Maxay Xukuumaddu Ku Macnaysay Weerarkii Lagu Qaaday Ciiddamada Qaranka ee Aagga Sool-joogto?.

“Iyadoo Mar walba Dheguhu noo Furan yihiin Qoloba Waxbay ku Diirsataa ee Xaasha’e Annagu…..”-Wasiirka Gaashaandhiga

Hargeysa( ) Xukuumadda Somaliland ayaa Ka hadashay falkii Malleeshiyaadka Khaatumo habeen hore ku arbusheen fadhiisinka ciiddanka qaranka ee jiidda Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga  Somaliland  Axmed X. Cali Cadami ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay cadho ka dhalatay go’aankii uu hoggaamiyihii Kooxdaasi Saleebaan  Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) heshiis-nabadeedka kula qaatay Madaxweynaha Somaliland,si loo soo afjaro colaada muddada ka aloosnayd aaggaas.

Mr. Cadami, waxa uu  caddeeyey in xubno ka tirsan maleeshiyaad nabad diid ah ay meel dhowr KmM u jirta  fadhiisinka aagga Sooljoogto rasaas ka soo rideen taasoo isla markiiba Ciidanka Qaranku ka jawaabeen. “ciidanka qaranka ee jiidda iyaga oo awalba la socday (weerarka) jawaab bay ka bixiyeen, jawaabtuna mid hadal maaha ee wixii lagugu soo tuuro mid la mid ah baad ku tuuraysaa” ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo shalay warbaahinta uga warramay dhacdadaasi, waxaanu intaa ku daray “nasiib wanaag labada dhinac midna wax khasaare ah (Casualties), dhibaato iyo wax dhaawac ah midna kama ay iman waxa laysku soo tuurtuuray, laakiin waxa la sheegayo iyo ciidamo la soo dul degey ma jiraan. Ninkaa odayga ah ee  Saleebaan Xaglo-toosiye markuu yimi oo uu ra’yigiisa cabiray   dareen ka yimi buu ahaa, qolo waliba diyaar bay meesheeda ku tahay, beryahan dambese tuurtuurkaasi oo kale ma dhicin laakiin kan dambe nabad ku dhawaaqistaa cadho ka dhalatay bay ahayd”.

Wasiirka gaashaandhigu waxuu sheegay in Somaliland ay u taagan tahay adkaynta iyo taageerada cid kasta oo ka shaqaynaysa nabad ku wada noolaanshaha dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan. “iyadoo sidaas ah ballo ayaa dhacday iyo xabad baa dhacday baa qoloba ku faraxdaa ee annaguna iyadoo mar walba dheguhu noo furan yihiin oo xidhiidhkii iyo telefoonnadii noo furan yahay kuwo ku faraxda ee ku diirsata Xaasha’e ma nihin, umaddu waa isla umaddii, waxananu jecelnahay wax waa dhacaane in inta la isu tago lagu dhameeyo nabad”.

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s