“Waxay ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto”

 “Ninkii Hudheelku Shahaadooyinkii ayuu naga ururiyey oo Wuxuu nagu yidhi Iga Bixi maysaan illaa aad Lacagtayda I siisaan”

 

“Waxay  ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto”

 

Muqdisho- (Hubaal)- Toddoba Arday oo kamid ah 17 Arday oo  qayb ka ahaa ku dhawaad 50 Arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho u joogay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa ku xaniban halkaasi, iyadoo Madax furasho loogu haysto Kharash ku dhaw Labaatan kun oo Dollar ($20,000) oo uu sheegtay Hudheelkii ay Muqdisho ka degenaayeen.

Ardaydan oo ahayd dufcadii labaad ee ka tagtay Somaliland oo bishii October ee Kal hore  ku guulaystay Imtixaan Tukrigu ka qaaday si loo siiyo  deeq waxbarasho oo dawladda dalkaasi u qoondaysay guud ahaan ardayda Soomaalida ayaa magaalada Muqdisho ku xaniban muddo sagaal Bilood ah, Sida ay baahisay dhinaca internetka laga dhegeysto ee Radio Hirad, waxanay  ardaydu werwer ka muujiyeen in muddada intaa le’eg  ay ku qaadato in ay sugaan deeqda waxbarasho ee la sheegay in Turkiga loogu qaadayo, taasoo aakhirkii  dhicisowday kadib markii lagu wargeliyay in ay internetka ku codsadaan mar kale waxbarashadaas si ciddii ku guulaysata loo qaado.

 

Ardaydan oo koox-koox ugu soo noqday Somaliland ayaa 17-kii arday ee ugu dambeeyay loo diiday inay ka baxaan Hotel-kii ay  Muqdisho ka degenaayeen,  iyadoo loo qabsaday Kharashka lagu yeeshay muddo lix bilood ah oo ay Hotelkaasi ku jiraan oo Jiif iyo cuntaba isugu jiray.

 

Lacagta ardaydan loo qabsaday oo gaadhaysa in ka badan Toddoba iyo Toban kun oo Dollar ($17000) ayaa xaqlaha hudheelku sheegay in dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya uu ku dallacay maadaama oo markii hore ay iyadu ardayda soo dejisay Hotelka.  Qaar kamid ah ardayda kasoo noqotay Muqdisho oo haatan Hargeysa Jooga ka warramay arrintan, “Markii hore ee aanu tagnay dawladda ayaa na qaabishay  oo tidhi jiifkiina iyo cuntadiinaba annaga ayaa qabna ee hudheelkaa degga, bilihii hore kharashka waa ay naga bixisay  laakii intii dambe wax lacag ah nagamay bixin”. Sidaa ayuu  yidhi Xamse Carab oo ka mid ahaa Ardayda madax furashada loo qabsaday balse aakhirkii damiin ahaan kaga soo baqoolay Muqdisho, waa kan mar kale isaga oo faahfaahinaya sida xaalku noqday “markii aanu damacnay inaanu soo baxno  Ninkii Hudheelku wuxuu yidhi iga bixi maysaan illaa lacagtaydii aad I siisaan, taas bedelkeeda Shahaadooyinkii ayuu naga ururiyey, qaarkoodna waxa lagu soo daayay Damiin, qaarna way ku hadheen”.

Axmed Ibraahin Cismaan oo isaguna kamid ah ardayda toddobada ah ee ku hadhay Hotel-ka Muqdisho ku yaalla ayaa dhiniciisa sheegay in wasaaradda waxbarashada ee dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya  ay ahayd cidda ballan qaadyada ugu badan siisay nolosha ardaydaasi.

