Dil-dillaaca Xisbul-xaakimka KULMIYE & Ku Kala Kicii Shir Qarsoodi Ahaa oo Xalay Ka Dhacay Madaxtooyadda

Muuse Biixi Cabdi Iyo Maxamed Kaahin oo Dalbaday In Laga Daba Reebo Cabdicasiis Samaale

Hargeysa (Hubaal)- Xubno Wasiiro ah oo ka mid ah  xukuumadda iyo xubno ka tirsan hoggaanka Xisbiga sare ee KULMIYE    ayaa xalay shir albaabadu u xidhan yahay ku yeeshey qasriga madaxtooyadda, kaasoo lagaga wada hadlay  qabashada shirweynaha xisbiga iyo loollanka  Wasiir Samaale.

Shirkan xalay ayaa  waxa uu ka dhashay kadib markii uu shalay wasiir Samaale beeshiisa ugu soo bandhigay xaflad uu ugu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa damaciisa siyaasadeed oo uu sheegay inuu doonayo qabashada xilka hoggaanka ee xisbiga KULMIYE,  taasoo ay xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Xisbigu Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisu Maxamed Kaahin Axmed  Madaxweynaha ula tegeen in xisbiga loo dhaafo qabashada hawlaha qabanqaabada shirweynaha, balse uu Madaxweynuhuna arrintooda u saaray guddi wasiirro ah iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga.

Sida warkani uu sheegayo, waxa shirka lagaga wada hadlay soo jeedinta ah inaan shirweynaha xisbiga KULMIYE Maamulkiisa loo deyn xisbiga sida soo xulista ergooyinka iyo inaanu wasiirka Maamlliyadu isku soo sharrixi karin jagada Guddoomiyaha isagoo wasiir ah, sidoo kalena aan hal maalin dib loo dhigin waqtigii shirweynaha ee xisbiga oo qoondaysan in la qabto bisha March ee sanadkan.

Hase yeeshee jawaabtii ay ka bixiyeen xubnaha xukuumadda ayaa iyaguna waxa ay  u sheegeen garabka ay hor kacayaan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo lagu war geliyey inaanay wax sharciyad ah u haysan maamulka iyo agaasinka shirweynaha xisbiga madaama oo ay ku meel gaadh ahaayeen, sidoo kalena wasiir samaale xaq u leeyahay is sharraxidiisa.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo jeediyey in shirweynaha xisbiga qabashadiisa dib loo dhigo iyagoo guddiguna soo qaddimay in la abaabulo shir laysugu yeedho golaha dhexe ee xisbiga si uu wax uga qabto arrimaha una xalliyo oo halkaa laga soo dhex saaro  guddida qabanqaabad ee shir weynaha. Arrintaa ka timid dhinaca guddigii xubnaha wasiirrada ahaa ayaa waxa iyaana ku gacan saydhay Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in aanay aqbalayn, kadibna  hadalka laysku mud-muday, gaar ahaanna Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka sare ee xisbiga., sidaasina lagu kala kacay iyada oo aan wax natiijo ahi kasoo bixin ujeeddadii  loo qabtay shirkii qarsoodiga ahaa ee xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhex maray labada dhinac.

Advertisements

“Axmed-Siilaanyo, Cimrigiisa Illaahay Ha Dheereeyee Hore Ulamaan Tartamin, Immikana Diyaar Uma Ihi, Maalintay Ka Dhammaato- …..”

SamaaleCabdicasiis Samaale oo Nuxurka Khudbaddii uu Shalay Cabdicasiis Samaale Ka Jeediyey Hadhimaddii uu Beeshiisa u Sameeyey

 Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta xaflad qado-sharaf ah oo uu beesha Sacad Muuse ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa kaga dhawaaqay inuu isu soo taagayo mansabka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirweynaha xisbigaasi bisha March ee fooda inagu soo haysa.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu casuumay dhammaan ardaayadda beesha Sacad Muuse waxaanu hadal  uu shirkaasi ka jeediyay beeshiisa u soo jeediyay inay ku taageeraan murashaxnimadiisa gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Xafladan marti-qaadka ah oo ay ka qayb galeen wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo badan waxa halkaasi ka hadlay Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu soo jeediyey Khudbad Nuxurkeedu daarnaa hadhimada, taas oo dhinacyo kala duwan taabanaysay, waxaanu yidhi: “Haddii aan ahay Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaan tartan doorasho u soo galay golaha wakiillada oo aan meel kasta cod ka helay kuna soo baxay cod qaran, markaa waxaan is leeyahay xilkii ku saarnaa ee golaha l iyada oo aan weliba ahaa guddoomiye ku xegeenkii koowaad   inaan ka soo baxay.

Waxaan is leeyahay sodonkii sannadood ee ugu dambeeyay waad ku jirtay siyaasadda kolba meel aan kaga jirayba, waxaanan jecelahay inaan idiin sheego hankayga siyaasiga ah, waxaan jecelahay inaan idiin sheego laga bilaabo labadii kun iyo labadii  (2002) aasaaskii xisbiga KULMIYE oo aan ka mid ahaa xubnihii ugu horeeyay ee  buddhiga ahaa, sababtii aan u galay ee aydun in badan fagaarayaasha iyo saxaafadda igu arki jirteen, walaal hankayga siyaasiga ahi marnaba muu ahayn aad wasiirka maaliyadda noqotid, laakiin hankayga siyaasiga ahi waxa uu ahaa in aan maalin maalmaha ka mida aan madaxweyne u noqdo ummadda reer Somaliland, haddii Ilaahay ogolaado, waxaanan ogahay inaan hore codkiina ii siiseen immikana aad I siinaysaan, waxaanan idiinku dhaaranayaa inaanan mansabyadaa aan hore usoo qabtay iyo ka aan doonayo midna aanan is lahayn aad dhaqaale ka urursatid, anniga waxaa ii mushahar badnaa markaan joogay golaha wakiiladda, laakiin wasaaraddan aan maanta joogaana waxay wax tar badan u leedahay bulshada oo aan uga faaíideeyaa.” Ayuu yidhi Md. Samaale.

“waxaan ahay raggii aasaasay xisbiga kulmiye, balse waxaan idiin sheegayaa inaan cidna ka sheeganayn ku immika soo galay iyo ku hore u joogayba inay agtayda iskaga mid yihiin, waxaanan ka markhaati kacayaa inaanu leenahay xuquuq siman, waxaanan saaxadda siyaasadda ku soo dhawaynayaa qof wal oo walaalkaga oo ku jira tartankaa aan ku jiro oo kale, waxaanan leeyahay tartankaasi ha noqdo mid walaaltinimo ah oon xumaan beerin, yaanu inaga qaloocsamin.”

