Warbixin Maxamed Kaahin ku Xidhiidhisay Sababo Madaxweynuhu Xilka kaga Xayuubiyay Taliyihiisii Ciiddanka Qaranka

Milicsiga goddobo Siyaasadeed oo Maxamed Kaahin Ka Tirsanayo Col. Maxamed Jidhif, Waqtigii Xukuumaddii Cabdiraxmaan-tuur oo ay Xilal ka hayeen.

Hargeysa ( Hubaal ) – Wargeyska Bullatiinka ee “The Indian Occean Newsletter” ayaa wax ka qoray sababta Madaxweyne Siilaanyo Xilka uga qaaday taliyihii hore ee ciiddamadda qaranka Somaliland Col. Maxamed Xasan Cabdillaahi Jidhif oo Xilka hayay muddo bilo ah.

Wargeyskan oo ka soo baxa Wadanka Faransiiska kana mid ah wargeysyadda arrimaha Afrika wax ka qora ayaa Cadadkiisii (ION 1323) waxa uu boggiisa hore ku daabacay warbixin kooban oo uu kaga hadlayo asbaabihii horseeday in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Xilka ka qaado Taliyihiisii Ciidanka Qaranka Col. Maxamed Xasan Jidhif  horraantii bishii February ee Sanadkan. Waxana  warbixintu tilmaamtay inuu eriga Korneylkan uu si daalacan ugu lug lahaa Col. Maxamed Kaahin Axmed oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbul-xaakimka KULMIYE balse wakhtigaa aan wax xil ah ka hayn xukuumadda, laakiin wargeysku  sida  uu qorey awood ku leh xukuumadda Madaxweyne Sillaanyo Hoggaamiyo.

Warbixinta oo ahayd mid kooban waxa ay  nuxur ahaan taabanaysay in Xilka qaadistani qayb ka ahayd goddobo siyaasadeed oo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee KULMIYE ka tirsanayo  Taliyaha Ciiddanka Qaranka Col. Jidhif, tallaabadanina noqonayso midi labaad ee Maxamed Kaahin faro gelin ku sameeyo iyada oo hore uu qayb uga ahaa Digreetaddii uu Madaxweynuhu Ku Caydhiyay Nuux Ismaaciil Taani, Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka.

Col. Maxamed Xasan Cabdillaahi Jidhif oo xilka kala wareegay taliyihii ka horeeyay ee ciidanka qaranka Col. Nuux Ismaaciil Taani, dabayaaqadii bishii December ee kal hore, ayaa noqonaya taliyihii ugu muddada gaabnaa ee soo mara ciiddamada qaranka iyada oo waqtiga la magacaabay iyo marka xilka laga qaaday ay u dhaxaysay oo kaliya laba bilood sida ku cad wargeyska the Indian Ocean  Cadadkiisa (ION 1323).

Haddaba Marka laga yimaado Warbixintan waxa hore u jiray Khilaaf u dhexeeya labadan Sarkaal oo Xil ka wada hayay xukuumaddii u horeysay ee Marxuum Cabdiraxmaan Tuur markaas oo ay isku dhaceen Col. Kaahin oo Wasiirka Gaashaandhiga ahaa iyo Col. Jidhif oo ahaa Taliyaha Ciidanka Nabadgelyadda  kuwaas oo wasaaradda Difaaca ka madax banaanaa isla markaana toos u hoos iman jiray Madaxtooyadda.

Waxaana Dhacday in waqtigaasi ay isku dhaceen labadan Masuul kadib Markii Col. Maxamed Kaahin uu dalbaday  in Ciidanka Nabadgalyadda la hoos keeno wasaaraddiisa, laakiin Madaxweynuhu ka diiday,  arrintaasina ay horseeday in xilka is rusqeeyo maadama oo qayb kamid ah ciidamadda laga hoos saaray.

Qoddobka Xusida mudani waxa uu ahaa markii magaaladda Berbera weerarka lagu qaaday sanadkii 1992-kii, taas oo Taliyihii ciidanka qaranka ee   waqtigaas  Xasan Yoonis Habbane xabsiga dhigay Maxamed Kaahin oo ayaamahaa xilka iska casilay, Kadibna Madaxweyne Cabdiraxmaaan Tuur Amar ku siiyay Col. Jidhif (Taliyaha ciidanka Nabadgalyadda)  in Xabsi Guri ku hayo halkaas oo bil iyo dheeraad uu ku xidhnaa, iyada oo aan wax maxkamad ah la saarin, kadibna la sii daayay. .

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s