Hase yeeshee Wasiirka Waxbarashada ee TFG Axmed Caydiid Ibraahin  la weydiiyay sababta ay u fulin waayeen ballanqaadyada ardaydaasi ayaa ku tiiqtiiqsaday masuuliyadda ka saran, isaga oo ku dooday in duruufaha jira ku khasbayaan ardayda inay xanibnaadaan ilaa wax loo helayo “xataa haddii ay annaga nala joogaan  waxay ka mid yihiin umadda Soomaaliyeed ee xamar joogta oo duruufta lagu jiro  ayuun bay marayaan, wax gaar ah oo loo qaban karanaa ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Advertisements

Kooxda Khaatumo oo 4 Qof o ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ka Afduubay Deegaanka Sool-joogto & Shuruuda ay Soo Dayntooda ku xidheen

Buuhoodle- (Hubaal)- Koox Maleeshiyo Reer Buuhoodle ah ayaa shalay galab ka Afduubay  deegaanka Sool-joogto ee kulaalaya Buuhoodle  5 Nin oo u dhashay beesha bariga Burco, kuwaas oo ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee deganaa agagaarka fadhiisimida Ciidamadda Qaranka Somaliland laga soo raray todobaadkan.

 

Kooxda malleeshiyada Afduubka u kaxaystay raggaa, ayaa wararka ka imanaya deegaanku sheegayaan inay wateen gaadiid dhawr ah oo ahaa nooca gaashaaman ee loo yaqaan Tignikada, waxayna raggaa u kaxaysteen dhinaca Buuhoodle.

 

Ma jiraan wax war ah oo si cad sheegaya sababta ay kooxdaa malayshiyada ahi u afduubeen raggaa, iyadoo xaalad colaadeed oo muddo ka taagnayd deegaankaas la filayay in lasoo afjaro, Kadib markii ay xukuumadda Somaliland dhowaan heshiis la gashay hoggaamiyihii kooxda SSC ee dagaalka ka waday halkaa iyo Odayaal deegaanka ah, kuwaas oo dalbaday in loo sii daayo maxaabiis dagaalo hore lagaga qabtay, isla markaana fadhiisimo ciidanka qaranku ku lahaa dib looga soo qaaday. Kadib markii ay hogaamiyaha kooxda SSC iyo Odayaasha la socday ku doodeen in ceelashii biyaha ay ciidamada qaranku ka dhigteen fadhiisimo. Sidaana lagaga soo qaaday aagagii ay ciidamadu ka fadhiyeen oo dib loogu soo raray dhinaca Qorilugud oo aan ka fogayn Buuhoodle.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya inay Dablayda Afduubka samaysay raggaa la tageen magaalada Buuhoodle oo ay ku hayaan, iyagoo ku doodaya in loo sii daayo Nin lagu magcaabo Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac-Kuutiye) oo ahaa hogaamiyihii koox falal argagixiso hore uga fuliyay Somaliland oo sanadkii 2002 – 2003, balse sanadkii  2004, lagu qabtay magaalada Doqoshey isaga iyo kooxdii uu watay. Kadib markii ay duleedka Hargeysa ee Tuulada Dhubato ka sameeyeen falal dilal iyo Afduub ay u geysteen shaqaale Ajanibi ah oo ka socday hay’adda jarmal ah oo lagu magcaabo GTZ. Jaamac Kuutiye balse markii ay maxkamadi ku heshay falalkaa aragagixiso lagu riday xabsiga, isla markaana uu fashilmay qorshe ay koox ka tirsan Al-shabaab 2005, ku doonayaan inay xabsiga hargeysa kala baxaan Jaamac Kuutiye iyo kooxdiisa.

 

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin arrinta Afduubka muwaadiniintaa oo ay wararka qaar sheegayaan in lagu hayo guri ku yaal Koonfurta magaalada Buuhoodle ee dhinaca Ethiopia raacsan, balse wararka qaar ayaa sheegay inuu xukuumadda Somaliland kala soo xidhiidhay arrintaa Saleebaan Xalo-toosiye oo uu sheegay in lasoo deynayo raggaa oo arrinta isaga loo daayo, isagoo la kaashanaya Odayaasha dhaqanka ee deegaanka, iyagoo ku dooday inaanay arrintaasi saamayn ku yeelanayn  dedaalka nabadeed ee laga waday deegaankaa. Sidaa awgeed iyaga laga sugo jawaab.