Dhinaca kale waxa uu sheegay in aanay xilligan ka go’nayn inuu isu soo sharraxo Madaxweyne nimada, “Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, hore ulamaan tartamin immikana inaan la tartamo diyaar uma ihi, waxaanse diyaar u ahay maalintay madaxweynaha ka dhammaato inaan u tartamo jagada madaxweyneha, markaa halkan waxaan ka balan qaadayaa cid kasta oo ila tartanta oo iga guulaysata inaan la shaqeeyo, cidaan Axmed Siilaanyo ahayn Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee ee xisbigaa ku jirto waxaan u arkayaa inaanu nahay dad siman, makraa ma doonayo inaan cid ka sheegto in layga sheegtana ma ogolaanayo, cidda tidhaa xisbiga gudihiisa lagu tartami maayana ka yeeli maayo, waxaanan u arkayaa qof fule ah oo tartanka ka baqanaya.”

“Waxaad ogtihiin maanta inaanu xisiga KULMIYE oo keliyii u taagnayn doorashada madaxweynaha, waxaynu ognahay inay jiraan laba xisbi oo kale oo kala ah UCID iyo WADANI, waxaa la soo saari doonaa musharaxiintii madaxweynaha, waxaana la geli doonaa tartan, tartankana waxaa fiican inay tartamaan dad isku dhigmaa oo kubada wada ciyaari kara, markaa waxaan leeyahay maanta ninka la tartami kara saaxiibkay Cabdiraxmaan ciro ee tartanka ka badin karaa inaan aniga ahay, kaftana ha iga ahaato, waayo cirro ma joogo.”

Faxladan qado sharafka ah ee uu wasiirka Maaliyada somaliland  md. Cabdicasiis maxamed samaale u fidiyay beelaha degaanka uu ka soo jeedo ee galbeedka hargeysa gaar ahaan beelaha Sacad Muuse iyo Baha Muuse, ayaa ahayd mid aad loosoo ajiibay dalabkeeda, halkaas oo ay iskugu yimaadeen haldoorkii beelahaasi lahaayeen haday tahay Salaadiin, Cuqaal, Odayaal, Culimaaúdiin, Aqoonyahan, waxgarad iyo dhallinyaro tiro badan oo aad u buux dhaafiyay madasha xaflada lagu qabtay ee hutel Maansoor ee magaalada Hargesya.

Madashaas oo ay ka hadleen Salaadiin iyo Cuqaal dhawr ahi, waxay dhammaantood iska daba mareen sida ay u soo dhawaynayaan ugana aqbaleen Wasiir Samaale, codsigiisa ah in la taageero, maadaama oo hamigiisa siyaasadeed yahay sidii uu iskugu sharixi lahaa hoggaanka guud ee xisbiga KULMIYE oo lagu wado inuu dhawaan qabsoomo.

Siilaanyo oo Xuubsaday Aqoonyahan Haaruun. W/Q. C.Jaamac

Waxaan jecelahay inaan bulsho waynta reer Somaliland la wadaago dood baryahan ka jirtay

Magaaladda London,kana dhalatay imaanshiiyihii madaxwaynaha Somaliland ku yimi UK.

Waxa xafladdii loo qabtay Madaxwaynaha iyo intii la socotay ogaa in yar oo ka mida jaalliyadda

Somaliland marka horeba oo waxa aan ka mid ahay dadkii ku war helay uun markii bulaanku ka

dhex qarxay aqoonyahan Haaruun oo ah nin aad u firfircoon dalkiisa Somaliland la jecel wanaag

iyo dadkii koobnaa ee shirkaa lagu soo casuumay oo qaar ay taageersanaayeen waftiga iyo

Madaxwaynaha oo dhinaca,halka qaar kalena ay taageero siiyeen aqoon yahan Haaruun oo u

soo jeediyay dhaliil wayn Maxamed Cabdillaahiga arrimaha dibadda ee Somaliland,kaasi oo soo

saaray War Murtiyeed bishii January 28,taaso oo ay ka muuqato qalalaad ay tahay mid si cad loo

arki karo qof kasta oo waraaqdaa akhriyay taaso ay ka  muuqato sida aanu wax khibrad ah u lahayn

sida loo sii daayo War murtiyeedka iyo luqadda la adeegsaddo,waxaana markiiba ay ishaadu ku dhacaysaa sida uu Maxamed Cabdillaahi leeyahay waxa aanu ku FASHILANAY ogaanshiiyaha khatartaa khaaska ah iyo isaga oo mar kale yidhi dhamaadka waraaqdiisa waxaanu kal shaqayn doonaa xooggaga gudaha taasi oo ilaa iminka la garan la yahay waxa uu uga jeedo cida gudaha,markaa waxa aad is waydiinaysaa ma dawlad kale oo aan tan Somaliland ahayn ayaa meesha ka jirta oo wax la waydiinayaa marka uu leeyahay iyo gudaha.

 

Ta labaad waxa uu Maxamed si cad ugu fashilmay inuu difaaco dalka oo aanay wax Argagixiso

ahi ka jirin iminka iyo horteedba,haddii ay war ku saabsan khatar soo fool leh heleen UK iyo

wadamadda Galbeedku,waxay ahayd in Somaliland la soo war galiyo si khatartaa looga hor tago

loona badbaadiyo muwaadiniint reer Somaliland iyo kuwa Ajanabiga ahba mase ahayn in lagu dhawaaqo

ka soo baxaay taasi xitaa waxa ay guul u noqon karaysaa Argagixiso haddii ay jirtayba in kastoo

ay ahayd Qaylo dhaan Been ah,dhanka kale waxaa ka dhexeeyay wadamadda Galbeedka iyo Somaliland

wada shaqayn hoose oo lagula dagaalamayo Argagixidda Caalamiga ah,taaso oo weerar dadna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen ay Somaliland u gaysatay Argagixisadda Alshabaaab 2008.

 

Haddii aan u soo noqdo markii uu cabasho Maxamed Biixi Haaruun ka muujiyay qaab dhaqameedka

Maxamamed Cabdillaahi u hagayo arrimaha dibabadda ee dalka,khaasatan waraaqdaa lagu sheegay

war murtiyeed,waxa uu abaal gud uga dhigay Madaxwayne Siilaanyo inuu si indho la’aana u difaaco

Maxamed Cabdillaahi isaga oo xuubsaday aqoon yahan Haaruun,waxaa ka maqnaa  Siilaanyo laftiisa

inuu xaaladda si ay ku jirto waayeelnimo iyo qaab masuuliyadeed u soo dhex galo oo uu yidhaa Maxamed

adiga oo ka mida dadka reer Somaliland ee wadankan dagan si fiicana ula socda arrimaha dalkii ka soo

kordhay waxaan kaaga mahadnaqayaa taasi,waraaqddana ii soo gudbi dib ayaan u eegi waanad ku mahadsan tahay aragtidaada aad i soo gaadhsiisay,xaqna waad u leedahay adiga oo u dhashay dalkii hooyo ee Somaliland taasi waxa ay ahayd afkii nin masuula oo dal madaxwayne ka ah mase ahayn inuu si indho la’aana u difaaco wasiirkiisa fashilmay ee arrimihii dibadda ee Somaliland baabiyay.

