Bahda HUBAAL: Barasho Wanaagsan

 

Wargeyska Hubaal oo ku soo biiray saaxada saxaafada Somaliland bishan barakaysan ee Ramadaan waxa uu noqon doonaa wargeys xor ah oo madax banaan oo maalinle ah, akhristayaashiisana wax ugu soo bandhigi doona qaab ka duwan hanaanka ay hadda saxaafaddu wax u soo bandhigto.
Waxa Wargeysku idiin soo gudbin doonaa war sugan, dhexdhexaad ah, masúuliyadi ku jirto, xor ka ah adeegsi nooc kasta oo uu yahay sida, Qabyaaladda, kooxaysi, qof jeclaysi, laaluushka IWM.
Wargeyska Hubaal ,Ma noqon doono mid la hoggaamiyo, balse waxa uu ahaan doonaa mid isagu wax hoggaamiya,bulshadana u iftiimiya wax kasta oo mugdi kaga jiro isagoo marnaba aan dhaawacayn karaamada iyo sharafta muwaadinka ama masuulku leeyahay ama magac dil ku ah cid kale, balse aan ka gaban doonin runta iyo xaqiiqada jirta.
Wargeysku waxa uu u taagan yahay Danaha iyo dareenka bulshada reer Somaliland ee ay ugu horeyso jiritaanka qaranimmada iyo sidii looga Midho dhalin lahaa in Dalkani noqdo mid lamid ah Wadamada Caalamka, isagoo wax idiinku soo gudbin doona si aqoon iyo xirfadi ku dheehan tahay. Waxa kale oo aanu taagan-nahay ilaalinta xorriyada iyo raýi dhiibashada muwaadinka ee distoorku u baneeyay, iyadoo mar walba aan ilaalinayno anshaxa iyo qiyamka qoraalka.
Arrimaha uu Wargeysku tooshka ku ifin doono, baadhitaanno iyo dabagalona ku samayn doono waxa ka mid ah, Asbaabaha darajooyin loo siin waayay Ciidammada Qaranka Qaybahooda kala duwan iyo Shaqaalaha oo la ognahay maanta in dallacaad iska dhaafe aanay helin wax xuquuq ah haddii shaqadda laga eryo ama laga fadhiisiyo amaba geeri ku timaaddo.
Sidoo kale waxa arrimaha aanu diirrada saari doono kamid ah sababaha sicir-bararka, musuqmaasugaqa, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo maanta gashay marxalad cusub oon la ogayn halka ay ku dhamaan doonto.
Sidoo kale wargeysku waxa isha ku hayn doonaa amuuraha caddaaladda, siyaasadda arrimaha gudaha, hab-dhaqanka shaqo hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah, sida uu u socdo nidaamka shaqo ee u dhexeeya golayaasha qaranka, wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaan.
Waxaannu dhammaan arrimaha aynu kor ku soo xusnay wargeysku u geli doonaa si qoto dheer isagoo u soo bandhigi dooona si dhexdhexaad ah, xambaarsanna masúuliyadda uu leeyahay oo ah inuu dhawro mihnadiisa.
Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s