Isra’il oo ku Duulaysa Iran iyo Jawaabta Dalkaasi ka Bixiyay

 

Tehran-(Hubaal-W/wararka)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Israa’iil Mr Benjamin Netanjahu iyo wasiirkiisa difaaca Ehud Barak ayaa ku hanjabay in dagaal aan waqtigiisu dheerayn ay ku qaadi doonaan xarumaha lagu tayeeyo hubka Nukliyeerka ee dalka Iiraan, inkastoo ay Maraykanka iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Israaiil ay ka soo horjeedaan in xilligan dagaal lagu qaado dalka Iiraan.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa isla markiiba  jawaab adag ka bixisay hanjabaadaasi.  Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibeda  ee  Ramin Mehman parast ayaa shalay saxaafadda u sheegay in hanjabaada Israaiil tahay mid afka baarkiisa ah oo aan gundhig lahayn.

Waxay ahayd toddobaad ka hor markii madaxda sare ee Isreal ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka bixin doonan dhawaan tayaynta barnamijka kobcinta nuclear Wadanka Iran, Isreal ayaa waxay ku doodaa in ay xaq u leedahay in ay iska difacdo wax alle wixii halis galin kara jiritaankeeda.

Wasiirka difaca ee Iran General Ahmed Vahidi ayaa u sheegay wakalada waraka ee ISNA in hadalka Raysal wasaraha Isreal iyo Wasiirkiisa gaashandhiga MR Ehud Barak ay yihiin hadalo daciifnimo ah oo laga xishooda,

Maaha markii ugu horeysay ee Isreal hanjabad noocan oo kale ah ay hawada usoo mariso jamahuuriyada Islaamiga ah ee Iran

Reer Buuhoodle oo soo faqay Meydad ay ku Carqaladaynayaan Nabadii Somaliland u Darbanayd

 

Buuhoodle (Hubaal)-  Maamulka Khaatumo iyo dadweyne ka soo hor jeeda Heshiiskii Saleebaan Xagla toosiye  iyo Xukuumadda Somaliland wada galeen ayaa shalay soo foqay Meydad ku duugnaa Deegaankii ay Ciidamadda Somaliland ka soo guureen ee Meygaagle.

Kooxahan oo hurinaya Fidmo hor leh oo raxan raxan isku watay ayaa qaylo dhaan kula dhex dhacay dadka Reer Buuhoodle, kuwaasoo ujeedadoodu tahay sidii ay u xagal daacin lahaayeen dariiqa Nabada ee ay Somaliland mar walba Tanaasulka ugu samaynayso dadkeeda.

Dabka ay kooxahaasi hurinayaan iyo fidmada ay aloosayaan ee ay mar marinayaan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa u muuqda kuwo looga dan leeyahay oo kaliya in mar kale la abaabulo Durbaan Colaadeed oo ay dad kale ku baxaan, halkay ka ahayd in Tallooyinkii Nabadoonadii Somaliland ay wax isla meekl dhigeen ay qaataan.

Ma cada wali Kooxahaasi fidmada ay wadaan halka ay gaadhsiisan tahay hase yeeshee wararka  aanu ka helayno aaggaasi  ayaa sheegaya inay Deegaanka oo dhan gaadhsiiyeen Durbaan Colaadeed oo loogu aargudo Meydadkaasi ay dib u soo faqeen ee ay wax ma garatada ku Beer laxawsanayaan, Hase yeeshee waxa muuqata inay is ilow siinayaan khasaare mar kale Curtaa inaanay Dani ugu jirin Dadka deegaankaasi oo ay Colaada ka fiican tahay dariiqa la hayo ee Nabadu.

Haddii ay sida ay soo bandhigeen dhab ka tahay oo ay Meydadkaasi heleen iyada oo aan la Aasin waxa ay arrintaasi noqonaysaa mid ku xun Diinta iyo Dadnimada oo dul taala Ciidankii ka soo guuray Deegaankaasi, haddiise ay tahay ku xumee Nabada waxay noqon doontaa mid ay masuuliyadeeda qaadi doonto cidii Maleegtay Fool xumadaasi.