 

 

waxaan odhan lahaa Madxwayne kaama ay qabanayn muwaadin kaaga soo safray 200 miles

inaad dhagaysato oo aad u muujiso dabacsanaan mooyee inaad xuubsato oo aad kii canaanta

lahaana tidhaahdo waxaan ku kalsoonahay boqolkiiba boqol taasi ma aha mid dhaqaysa dalka sidaasna kuma sii ahaan kartid hogaamiye dal aan la aqoonsanayn oo u baahan in dadkiisu gudo iyo dibadba is dhagaystaan,waxaan jecelahay inaan ku soo xidho maqaalkan Madaxwayne afar indhood inta ay arkaan ma arkaan labo indhood,mana  ahayn inaad xuubsato aqoonyahan Haaruun ee inaad cabashadiisa hoos u eegto taasina ay guul kuu ahaan lahayd adiga iyo waftigaagii iyo martisharaftii kaleba.

kana waantoo in taaso oo kale dhacdo mar kale oo ay kuu soo jiido fadeexad kale oo hor leh.

 

 

C.Jaamac

Bristol,England

 

SAGAL JET Oo Xalay Daah-furtay Diiwaanka Mullaax Ee Maansooyinkii Ibraahim Sh. Saleebaan (Ibraahim-Gadhle)+SAWIRO

Hargeysa(Hubaal)-Waxa xalay magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu daah-furay diiwaanka Mullaax oo lagu ururiyay suugaantii Alle haw naxariistee Marxuum Ibrahim Sheekh Saleban (Ibrahim-Gadhle).

Shirkada samaynta boodhadhka casriga ee Sagal Jet ayaa Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabatay xafladaas  oo ay ka qayb galeen  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xildhibaan Xaashi Xuseen, Gudoomiyaha Ururuka Dhalinyarada Sonyo iyo marti sharaf aad u badan.

Buuga Diiwaankan ayaa waxaa Hagida Abaabulkiisa lahaa Aadan Aw Cabdi Cismaan, waxaana Ururiyey Tifaftirayna Boobe Yuusuf Ducaale iyo Ibraahim X. Muuse Wacays. ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay  Cabdi Yuusuf Aar oo ku hadlayey Magaca Shirkada Sagal Jet oo daabacday buugan, waxaana uu ka dhawaajiyey inay ka shirkad ahaan ay qayb laxaadle ka qaataan arimaha horumarka bulshada waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ka shirkad ahaan waxaanu ku faraxsanahay inaan soo bandhigno buuga diiwaanka Mulaax kaas oo aanu shirkad ahaan daabacaadeeda aanu samaynay, sidoo kale waxaanu samaynay qaabka iyo hanaanka qurxinta buugan, waxaanam odhan karaa waa wax lagu farxo inaanu hadana buugan aanu 50% aanu ku daabacno anagoon u eegayn inaanu wax ka faa’idno, waxaanan jeclahay inaan u mahad celino cid kasta oo nagala qayb qaadatay soo saarista buugan, gaar ahaan waxaan aad ugu mahad naqayaa Boobe Yuusuf Ducaale iyo Ibraahim X. Muuse oo aan odhan karo hawl baddan ayay galiyeen soo bixida buugan”.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Boobe Yuusuf oo si qoto dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Saleebaan (Ibraahim- Gadhle) isagoo ku sifeeyey shakhsi hal-abuurnimadiisu ay tahay mid wax iftiiminaysa, waxaana uu si qoto dheer uu uga hadlay ruwaayadihii baddnaa ee uu hal abuuray iyo maansooyinkiisi uu tiriyey intii uu ifka ku noola. dhanka kale waxaa hadalka la wareegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo isaguna sheegay inuu Ibraahim-Gadhle uu ahaa shakhsi ilaahay hibo u siiyey tirinta maansooyinka iyo hal abuurida ruwaayadaha, waxaana uu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo isagoo halkas uga duceeyay. Waxaa xafladan soo gunaanaday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro isagoo sheegay inuu aad ugu farax san yahay inuu ka soo qayb galo munaasibadan balaadhan ee lagu daahfurayo buuga Diiwaanka Mullaax, waxaana uu halkaas mahad naq balaadhan uga soo jeediyay shirkada Sagal Jet oo uu ku amaanay had iyo jeer sida wadaniyada leh ee ay uga qayb qaadato horumarinta arimaha bulshada

Shir-doceedyo Taageero Loogu Raadinayo Hoggaaminta KULMIYE ee Shanta Sanno ee Soo Socda oo Bilaabmay & Saan-saanta Loollan Musharraxiin Beel kasoo wada Jeeda Ku Kala Jiidanayaan Taageerada Deegaankooda

 

Dabaysha Ololaha Musharrixiinta KULMIYE oo Si Xooggan  Loo Hadal Hayo iyo  Koox  Taageero u Raadinaysa Muuse Bixii oo Ku Shirtay Hargeysa

Hargeysa (Hubaal) – Shir-doceed taageero loogu raadinayo Sidii mar kale uu hoggaanka shanta sanno ee soo socda ugu guulaysan lahaa  guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi  ayaa shalay lagu qabtay Crown Hotel ee  magaalada Hargeysa. Shirkan oo qayb ka ah shir doceedyo  lagu falanqeeyay   sidii loo barbar istaagi lahaa,   Md. Muuse Biixi oo u tartamaya musharraxa Xisbigiisa oo la filayo inay qabsoomo badhtamaha sannadkan aynu ku jirno.

Waxaana kulankan ka soo qayb galay  xubno  iskugu jira Cuqaal, Culimaaúdiin, Ganacsato, Wax-garad iyo dhallinyaro, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa.

Shirweynaha xisbiga KULMIE, oo la filayo inuu dhawaan qabsoomo, isla markaana saansaankiisa  durbaba ay bilaabmeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa maalmahan dambe laga dareemayey magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku loolamayaan xubno dhawr ah oo la sheegay inay u diyaar garoobayaan  tartanka jagada Guddoomiyaha soo socda ee xisbiga KULMIYE.

