqaan ee magaaladda Ceerigaabo ay ku leeyihiin dadka  ka soo jeeda Beelaha Raxanweyn ee degga gobollada Koonfureed ee wadanka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay albaabadu u xidhnaayeen kadib markii ay ka war heleen ashkato ka dhan ah oo   ganacsatada wadaniga ahi u gudbiyeen maamulka degmadda iyo kan gobolka sanaag.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii qaar ka mid ah ganacsatada  wadaniga ah ee  iibiya alaabada bagaashka ay  sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedaan meheradaha u furan dadkan loo yaqaanno RRA, kuwaas oo shalay  xafiisyada dawladda ka codsaday  in magaalada laga saaro ganacsatada aan dhaladka ahayn iyagoo ka cabanaya in ay badeecaddoodu jaban tahay taasi darteedna  aan ciddiba  wax ka iibsan weydey.

Waa markii u horeysay ee magaalada Ceerigaabo lagu arko tallaabadan oo kale tan iyo intii ay dadka aan u dhalan Somaliland gaar ahaanna gobollada bari ee dalku ganacsi ka furtaan magaalooyinka waaweyn, waxaana jira aragtiyo taban iyo kuwo togan oo dadka magaaladu ka dhiibanayaan arrintan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s