“Hantidharka Guud, Wax kasta oo uu Qaban lahaaba waa nin ka Baqaya Warqada Buluuga ah” Maxamuud Raage Ibraahim-Agaasimihii Is Casilay ee Wasaaradda Khaarijiga

“Madaxweyne Axmed, Taariikhdaba dib uma Eego, Buugiisana  Kuma Jirto In Abaalka la Gudo.Wuxuu Dadka ugu Necebyahay kuwa waqtiga Adag kala soo dabaashay”-

London- (Hubaal)- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibbeda iyo Xidhiidhhka Caalamiga ah ee Somaliland Maxamuud Raage Ibraahin  ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bilowday habdhaqan la mid ah kii taliskii Maxamed Siyaad, isla markaana ciddii ka hor timaada Baro-bogaandaheeda ay car juuq dheh ugu hanjabto, isla markaana ciidamada amaanka u adeegsato Siyaasiyiinta ka fallaagooba.

Maxamuud Raage, oo farriin qoraal ah kasoo diray magaalada magaalada London oo uu  haatan ku sugan yahay, waxa uu ka hadlay baadhista hanti dhawrka guud ka wado wasaaradda warfaafinta oo uu sheegay inaanu u madax banaanayn hawlihiisa, kana baqo qabo in runtu galaafato xilkiisa haddii uu runta sheego.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku xusay Xoghayihii Maalliyadda ee Xisbiga KULMIYE waqtigii uu mucaaridka ahaa Maxamed Cabdi Iskeerse oo uu sheegay in uu geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii Md. Siilaanyo Kurisga u fuuli lahaa, balse Abaal looga dhigay in  Duqu  ka tirtiro buugiisa xusuus qorka.

Amuurahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa Maxamuud Raage Ibraahin kaga hadlay Qoraal dheer oo uu u qaybiyay warbaahinta xalay, waxana qoraalkiisu u dhignaa sidan: “Salaanta islaamka ka dib,  Ma jecli in aan arrimihii aan hore uga hadlay dib ugu noqdo, waayo xiiso badan ma laha, waxaa dhammaantiin aad ka markhaati kacaysaan Wasiirro iyo shaqaalle isku riix-riixaya musuq baahay, Waxaan ka dheehanayey maalmahan danbe Hantidharka Guud oo dhex miranaya Wasaarado , runtii ninkaasi wax kasta oo uu qaban lahaaba, waa nin ka baqdin qaba warqada Buluuga ah ee sida daadka uga soo burqata Madaxtooyada Qaranka Somaliland, Taasoo runtii ku noqotay Murug aad u weyn Madaxda Reer Somaliland, Waxaan maalin la kulmay Wasiiradii Xilka laga qaaday mid ka mid ah , Waxaan ku idhi Wasiir Hebelow iska Samir waan ogahay oo waxba maad dhimine, Inta uu qoslay ayuu waxa uu igu yidhi (Agaasime Maxamuud Warqadan waxa aan haystay 8 bilood ka hor , waayo maalin walba dhalinyaro ayaa ii sheegi jirtay in wiigan soo Socda Lay eryayo. Runtii arinkaa aad baan uga damqaday waxaan ku sameeyey Baadhid , Runtii arinkaasi waxa uu ahaa xaqiiq.).

Dawladda maanta jirtaa kama duwana tii Sideedtameeyadii (1980) ka jirtay Villa Soomaaliya. Haddaad i is tidhaahdo inyar wax toosi , waxa uun jawaabta ugu badan noqon waa lagu xidhayaa, bal rag xigmad kama dhamaatee Ciiddanka Qaranka/Booliska Somaliland,  Ma waxaa loo sameeyey ninkii Dalka Denbi ka gala, mise Siyaasiyiinta in loogu Cago-jugleeyo ayaa loo sameeyay?. Taas waxan kaga jawaabi karaa uun gabaygii Caanka ahaa ee Gudgude ee Hadraawi tiriyey 1990-kii:

 

“Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala’e
Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin
Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane
Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan
Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin.
Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan,
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta,
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey.”