Shir-weynaha xisbiga oo   ayaa ilaa hadda ay wararku sheegayaan  ay isu soo sharaxeen jagadaas  Saddex Musharrax oo  Guddoomiyaha hadda haya hoggaanka Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maalliyada  Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Warfaafinta  Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timocad),  kuwaas oo dhammaantood kasoo kala jeeda Beesha degta Galbeedka Magaalada Hargeysa, kuwaasoo aan ilaa hadda aanay jirin wax isku tanaasul ah oo ay sameeyeen, sidoo kalena aan la sheegin cid usoo bandhigtay sidii ay isugu daysan lahaayeen musharaxnimada  maadaama ay dhammaantood ka soo wada jeedaan Beel qudha.

Shir-doceedyadan ka dambeeya duufaanka ololaha shirweynaha KULMIYE oo dhawaanahan laga dareemayo magaalada Caasimadda Hargeysa ayaa bilaabmay kadib markii  kooxo taabacsan Guddoomiye Muuse Biixi, ay isu abaabuleen sidii ay  sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen damaca iyo rabitaanka guddoomiyaha, waxaana   laga sugayaa sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabada hortaalla ee ah  sidii loo kala tanaasulin lahaa tartamayaasha beesha qudha ka soo wada jeeda, isla markaana arrinkooda lagu gali lahaa habka dhaqanka ee beelaha somaliland kusoo caano maashay, maadaamoo ilaa hadda aanay jirin cid odayaal ama waxgarad ah oo isku xil-saartay wax kaqabadka hawlahaasi iyo sidii loo saari lahaa guddi farsamo oo isku keenta musharaxiintaas.

Shir-weynaha xisbiga KULMIYE oo mudaddiisa sharciga ahi ay ku beegantahay dhammaadka bisha sadexaad ee sannadkan ayaa lagu wadaa in dib loo dhigo qabashadiisa duruufo ka jira dhinaca xusbiga aawadii, kuwaas oo ka dhashay xanaftii doorashada deegaanku ka tagtay isla markaana   rabash iyo qalalaase badan ka abuuray dalka, loona aaneeyey  masuuliyadeeda inay lahaayeen Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE. Dhinaca kale   haddii golaha dhexe ee xisbul xaakimka oo awood u leh sharciyadda kordhinta muddadu ay fadhiisan waayaan, isla markaana sharciyan u kordhin waayaan mudadda dib u dhigida shirkaas, waxay noqonaysaa in wixii ka dambeeya bisha sadexaad ay sharci darro ku fadhiyayaan cid kasta oo mansab ka haysay xisbigaas, maadaama oo aan ilaa hadda loo samayn muddo kordhin sharci ah.

Hubaal News Desk

Hargeysa, Somaliland

Hubaal100@gmail.com

Hubaal100@hotmail.com

Hubaal100@yahoo.com

Weriyaha Caanka Ah ee Yoonis Cali Nuur oo Ka Warramay Hoggaamiyeyaal Dabeecad Qallafsan oo uu Waraystay+ Waannooyin Dhaxal-gal ahna U soo Jeediyey Qofka Suxufi Noqonaya

“Ninka dhakhtarka ahi  Cudur Qof Buu Dersaa kana fikiraa dawadiisa, laakiin adigu  waxaad darsaysaa mashkalad mushtamac dhan saamaynaysa”

“Dadka dabeecadoodu Adkayd Madaxweynihii hore  Xasan Guuleed Abti-doon, Cabdillaahi Yuusuf Laftiisu Ha Madax Adkaadee Wuxuu Doonayay Inuu Tiisa Ku Marsiisto….. Su’aasha haddii uu garan waayana inuu Yidhaahdo….”

 

