“Horta Gaadmo iskumaynu ogayne waad i gaadeen, Warkiin-na waan la Socday”-Saleebaan-Gaal oo Ka Qosliyay Dadkii soo Dhaweeyay

 “Waxaan rajaynayaa in Arrintaasi (Wada-hadallada) ay soo dhawayso Ictiraafkii, Hadday doonaan waxba yaanay ina siinine”

Hargeysa ( Hubaal) – Guddoomiyaha  Golaha  Guurtida Somaliland  Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa wada-hadalladii dhexmaray madaxweynaha Dawladda Somaliland iyo dhiggiisa  maamulka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya  ku sifeeyay mid meesha ka saaray cabsi laga qabay shirar qaranimadeena khuseeya oo ay  Somaliland hor fadhiisato Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo shalay Saxaafadda ugu Warramay Madaarka Berbera, waxyar ka dib markii uu ka soo laabtay Socdaal Caafimaad oo uu  muddo laba sannao ah  ugu maqnaa wadanka  Ingiriiska, waxa uu sheegay in muddadii uu maqnaa aanu war ku seeganayn dalka iyo marxalada uu marayo, xukuumadda iyo golayaasha kala duwan ee qarankuna si wanaagsan u wadaan geediga dawladnimo.

Saleebaan-Gaal waxa uu u mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay isaga oo si kaftan ah hadalkiisa ku bilaabay weedho uu ku cabirayo masuuliyiinta madax iyo minjo leh ee soo dhaweeyay iyo  qaabka loo soo agaasimay soo dhawayntiisaba “Horta Salaamu calaykum, gaadmo-na iskumaynu ogayn  waad i gaadeene,” ayuu yidhi guddoomiyuhu waxaanu intaa ku daray “Guurtidii oo  dhan,  dawladdii, duqii magaalada (Berbera) iyo kii gobolkaba, xildhibaano kale iyo  odayaashiiba. warkiina waan la socday”.

Guddoomiyaha Guurtida  waxa uu dareen yididiilo leh ka muujiyey  Siyaasadda ay xukuumaddu ku hoggaamiso dalka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa golayaasha “dalkii iyo dadkiiba waa wanaagsan yahay waxaanan ilaahay ka rajaynayaa in sidaa aydun maanta u  wadaan u wada wadno”. Ayuu yidhi

Md. Saleebaan-gaal,  waxa uu soo dhaweeyay wada hadallada hordhaca ah ee u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya. “Goleyaal aynu ka baqi jirnayna waynu ka qeyb-galnay. Waxaan rajaynayaa inay soo dhawayso arrintaasi ictiraafkii oo bal maruun aynu hor fadhiisano golayaasha (Caalamka)  waxba yaanay ina siinin hadday doonaane”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha guurtidu md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s