 

Haddaba, Haddaan dib u jeedaaliyo waayihii KULMIYE,  Waxaa Qalbigiina dib u xasuusaneysaan Maxamed Iskeerso, ninkii guryihiisa Xaraashay, ninkii kabuhu kaga idlaadeen safar iyo in uu magaalada Hargeysa caruurta shiriyo, Waxa aan xasuustaa Habeen Xaflad Dhalinyaro qabsatay oo uu Kaadh Martiqaad (Invitation) ii dhiibay, waxa uu taagnaa Hotel Imperial hortiisa. Waxa inoogu danbeysay markii KULMIYE Guulaystay, diba laysma weydiin, Bukaan jiif ayuu ahaa markii warkiisa iigu danbeysay, Rabbow Caafimaad sii waa Ramadaan’e, Gudoomiye Maxamed Kaahin baa la cararay oo dalka ka dhoofiyey, Madaxweyne Axmed Maxamed, ma Yaqaannaa Ninkaas?, Maya, Maya, Maya, Taariikhdaba dib ba uma eego, Buugaagtiisa kuma jirto kelmada Abaalka in la gudo. Waxaanba is idhaahdaa waxa uu dadka ugu neceb yahay kuwa waqtiga adag kala soo dabaasha, Yaabay!!!!!!!!.

Hadda ma foga Maalintii Hotel Mansoor Xaflada aynu ugu qabanay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, kelmaddii uu yidhi waxa ay ahayd:  Axmedoow (Madaxweyne Siilaanyo),  horaa lagaaga hiiliyey’e Maanta ku seexo dib lagaaga hiilin maayo, Maalintaa Gaboose waxa uu ahaa nin Reer Kulmiye Amaanaan oo ay jecel yihiin, waxa uu ahaa Guddoomiyihii Gobollada Bari, in badan baan wada Safarnay,  Shaqo Xisbi iyo Mid Qaran waan la wadaagay , Waa nin karameed Ballanta oofiya haddii lala Ballamo. Waar Raggoow Taariikhda dadkaa ka markhaati kacaya ee Rabbi halaga Dhawrsado, Qabyaalad sharaf ma leh.

Adiguba ka taliyoo haddii aniga oo kusoo dhaweynaya, ku karaamaynaya , kuu aqaan Hogaan iyo Abti, oo aan dhabarka beelo oo gaadhi ila rogmado, markii rabbi iga kiciyey ee aad guulaysatay, Maxaad iga yeeli lahayd, ma waxaad igu odhan lahayd waxa uu doonayo ayuu iga waayey, Tan xagee garteeda lagu qaadayaa? Allow na sama bixi waa na sidataaye.

Illayn loo dhamaan maayee raga qaarkii haba dhaxalaan tacabka rag u soo dhintay, nasiibkuba waa wax jira’e, laakiin ayaan daro waxaad moodaa in ay license ay u qaateen si ay xoolaha qaranka iyo umada reer Somaliland ugu dhici lahaayeen qalin,  Runtii Wasiiradeenu ha ogaadan in RABBI arsaaqada, iyo sharaftaba bixiyo iyo in Cadaalad Darro, Musuq, iyo umadda loo dulmiyaa aanay marnaba sharaf noqonayn, Xoolaha maanta loo qaatay qalinka ee la dhacayo, sidaan hore u sheegay waxaa iska leh oo ay tahay cashuurtii islaamaha Hilibka , Sigaarka iyo qaadka Shaarica ku iibiya, Waxa ay u bixiyeen in Dalka lagu difaaco, Dadkooda loogu sameeyo Adeeg Guud, sida iskuulo, Goobo Caafimaad, Wadooyin iyo wixii la halmaala.

Waxaan kusoo afmeeraya Gurta inta aad joogtaan , Somaliland waa il biyo leh oo gudhi mayso , Ragna dabadiin waa u soo kacayaa, Waxay yididiilo I gashaa marka aan arko Kumaankun hablo iyo wiilal ah oo Jaamcadaha Dalka u kala foofaya, Kuwaas Allow ka badbaadi Cudurkan galay rag ka mid ah madaxdeena ee ku dhacaya marka ay kursiga Fadhiistaan, ka horna ay ka badqabaan.
Waxaan idinku dardaarayaa inaydaab Ninna Xaq-darro  ku taageerin, Dalkana inoo dhawra oo yaan marnaba Sharciga Gacanta lagu qaadan, nimankani mudday leeyihiin oo xaga Rabbi baa laga qoray, laakiin Runta aynu sheegno ninkay dhibtow yeelkadaa.