Hargeysa (Hubaal)-Weriyaha Caanka ah ee Yoonis Cali Nuur oo kamid ah Weriyayaasha Mudadda dheer ka soo shaqaynayay Idaacadda BBC-da ayaa ka warramay Taariikhdiisa nololeed, shaqo iyo Mudadii uu ka shaqaynayay Idaacadda BBCda. Yoonis Cali Nuur oo Haatan ku sugan Magaaladda Hargeysa ayaa sidoo kale ka sheekeeyey Waraysigii ugu adkaa ee uu qaado, iyo dhibaatooyinka ay saxaafaddu leedahay iyo weliba sida loogu baahan yahay in laga digtoonnaado caqabaddaha keeni kara in khatar ay gasho nolosha suxufigu. Yoonis Cali Nuur oo sidoo kale ah Tabobare Xirfadda amaba Mihnadda Saxaafadda Muddo dheer ku soo dhex jiray, isla markaana soo saaray saxafiyiin badan, waxa uu waraysi uu siiyey Oodweynenews.com kaga warramay noloshisa iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, isaga oo dhinaca kalena waannooyin, iyo Hogatus siiyey da’dayta ku dhex jirtay mihnadda saxaafadda. Haddaba WAraysigan oo Wargeyska Hubaal, Cadadka Maanta idiinku soo gudbinayo qaybtiisii koowaad, waxa uu ugu horeyn Weriye Yoonis kaga hadlayaa taariikhdiisa, waana kan isaga oo ka jawaabaya meeshii uu ku barbaaray iyo halkii uu tacliintiisa ka bilaabay:  “Magaaladda Hargeysa waa magaaladdii asalka ahayd ee aan ku barbaaray, Iskuulkana aan ka galay dugsiga biyo dhacay, in kastoo markii hore aan ka bilaabay deegaanka Fara-weyne, haddana markii dembe ee 1964, xilligaas dagaalkii XAbashida iyo Soomaalida ee hore ayay ahayd, malaha waqtigaas maad jirine (Weriyaha). Markaa halkan ayaan ku dhamaystay, waanan degennahay halkan (Hargeysa) qayb ahaan oo caruur iyo xaas baa ii jooga, qoyskayagana in badan baa degen, weligoodna degennaa. Iskuulladda berigaa hore  inaad soo gaadhay mooyee, waxa la odhan jiray Boodhing (Boarding), oo inaad soo gaadhay  mooyee, ardaygu iskuulkuu u hoyan jiray oo uu wax ka cuni jiray, fasaxa ayuun buu reerkooda ku laaban jiray. Iskuulka degmadda Cadaadley waxa aan ka galay dugsiga Dhexe, Camuudna waxaan ku dhamaystay dugsiga sare. Markii aanu ka baxneyna berigii hore dadkuba Xamar buu wada tegi jiray haddaad shaqo doonayso iyo haddaad baasaaboor doonaysaba, halkaas ayaan shaqo qaran iyo Tabobarkii Xalane loo yaqaanayba halkaas baan ka galay, markii dembena warfaafintii baan ka galay Radio Muqdisho, kadibna Jaamacadda ayaan galay anigoo dhigtay Culuumta Siyaasadda (Polictical Sicience) ayaan BA ku sameeyey, haddana waxaan Waxbarasho dheer oo  u tegey Jarmalka, xilligaas waxa jiri jiray Jarmalka Bari iyo ka galbeed, halkaas deeq waxbarasho   Saxaafadda qaybteeda Idaaciga ah (Broadcast Journalism) Diploma ka diyaariyey. Markii aan dhamaystay waxaan dib ugu soo noqday dalka anigoo Wakaalladii wararka ee SONA la odhan jiray ka noqday ku xigeenka agaasimaha fulinta, in kastoo aan Radio Muqdisho Faallooyinka u samayn jiray. Markii dembe ee siyaasaddii xumaatay ee dagaalo sokeeye dhaceena dibbedaha ayaan iska tegey, oo 1982-kii ayaan anigu iskaga tegey oo Muqdisho aan ka baxsaday, oo intaan Talyaaniga, Malta  soo marnay anagoo wefti ah ayaanu Jabuuti ku leexanay aniga iyo Nin wasiir xilligaas ahaa, halkaas ayaan France ka galay 1983-kii dabadeena soomaba noqon.”  Sidaa ayuu yidhi Yoonis Cali Nuur oo guud mar ku samaynayay taariikhdii yaraantiisa iyo waxbarashadiisii. Intaa kadib waxa uu Weriye Yoonis sharraxay noloshiisii dembe ee Qurbaha sidii uu kaga mid noqday Hawl-wadeennada Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, illaa waqtiganna kamid ah Foollaadka Hay’addaasi, “Markaan Faransiiska Galay ayaan shaqada BBC-da oo la xayaysiinayay aan arkay, tii baan dalbaday  galay, waa la ii yeedhay waxa la iga qaaday Imtixaan, 18 qof baanu ahayn alla ha u naxariistee waxa ka mid ahaa dadkaa Mustafe Xaaji Nuur oo BBC-da hore uga shaqayn jiray oo inta uu iskaga tagay dib u dalbaday, wuu iga waayo aragsanaa hase yeeshee nasiib wanaag anigaa ku soo baxay shaqadii, malaha waxa ay BBC-du doonaysay  maskax dhalinyar oo cusub. Sidaasaan kaga mid ahaa BBC-da oo aan intaas oo dhan joogay, inkastoo aan dhinacna wax ka baranayay, oo jaamacaddaha London iyo mid kale oo Southban College la yidhaa baan Part Time wax ku dhiganayay oo waxaan shahaadada Masterate-ka  ku sameeyey cilmu-nafsiga bulshada  (Social Psychology)”. “Waxan Saxaafadda La Yidhaahdaa runtii way dhibaato badan tahay waayo dhib kasta waad la kulmaysaa  ilaa khatar noloshaadu gasho, sida immika Soomaaliya ka dhacda, Maali kamid tahay, Ciraaq, iyo  Nayjeeriya. Khataro saxaafadda kusoo fool leh oo  gooni ahi way jirtaa, shaqadeeduna waa shaqo aad u adag, waa mid u baahan shuruudo iyo duruufo meelo badan oo kale aan loo baahnayn. Ninka dhakhtarka ahi  cudur qof buu dersaa kana fikiraa dawadiisa, laakiin adigu  waxaad darsaysaa mashkalad mushtamac dhan saamaynaysa oo dhegeystayaal saamaynaysa oo shakhsiyaad saamaynaysa, sida awgeed taxadir gooni ah baa loo baahan yahay, saxaafadduna waa middi laba af leh, haddaan sida xeerku yahay loo qabanna dhibaatay leedahay. Cadaw bandanna way leedahay, cadawgaasi ama siyaasi ha ahaado ama xagjirayaal ha ahaadaan ama kooxo ha ahaadee waxa lagu dilayaa suxufiga maxaad runta u baadhay oo aad u soo bandhigtay,  laakiin xeer bay leedahay oo qawaaniin bay leedahay,   haddii aad intaa ku dhaqantanna waad qabsatay shaqadaadii, markaad saxaafadda ka shaqaynaysana waa inaad daacad ka ahaataa mihnaddii” ayuu yidhi Weriye Yoonis Cali Nuur, Waxana uu intaa ku daray “Ninka dhakhtarka ahi subixii marka uu guriga ka baxayo ee uu shaqadiisa tegeyo, muxuu gashadaa,? Wuxuu xidhaa dharkii caddaa ee astaanta u u ahaa caafimaadka, saxaafadduuna waa sidaas oo  kale, waxaad aaminsan tahay iyo fikradahaaga shakhsiga ah waa inaanay kaa muuqan. Tusaale ahaan xisbiyada siyaasadda  marka doorashada inaad cid u codayso sharci kuu diidayaa ma jiro, inaad fikradahaaga shakhsiga ah aaminsanaato ama masiixi ahaw ama muslim ahawo’e laakiin maxaad daacad u noqonaysaa?, waxaad aaminsan tahay mabda’a la yidhaa Profession-ka, laakiin aanad eegin qofkaad tahay, gobolkaaga, ciddaada iyo wixii kale ee gaar ah. Tan kale ee waraysigu dhibaatooyin badan waad kala kulmaysaa dadka la waraysanayo, oo inta badan dadkaasi waxa ay doonayaan in su’aalaha aanay rabin ay ka warwareegaan oo meelo kale ayay isku qaadaan, laakiin adiga ayay tahay inaad suaashii ku soo dabbaasho waraysiga, dabeecadahooduna way kala duwan tahay oo qaar baa saxaafaddiii fahamsan oo kula shaqaynaya oo diyaar ah, haddaanay waqti hayna raali ahaw ku odhanaya, qaar baa qallafsan oo dabeecad adag, tusaale ahaan waxa kamid ah dadka dabeecadoodu adkayd Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Jabuuti alla ha u naxariistee Xasan Guuleed Abti-doon, Cabdillaahi Yuusuf Laftiisa ayaa kamid ahaa, inkastoo ha madax adkaadee jawaabayay isagoo doonaya inuu tiisa ku marsiisto. Alla ha u naxariistee Xasan Guuleed mar mar waxaad moodi jirtay  in uu ku sigto in inta uu mikirifoonka kaa qaado uu ku dhirbaaxo, marmar uu degen yahay iyo mar uu ku yidhaahdo mabaanaan fadhiisan oo kabaha iskamaanu bixinne naga hor wareeji bahalka aad na hor hayso. Sidiisa kale nin hawl-kar ah buu ahaa oo jawaabihiisu gaaban yihiin. Su’aasha haddii uu garan waayana waa laga yaabaa inuu ku yidhaahdo shaqadaada maaha, maxaa kaa galay, maadaa I dirsaday. Haddii aad tusaale ahaan tidhaahdo Xasan Guuleed waxa aad taahy nin siyaasadda in badan ku jiray goormaa laga yaabaa inaad hawl gab noqoto siyaasadda. Waxa laga yaabaa inuu ku idhaahdo Maxaa kaa galay adiga, Ma adaa I dirsaday, haddana runtii waxa ahaa nin jawaabo toos ah ku siinayawaxa uu ahaa nin degen.

