UCID Vs Abaaraha: Waxaa halaag iyo dhib u sugnaatay, kuwa xoolaha Ummadda sida fudud u qaadanaya, If iyo Aakhirana ma liibaani doonaan

Hargeysa ( Hubaal ) – Xisbiga Mucaaradka ah ee  UCID ayaa Bulshada ugu baaqay in Fadliga bisha  ramadaan loogu gurmaddo dadka iyo duunyadda ay tabaaleeyeen abaaraha kulul ee ka jira gobollada dalka qaarkood.

 

War-murtiyeed uu soo saaray xog-hayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan (Mingiste) ayaa lagu sheegay qaylo dhaan loo dirayo qaybaha bulshada, Hay’addaha samo-falka iyo ganacsatada dalka kuwaas oo loogu baaqayo inay ka qayb galaan gurmadka abaaraha baahsan ee saameeyay gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil.

War-murtiyeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan: “Xisbiga UCID  waa  Xisbi u taagan cadaalada iyo daryeelka Ummadda reer Somaliland,waa Xisbi la qaybsada Shacabkiisa dhib kasta oo la soo gudboonaata sida aad  marar hore oo badan markhaati uga tihiin waxaana ugu dambaysay gurmadkii iyo baaqii  Musharaxa Xisbiga UCID ee  Gobolada Galbeedka  Somaliland.

Sida aad la wada socotaan ,waxaa lagu guda jiraa bishii  barakaysneyn  ee RAMADAAN,bishii naxariista iyo isu gargaarka.

  • Madaama ay jiraan ABAARO kulul oo xilligan lagaga soo qayliyey gobolada Salal—Awdal iyo Saaxil,kuwaas oo laga cabsi qabo in ay dhibaato weyn gaadhsiiyaan dadka  iyo duunyada ku dhaqan goboladaas.

 

  • Madaama ay  jiraan Caruur  aad u fara badan ,oo isgu jirta qaar ku jira xarumaha  AGOOMAHA iyo DERBI JIIF(DAN YAR),kuwaas  oo iyana la sheegay in ay ku jiraan xaalad adag,una  baahan in loo gurmada fadliga bisha RAMADAAN awgeed.
  • Madaama  ay jiraan  dad fara bada oo  xanuuno kala duwan u jiifa CUSBITAALADA dalka,una baahan in in loo gargaaro fadliga bisha RAMADAAN  awgeed.
  • Madaama ay jiraan MAXAABIIS  fara badan oo ku xidhan Xabsiyada(Jeelasha) ,una baahan in loo gargaar bisdha khayrka badab ee RAMADAAN.
  • Madaama ay jiraan dad aad u fara badan oo  DANYAR ah,kuwaas oo ay ku adag tahay in helaan nolol maalmeedka caadiga ah.

Haddaba madaama ay jiraan dhamaan xaaladaha adag ee aanu kor ku soo sheegnay, xilligan lagu jiro bishii RAMADAAN ee khayrka iyo sharafta badneyd ,waxaanu halka  baaq samafal uga soo jeedinaynaa guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan inta uu baaqani sida tooska  ah ugu socdo, anagoo   si  xushamad iyo naxariis leh uga  codsanayna in ay GURMAD IYO TAAKULO  deg deg ah  la soo gaadhaan dhamaan qaybaha  Bulshada ee aanu  sida gaarka ah ugu xusnay BAAQAN SAMAFALKA AH.

 

Dhamaab  Xafiisyada Xisbiga UCID ee  Gobolada iyo Degmooyinka  Somaliland ,waxaa lagu wargelinayaa in ay ka qayb qaataan gurmadkasta oo lagu badbaadinayo guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaan  dan yarta iyo inta jilicsan.

Waxaa  halaag iyo dhib badani u sugnaatay, kuwa xoolaha Ummadda sida fudud u qaadanaya, Ifka iyo Aakhirana ma liibaani doonaan, mana badbaadi doonaan”. Ayaa lagu soo gunaanaday war saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan (Mingiste).

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s