Waxaan ka cudur daaranayaa in ay dawlada ku jiraan rag/dumar badan oo qiimo badan oo aanu wanaag ku tuhmayno, laakiin ma awoodaan in ay wax ka qabtaan arrimaha ay ummadda reer Somaliland ka muujiyeen dareenkooda oo ah Musuqmaasuq baahay, Cadaalad Darro, Dulmi, Caga-juglayn, cabudhin iyo hoggaan xumo sadhaysay Maamulka maanta jira.” Sidaa ayuu Qoraalkiisa ku soo gebogabeeyay agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah Maxamuud Raage Ibraahim.

“Waxaan ahay mashquul ee kollayga ha iga ridin, waxa bilaabmay Maalmihii dadka waaweyn aanu u adeegaynay”

 

 

Hargeysa-(Hubaal)- Saxmad iyo cidhiidhi ayaa ka jira suuqyada magaalada Hargeysa tobankii maalmood ee u dambeeyay bishan barakaysan ee Ramadaan. Waxa si weyn carruurta loogu iibinayaa dharka Ciida, waana badeecada kaliya ee maalmahan suuqeedu xaamiga yahay.

 

Kumanaan waalidiin ah oo rag iyo dumarba iskugu jira oo wata carruurtoodii ayaa mashquuliyay jidadka cidhiidhiga ah ee faras-magaalaha Hargeysa, kuwaasi oo doonaya inay dharka munaasibadda Ciidul fidriga u iibiyaan si ay uga farxiyaan dhalaankooda. Suuqa Waaheen waxa meheradaha Bacadluhu ay keeneen dhar aad u qurux badan oo laga soo waariday dunida carabta gaar ahaan wadanka Imaaraadka Carabta. Waxa suuqani shaqeeyaa maalmihii u dambeeyay illaa niska dambe ee habeenimo. “Waxaan dareemayaa cidhiidhi, waxaan aaminsanaa in habeenkii uu suuqu firaaqo noqon doono, sidaasi ayaan u imid suuqa caawa si aan u ciidsiiyo oo dhar iyo kabo ugu iibiyo afar carruur ah oo aan dhalay,”ayay tidhi Hooyo Xaali Cismaan Cabdi oo ah 53 jir daadihinaysay afar carruur ah oo sadex ka mid ahi hablo ahaayeen oo aanu kula kulanay suuqa dhexdiisa iyada oo ku mashquulsan dharka ciidda ee carruurteeda ay u iibinayso. Hooyo Xaali oo noo sheegtay inay ka mid tahay bulshada dabada dhexe dhaqaale ahaan waxay intaa ku dartay inay la yaabtay dharka carruurta oo sanadkan qaali ku ah suuqyada Hargeysa, waxaanay sheegtay inay afartaasi carruurta ah oo laba ka mid ahna ay kabo ugu dartay  ku joogaan lacag dhan 120 dollar. “Waxa sanadkan Bacadluhu ay wax ku iibinayaan qaali waxaana qaaliyoobay dharka carruurta waana mid ay laasimeen Bacadleyaashu xilligan oo kale sanad walba,”ayay  raacisay Hooyo Xaalli.

Labadii habeen ee u dambeeyay waxa suuqa Waaheen soo galay oo dhar iyo kabo ka iibsanayay dadka waaweyn rag iyo dumarba. “Waxaan ahay mashquul ee wakhtiga ha iga qaadin kollaygana ha iga ridin. Suuqu wuu wanaagsan yahay waxaanu ku gudo jirnaa maalmihii u dambeeyay ee Bisha ramadaan. Carruurta waxaan odhan karaa 75% bilowgii iyo badhtamihii bisha ayaa loo iibiyay dharkii Ciida, maalmahan waxa bilaabmay dadka waaweyn oo aanu runtii u adeegayno. Waad arkaysaa dharka iyo kabaha quruxda badan ee meherad walba yaala,”ayuu si deg-degsiimo ku jirto ugu tiraabay Baashe Ibraahim Ciise oo ah mulkiilaha meher bacadle ah oo ku taalla badhtamaha Suuqa.