Hubaal News Desk

Hargeysa, Somaliland

Hubaal100@gmail.com

Hubaal100@hotmail.com

Hubaal100@yahoo.com

 

 

LONDON: Muwaadin Ka Dhex Toosay Kulan Madaxweyne Siilaanyo ay Kacaan-yahanno Jaalliyadda Ka Tirsani Ku Qaabileen

“Maan moodaynin Reer-Somaliland inay Guulwadayntu heerkaas ka gaadhay, Waxan Shirka Keenay Waraaq Ingiriisi ah, oo uu Wasiir Khaarajigiisu Qoray Hase Yeeshee Waa La Igu Shimbiro Waaqleeyey”

***********

“Wasiir Geeljire Wax Kaleba Kama Hadlin ee Wuxuu Sheegay In Aanay Cidi Dhegeysanin Waxa ay Sheegaan”

****************

“Madaxda waa in la ixtiraamo, waraaqda ninkaasi sitto, waxa ku qoran lama hubo, wixii dhaliil ah ee Wasiirkayga ku socdaa Aniganna Wuu igu Socdaa, Wasiirkaygana si Buuxda Ayaan Ugu Kalsoonahay Abidkiina….”

 

London (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si aadag u difaacay Wasiirkiisa arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo qaar kamid ah Qurba-jooga Somaliland Dhaliileen Siyaasaddiisa, iyaga oo ku tilmaamay in uu Siyaasad aan ka turjumayn waaqica ku metelo qaranka iyo ummadda Somaliland. Kulan uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu la yeesheen xubno kamid ah Jaalliyada Somaliland ee dalka UK habeen hore ayaa qaar kamid ah dadkii ka qayb galay waxa ay dhaliilo hor leh hor dhigeen Madaxweynaha, isla markaana isu barbar dhigeen guullaha iyo boogaha in la dhayo u baahan ee xukuumaddiisa ku taalla. Kulankan oo ka dhacay Hotelka Sheraton ee ku yaalla degmada Park Lane ee galbeed ee magaalada London waxaa soo qabanqaabiyey qaar kamid ah xubnaha jaalliyadda ee taabacsan Madaxweynaha iyo xisbiga KULMIYE, waxaana ku wehelinayay oo kala qayb galay Madaxweynaha Wasiirro ay kamid yihiin wasiirka Arrimaha Dibbeda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, iyo xubno kale oo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku ka mid yahay. Kulankan Casho sharafta ahaa oo aan haba yaraatee loo ogolaan Warbaahinta, markii uu dhammaadayna Weftiga Madaxweynuhu ka soo saaray war murtiyeed lagu sheegay in xog-waraysiga labada dhinac iyo jawigii uu ku dhammaaday, ayaa haddana wararka xog ogaalka ah ee aanu ka helayno halkaasi waxa ay sheegayaan in uu kulanka ka dhex toosay Aqoonyahan reer Somaliland ah kana mid ahaa Mujaahidiintii dalka u soo naafawday, kaasi oo siyaasad ahaan duray isla markaana damqay nabarro siyaasadeed oo uu sheegay in wasiirka khaarijigu u geystay qaranka, Hadalkaasi mujaahidka ayaa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Xamili waayay inuu ka aamuso isago oo si adag uga jawaabay isla markaana difaac la barbar yimid wasiirkiisa oo uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay.

Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi oo Ka Dhex Toosay Shirka

Aqoon yahayn Maxamed Haaruun Biixi oo kamid ahaa Xubnihii ka qayb galay kulanka Madaxweynaha isla markaana ka mid ahaa mujaahidiintii laxaadkooda ku waayey halgankii SNM ayaa Madasha ka jeediyey hadal dhaliyay in xubnahii Xukuumaddu ay buuq iyo sawaxan bilaabeen xamilina kari waayeen qodobo iyo tallooyinka Maxamed Haaruun madasha ka jeediyey. Haddaba Maxamed Haaruun laftigiisa ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey warbaahinta oo uu kaga hadlaayo dhacdadaasi wuxuu ku yidhi sidani:

“Kulankii Madaxwayne Siilaanyo iyo kalmadihii aan boobay!

Ma maqli jirteen cabashooyin ah, “Madaxwayne Siilaanyo iyo shacabkiisa dad muraad leh baa u dhexeeya?” Wixii la sheegoba wax uun baa ka jira. Eedayntaas oo nool aniga ayaa u soo joogay. Shir dhan, oo guulwadayn iyo hees walwaaleed uun laga qaadaayo, oo dadwaynihii in hal qof ka hadlo la diiday baan tagay, kadibna hadalkii baan boobay. Oo maxaan u booby waayay ma jid kale ayaa ii furnaa. Wax kastaaba way dhacaan ee bal ila wadaaga siday wax u dhaceen!. Xalay (Habeen Hore) (13 Feb, 2013), waxan ka qayb galay kulan loo qabtay Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Siilaanyo iyo xubno door ah oo la socday. Laba maalmood ka hor baa na loo sheegay in 7:00 fiidnimo, Hotel Sheraton Madaxwaynuhu dad kooban oo labaatan aan ka badnayn kula kulmaayo, talo-na waydiinaayo. Arrintii sidii uma dhicin ee dad ka badan labaatankii, iyo warbaahinta oo aan la filaynin baa yimid. Waftiga Madaxwaynaha oo aad u soo daahay baa soo galay iyadoo markaas wakhtigii hotelka la kiraystayba uu gabaabsi ku dhawyahay, wax cudurdaar ahna ma bixinin. Madashaas goob-joog baan ka ahaa. Horeyba shirkii baa laga furay. Shirka waxa furay nin magaciisa la iigu sheegay Xariir. Koleyba intaan maqlaayay ama la kulmay hadal-qaybiye ama hoggaamiye shir wuxuu ahaa ninkaasi midkii iigula liitay. Wuxuu judhiiba ku margaday oo sixi waayay magacii Madaxwaynaha, waxoogay baana lagu qoslay, loona saxay. Haddana Wasiirradii midkood ayuu is yidhi dadwaynaha u sheeg, kiina wuu garan waayay magaciisii. Kolkay talo halkaas maraysay, ayaa waftigii go’aansadeen inay iyaku dadka isu sheegaan, oo nin waliba ka uu yahay tilmaamo. Waa laga gudbay, ninkii Mr Xariir wuxuu hadalkii siiyay dhawr qof oo si foolxun u guul wadeeyay. Isaga qudhiisu guul-wadaynta dhinac buu ka waday oo mar kasta oo fursad uu u heloba hadal guulwadayn ah buu sheegaayay. Hadalkii haddana wuxuu siiyay nin lagu magacaabay Maxamed Yoonis oo la ii sheegay inuu Wasiir ku xigeen mar ka ahaa Wasaaradda Khaarajiga. Mr Yoonis, oo sababtu waxay ahaydba, codka hadalkiisa oohin laga dareemaayay bilawgii, ayaa hadalkii cabaar haystay. Isaga iyo Xariir oo hadalka u dhiibayba waxay si badheedh ah u sheeg-sheegeen hadal laga wada dhadhansaday durid Xasan Ciise loola jeedo. Dadka badankoodu hadalkaas ma jeclaysan, qaar u sacabiyayna waa jireen. Mr Yoonis weerarkii uu Xassan Ciise ku qaaday waxa u raacaayay ammaan uu u jeediyay Wasiirro dawladda ka mid ah sida Wasiir ka madaxtooyada (Xirsi), Khaarajiga, (Cumar), iyo Madaxwaynahaba. Maan moodaynin Reer-Somaliland inay Guulwadayntu heerkaas ka gaadhay. Waan yaabay dhab ahaan. Hadmaa dadkii sidan u doorsoomay? Baan hoos isu waydiiyay. Mr Yoonis wuxu malaha ka dareen qabay in nimankaas Wasiirrada ah dhaliilo badan had iyo jeer loo jeediyo, waxaanu isku dayayay qiyaastaydii, inuu daafaco, waan se hubaa inaanu halna u tarin. Intaas kadib, Wasiiro, xildhibaano, iyo nin la ii sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Somaliland yahay baa iska wada daba hadlay, dhamaantoodna hal waddo ayay haysteen. Way cawdeen dhamaantood, waxaanay sheegeen in maamulka dhaliilo uun loo jeediyo, oo waxay qabtaan baa an indho loo lahayn. Mid kastaaba hadal noocaas ah oo cabasho ay saldhig u tahay buu jeedshay. Xildhibaan magaciisa lagu sheegay Cali-mareexaan, oo sidaan dareemaayay, ugu aftahansanaa ayaa sheegay inay malaha cilladdu tahay iyaga (dawladda) oo aan si wacan wax-qabadkooda u sheeg-sheegi aqoonin. Wasiir Geeljire oo hadlay isagu wax kaleba kama hadlin ee Xildhibaankii ka horeeyay (Cali-mareexaan) ayuu ka daba tagay warkiisii, waxaanu tilmaamay inay sheegi yaqaaniin waxooda, laakiin aanay cidi dhagaysanaynin. Riwaayad uu sheegay in waa hore la dhigay, oo Sooraan uu jilaa ka ahaa buu noo soo qaatay, riwaayad se cidi uma fadhiyin. Isku soo wada duuboo, aniga malahayga, kooxdii Siilaanyo hortiis shirka ka hadashay, ee dadka caajisiyay dhamaantood wax macno leh kama hadlin. Madaxwayne Siilaanyo oo ay ugu dambaysiiyeen, wakhtigana ka rideen ayaa ugu hadal wacnaa dhab ahaan. Hadal badan ma odhanin, lakiin hadal micno leh buu yidhi. Wuxu sheegay inay wax qabteen, dhaliilo na ay jiraan, macsuum na aanay iyaku ahayn. Wuxu tilmaamay in la dhaliilaa ay dhaqanka dimuquraadiyadda ka mid tahay, diyaarna ay u yihiin. Wuxuu sheegay inay dawladda ingiriisku kala hadashay shirka London lagu qaban doono ee Soomaaliya, ayna ka tashan doonaan xilliga munaasibka ah. Kolka loo eego Siilaanyihii xiliyadda qaarkood, hadalkaasi mid kooban buu ahaa, hadal se macno leh buu ahaa.

Intaas kadib maxaa dhacay?

Kooxdii shirka maamulaysay waxay si ku talagal ah ugu dadaalaayeen, ama ka dadaalayeen, inaanay dadka shirka yimid hadalka fursad u helaan oo wakhtigu sidaas ku dhaco. Waxa muuqanaysay inaanay doonaynin in su’aalo waftiga la waydiiyo, ama faallo cidi bixiso. Intii hadallada “Guul-wadaynta” ahi socdeen, ayaa dadka waraaqo yaryar loo qaybshay, si cidii su’aal qabtaa ugu qorto. Habkaas marar badan baa horey loo isticmaalay, su’aalaha aan la jeclaysanin na, waa la iska tuuraa uun. Sidaas darted, cidiba badiyaa ma xiisayso inay su’aal qorto. Kolkii ay xaajo halkaas maraysay, Madaxwaynihii na hadlay, wakhtigii shirkuna gabagabo ku dhawyahay, dadkiina niyad jabsanyihiin oo aanu hal qof dareemadii bulshada iyo waayihii taagnaa ka hadlin, ayaan anigu qof ahaan go’aansaday inaan hadlo fasax la’aan. Waan u badheedhay taas dhab ahaan, maxaa yeelay jid kale oo ii furaniba ma jirin. Masaafo gaadhaysa 200 mayl anigu uma soo soconin inaan hadallo iska faaruq ah iyo guulwadayn soo dhagaysto. Waxan u imid, dadka badankooduna u yimaadeen, inay dareenkooda dhabta ah cabiraan hadayba Madaxwaynihii fursad u heleen. Waxay u yimaadeen, inay Madaxwaynaha ugu hambalyeeyaan wixii u qabsoomay, wixii ka qaloocdayna u tilmaamaan. Waxay kooxdii shirka wadday ii soo direen nin ka mid ah iyaka oo iga codsaday inaanan hadlin, laakiin ma yeelin. Hadal dhib leh ba maan u soconin, waxaanan fahmi waayay sababta aan loo doonaynin inay cidiba afka furto. Waa yaab saw maaha? Anigu kolkii aan istaagay, ee hadalka bilaabay, salaam kadib, waxan madaxwaynaha ku hambalyeeyay darajooyinkii ciidammada ee dhawaan uu bilaabay. Waxan sheegay, oo saxna ah, inay arrintaasi ahayd mid dhinaca saxda ah loo qaaday, labaatan sanona ay sabab la’aan u taagnayd. Waxan sheegay in sababta arrintaas loo dhaqaajin waayay ay karti daro, iyo asbaabo kale oo liita, oo ay ka mid tahay qabiilkee darajooyinka la bixiyo badsan doona, iyo kee yaraysan doona darted ahayd. Waxan sheegay, ilayn inaan guulwadeeyo isuma taagine, in Somaliland ay cillad wayni haysato, cilladaasuna ay tahay inaan wixii qaldan la isu sheegin. Waxan sheegay, in kooxdaas isaga la socota oo dhami ay ku dadaalayaan inaan dadka shirka joogaa wax hadal ah odhanin. Waxan sheegay inay dadkani dalka la leeyihiin, sidiisa oo kalena lexejeclo wadanka ka hayso. Waxan sheegay dhaliil sheegistu inay ummadaha dhisto, dhaliil sheegis la’aantana lagu dumo, oo tii Maxamed Siyaad ee isagu (Madaxwaynuhu) uu goobjooga u ahaaba ay sidaas ku duntay. Waxan sheegay in dhibaatooyinka dawladiisa haysta ay ugu wayntahay, siday aniga ila ahayd, gaabisnimadda Wasaaradda Khaarajiga. Waxan sheegay, oo shirkana keenay, oo qaybo ka mid ahna meesha ka akhriyay, waraaq Ingiriisi ah, oo uu Wasiir Khaarajigiisu dhawaan (January 29, 2013) qoray. Waraaqdu waxay sheegtay inay Somaliland ku ‘fashilantay’ inay kashifto wax cadayn ah oo taageeraaya talooyinkii dhinaca amniga ee dhawaan dawladda ingiriisku bixisay. Kalmadda “Fashilka ama failure” oo Wasiirku uu adeegsaday ayaa hadalkiisa micnihii uu ka watay mooyee mid kale u yeeshay, foolxumo dhacday baanay ahayd. Kolkaan halkaas maraayay, ayaa la igu shimbiro-waaqleeyay, shirkiina qasmay. Inyar oo doonaysay inaanan hadalka sii wadin, iyo in badan oo lahayd wad hadalka ayaa loo qaybsamay, labada kooxoodna way qaylinaayeen. Waxba se igama galin “Kol hadaan ka gabyay, go’aygiina ka qaatay.” Waa halkii Nuur-laangadhee. Waxan ka xumahay inay iga dhex galeen talada qaybtii ku saabsanayd Xassan Ciisaha ay meesha hadalada u marinaayeen, oo aan jeclaa inaan ku idhaaho, Mr Madaxwayne, kolka aad Hargeysa ku noqoto, ninkaas Xassan ah adigu qof ahaan baabuurkaaga qaado oo gurigiisa ugu tag, arintana xalkeeda doon oo warbaahinta fariimo ha u marinin, cidna ha u dirin. Laakiin mabay igu simin guulwadayaashii meesha bash-bash lahaa.