 

Suuqyadda magaalada Hargeysa ayaa tobankii maalmood ee u dambeeyay ee bishan Ramadaan laga dareemayay samxad weyn, waxaanay suuqyadu furan yihiin illaa niska dambe ee habeenkii, iyadoo ay suuqa bacadluhuna uu yahay mid xaami ah oo dadweynuhu si la yaableh uga adeeganayaan.

 

Waddooyinka ku gadaaman suuqa Waaheen ayay ciidanka Nabad-gelyada wadooyinku la tacaalayaan inaanay Gaadiidku marin si ay uga hor-tagaan si shilal khasaare dhaliyaa uga dhicin.waxa kale oo agagaarka suuqa Hareysa si uga ganacsanaya Ganacsatadii bagaashleyda ahayd ee badhtamihii sanadkan dawlada Hoose ee Hargeysa ka rartay jidka wadnaha ee badhtamaha Hargeysa, waxaanay badeecadahoodii ku dul iibinayaan Kaaryooneyaal ay la guur-guurayaan. Waxay iibinayaan dhar, qalabka carruurta lagu ciyaar siiyo iyo kabo.

 

Sidoo kale, suuqa labaad ee caasimada oo ah suuqa Gobonimo ee ku yaala Idaacada Radio Hargeysa ayaa isna camiran oo si weyn looga dukaansanayaa.

 

Geesta kale, Meheradaha Cosmatic-yada ayaa iyaguna aad looga iibsanayaa kiriimadda iyo dawooyinka haweenku isku qurxiyo, dharka iyo kabaha. Waxaanay meheradahani badeecadahooda ku gadayaan qiime ka sareeyan kan suuqyada bacadlaha.

Waxa kale oo iyana aad u mashquul ah xawaaladaha lacagaha laga xawilo oo shaqeeya illaa xiliyada dambe ee habeenkii si ay dadweynuhu uga soo qaataan lacagaha ay eheladooda qurbo jooga ahi u soo diraan.

Shirku saabsan Aayo ka Tashiga Umadaha iyo kala Go’a dawladaha: Is barbardhig lagu sameeyay Koonfurta Sudan iyo Somaliland.

Shir ku saabsan Kala Go’a Dawladdaha oo Somaliland Badheedhaheeda ka Dhiibatay

 

Jubba-(Hubaal-w/wararka)- Shirku saabsan Aayo ka tashiga Umadaha ( Self-determination ) iyo kala Go’a dawladdaha, isla markaana  Is barbardhig lagu sameeyay Koonfurta Sudan iyo Somaliland  ayaa lagu qabtay Jaamacada  Jubba ee Koonfurta wadanka Sudan.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Jubba University iyo Machadka Cilmi baadhista ee ku yaala dalka Sweden ee loo yaqaan  The Nordic Africa Institute. Waxa ka soo qayb galay khubaro ka kala yimi meelo badan oo dunida ah oo ay ka mid yihiin Koofurta Sudan, Koonfur Africa, Maraykanka,  Nigeeriya, Itoobiya,  Sweden,  Kongo, D Jibouti   iyo  Somaliland.  Waxaana laga soo jeediyay Cilmi baadhis la soo diyaariyay oo ka hadlay xaqa aaya ka tashiga iyo kala go’a dawladaha,  iyada oo si weyn la isu bar bardhigay Somaliland iyo Wadanka Cusub ee Koonfurta Sudan.

Somaliland waxa uga qayb galay Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka soo jeediyay Cilmi baadhis uu ka qoray Midnamadii Burburtay ee Somaliland iyo Somalia iyo doonidii mushkilada lahayd ee  Shantii Soomaaliyeed.  “The Failed Union of Somaliland and Somalia and the Tragic Quest for ‘Greater Somalia”  iyo Adam Xaaji Cali Axmed, oo ah Macalin sharciyada iyo Cilmiga Nabada ka dhiga Jaamacada Hargaysa, ahna Hormoodka Machadka Barashad Nabada iyo xalinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargaysa, waxanu halkaas  ka  jeediyay Cilmi baadhis uu qoray oo  ku saabsan “Caqabadaha ka hor yimi in Somaliland ku guulaysato Ictiraaf ay ka hesho beesha caalamka iyo Sida ay Somaliland uga gudbi karto “Somaliland: The Challanges of Winning International Recognition and its Prospects”