Fal-celintii Madaxwaynaha!

Kolkay halkaas maraysay, cabaar kadib baan fadhiistay, hadalkiina waxa qaatay Madaxwaynaha. Madaxwayne Siilaanyo wuxu u holladay kalmaddo kooban oo Wasiirkiisa uu ku daafacaayo, garna wuu u lahaa kolka dhinac laga eego. “Madaxda waa in la ixtiraamo, waraaqda ninkaasi sitto, (Waa aniga ninku, magacayga ayaanan u sheegay Madaxwaynaha, waanu isticmaalay), waraaqda uu Maxamed Haaruun sitto, oo aan filaayo inaanu akhriyin, (waxan u sheegay inaan akhriyay), waxa ku qoran lama hubo, wixii dhaliil ah ee Wasiirkayga ku socdaa, anigana waa igu socdaa, wasiirkaygana si buuxda ayaan ugu kalsoonahay, abidkiisna wasiir buu ahaanayaa.” Ayuu Madaxwaynuhu si cadho ka muuqato ugu tiraabay. Wasiirkiisa Khaarajigu wax la daafaco waa ka culusyahay xaalkiisu sida runtu tahay, inuu Madaxwaynuhu meesha uun kaga baxaayay, iyo inuu dhab ahaan ninkaas si buuxda ula hayo ma garanaayo. Wakhtiga ayaa sheegi doona. Dadka qaarkood baa ku dooda Wasiirkani inaanay cidiba shaqo qaran u diranin, wixii loo dirtayna uu ka adagyahay, laakiin wali doodaasi aniga igama daadagin. Sidaas oo ay tahay, waxan horey u maqlay, in dad waxgarad ah, oo Madaxwaynaha ehelkiisa ahi ay talo mar ugu tageen, una sheegeen inuu Wasiirkiisa Xirsi iska fogeeyo sababo dantiisa iyo midda qarankuba ku jirto, waxaanan maqlay inuu soo diiday. Tii waagaas iyo middan habeen hore ayaan isu geeyay. Waxan sidoo kale xasuustay Waraaq aan mar akhriyay, oo talo qiimo gal ahi ku qornayd, oo qoraaga Maxamed Baashe uu ayaamihii Madaxwayne Siilanyo la doortay hawada u mariyay. Waraaqdaasi qodobadii badnaa ee ay xambaarsanayd waxa ka mid ahaa mid Madaxwaynaha xasuusinaayay inuu waagii Qaaxo (ayaamihii SNM ta) rakaab (asxaab) aan wacnayn isku xeeri jiray, ayna tahay inuu dhaqankaas markan bedello kol hadii aanay meeshu jabhadnimo ahayn, oo ay qaranimo tahay. Waxyaalahaas kolkaan isu geeyay, waxan is leeyahay Wasiir Khaarajigu wuxu haystaa bii’ad u saamaxaysa inuu wixiisii iska walaaqdo, oo talada umadda hadba gidaar kula dhaco. Aan dhawrno mustaqbalka” ayuu Maxamed Haaruun ku soo koobay qoraalkiisa.

Waa Kuma Maxamed Haaruun Biixi?

Maxamed Haaruun wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM qaybtii miino saarka, waa aqoonyahan cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga (International Relations and Political Science) ka haysta jaamacadda Derby University ee dalka ingiriiska oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee dhinaca siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah lagu barto dalka ingiriiska oo madax badan oo dunida ka taliya ka baxeen, wuxuu sannadkii 2010-kii ka mid ahaa ergadii qaramada midoobay ee loo diray xallinta iyo kormeerka muranka dhinaca xadka ee u dhexeeyey dalalka Nigeria Iyo Cameroon, isagoo warbixin ka qoray wuxuu la taliye u ahaa Dawladda hoose ee magaalada Shefield ee waqooyiga dalka ingiriisa. Maxamed Haaruun wuxuu sannadahii 90-naadkii isagoo gacmahiisa kaga guraya miinooyinkii faqashtu dhigtay Somaliland ay miino kaga qaraxday indhahiisa isagoo labadiisa indhoodba ku waayey, dhawaan wuxuu ahaa xoghayaha arrimaha dibada xisbiga UCID oo uu xilka iska casilay dhawaan, wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeeda caasimadda Somaliland ee Hargeysa.